Suugaanta

Doora saydh (gabay), Abwaan Cabdisalaan Caaradhuub oo Gabay siyaasadeed ku xujeeyey Gabayaaga Cali duul duul

caaradhuubBurco(saraarnews) Abwaan Cabdisalaan Caaradhuub  ayaa gabay  siyaasadeed haldhigiisu yahay  Doorasaydh ku xujeeyey Gabayaaga Cali duul duul oo ay kaftan wadaag ahaayeen.

Sabriyoow tixii maan dalayn daabaca ahaaye
Hadaan deelka maansada furfuro diillalyaa imane
Duulduul warbaa igaga yimi doora saydhidahe
Dawac inuu ku ciyo Aarka waa duri inaadeere
Hadii Cali i daandaansadoo dux iga dhawraayo
Sidii damalki maydhbaan noqdee doqon ma waayaan
Dayrbaa la moostaa hadii daad ku soo galo’e
Sheekada halkaad iga durqumi waan ku diir garane
Dalka nin u abwaanaan ahoo dacala dhaadheere
Marna diiradbaan ku arkayaa deliyo hoobaaqe
Xirsi inaan durbaanka u sidoo daramal soo qaatay
Oo aan ninaba dayrin karin debed anoo aala
Uu diilbax ii raacsan yahay dirir haday gaadho
Aan doonyaqaadkiişa ahay kuuma diidaniye
Nin dareewaluun baa ka adag daabaduu wado’e
Calina waa wasiirkaan dirtee daacada ahaaye
Adna waa darkaad ku horataa duunyo iyo maale
Darib iyo haduudh haysku cunin daaca qudhunkooda
Dibriyaadle oo rooban iyo dacaladii Laaska
Dooliyo nugaal baad dartaa inaan u doolaaye
Ninba derejo gaaruu rabaa inu ku duulaaye
Hadaan suuqa daanshoonayaan doolara u hayso
Oo aan dukaan shaaadhka gado daasna kaba buudha
Sida aad işula diidan tahay deelka ka higaadi?

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top