Suugaanta

Arrami (gabay): Waxaa tiriyey Abwaan Cabdisalaan Caaradhuub oo u Jawaabaya Abwaan Cali Duulduul

caaradhuubBurco(saraarnews) gabaygan danbe waxaa ku soo noqday Cabdisalaan Caaradhuub oo u jawaabaya gabaygii tallo Inaadeer ee uu soo tiriyey Cali Duulduul, wuxuuna ku bilaabay:

 

 

 

Caliyoow itaal ma leh ninkay gacal iş eedaane
Markaan gabayga oogada hafshee kuu indheer tiriyo
Uuskiyo xumaystaad rabtaa inad ataagtaaye
Ayaantii Saleebaan la ridaan ka urugoodaaye
Abnimaan wadaagnoo danbaan cidi ugaadhayne
Xirsi aayatiinada danbuu u alamiitayne
Rag la ayniyuu doonayaa inu asqeeyaaye
Işaguba anfaca kama tageen oogta ka cadaaye
Aqoon gaab ha noqonine wax kaluu eegay baa jiraye
Işagoo arliga haysta oo ku anafoonaaya
Dabadii la odhanaynin baa la arki doonaaye
Eediişa waxa kugu saliday waa irkigayaaye
Calina waa abaanduulihii ururta reer Nuuxe
Oonkii dhowayd waa ninkii booyadaa ulaye
Ilbay doqoni leedahay ka xiga ay ku aragtaaye
Labadii indhood baad midkood awd ileedahaye
Hadii aan waxbaan kuu asturee oogta ka cadeeyo
Ta ka umulisa dumarkiyo oday da’oo wayni
Labaduba ogaal kama waramin aragtidaydiiye
Waxa jira rag ii ururayaan awlaxa u sido’e
Aarkayga waad leedahee ha iş agnaanayne
Hadaan kaa inaansado anaa rag u atoorayne
Adhaxdaan baduugaha ka dhigo iligyadaan tuuro
Afkaan jebiyo ooftaan dhanbalo aramidaan gaysto
Hadii aan ergadu kugu badnaan aabe maan lihiye

Arartana ragbaa kaa mudane aniga hay daalin
Hadii kale işlaantii gacmaha  maydhay odaygeedu
Uskagiyo ganbadi taabataye uu ka amakaagay
Eekeeyeheed baad noqone haw afdhaqanee wad.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top