Suugaanta

Tallo ilmaadeer (gabay), Abwaan cali duulduul oo ka soo Jawaabay gabaygii Cabdisalaan caaradhuub

duulduulBurco(saraarnews) Abwaan Cali duulduul oo ka soo jawaabay gabaygii Cabdisalaan caaradhuub oo ay sheeko siyaasaded ka wada sheekaysanayeen, gabayga oo aan khaafiyadii  xarafka gabaygii hore ku soconin, wuxuu Cali duulduul ku bilaabay sidan;

Abwaan caaradhuboow hadaan eray ku weydiiyey
Inaad aniga igu soo ushaa waa agnaanimo’e
Odhaahdaadu yay noqon sidii kugu astaysnayde
Aabbe sheegashiyo haysku rarin oday ku faankiiye
Ardaa geel wax yaal dawladnimo kala itaal roone
Aniguba ragaa waa ogaa abaad wadaagtane
Hayeeshe siyaasadi ka adag  Ina ilmaadeere
Laba hooyo wada oofataan aadyar ku heshiine
Inan iyo waxay kala dirtaa aabihii dhalaye
Mid markuu adkaadaa kale ku asaraaraaye
Arbihii horee tegey haddaad daba anbuulato
Ka kalee ifaayana hadaad sacab la soo aado
sidii Islaanti cabdoow geela fulay daba abraareysey

Ee hadana sidkii oomanaa ulo u soo qaaday
Ee dooxa ku asqowday baad la ollog joogtaaye
Isku aaddin meyside dantaa lagaga eertaaye
Bal xaguun ku orod ceebta waa layska ururshaaye

Afarta af lama daaliye oog ma ka cadeeyey
Ma asiibay bayd gaabku waa kala ilaawaaye
Aflagaado waa ceeb inaan kugu Idhaahdaaye
Adigaa anfaco sheegay iyo uur wixi galaye
Nin abwaani waa liid inay erayo seegaane
Ha anbane isla yaab xaalku waa talo ilmadeere.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top