Suugaanta

Astaan gabay: waxaa tiriyey Abwaan Cali ismaaciil carab (Duulduul)

duulduulGabaygan oo la yidhaaho Astaan gabay waxaa tiriyey Abwaan Cali  Ismaaciil Carab “Cali Duulduul” wuxuuna jawaab u yahay gabaygii cabdisalaan caaradhuub soo tiriyey, wuxuuna ku bilaabay:

Maansaba aan bay leedahoo lagu asteeyaaye
Waxa lagu ataagaa tixaha  Aarmi xoog badane
Hadiise gabayga uub lagu ridiyo ayda iyo buurta
ilishuu ku beegnaa hadaan lagu aroorsiinin
Arinkiisa waa inay galaan duul abwaanihiye
ilaa eega sheekada hadaan oogta ka cadayne
Asaraarka waa necebihiyo erayo shaydaane
Aflagado iyo cayda iyo uus la kala baadho
Afdhaqiyo islaan hooya oo aadyar lagu caayo
Istijiyo wax laga aamuso uunku wada diido
Kama eegahayn Caaradhuub aafadaa culuse
Aleylehe ishay kaga dhacdiyo labada oofoode
Intii aanu gelin xaaladahan la amankaagaayo
Abwaanada waxu kaga qoraa oogada sara’e
La ogaa wadadki inuu ooda baal dhigaye
Waa kaa aroorida mariyo meel  awaara ahe
Inti lagu yaqaaniyo ma hurin ab iyo reer sheege
Anafada qabiilku ku yahay Ruux ku awdalane
Ardaydana waxaasu intaa ku anba qaadaaye
Xaalkiisu waa ununuf iyo Aabe yuu dhalaye
Aqoontiyo caqliga waxa ka dilay eegmo lookalahe
Madal la is abaaroa gar adag lagu afgoynaayo
Waxa jira aftahan wiilahoo uu agnaan cune
Bal hadaanad inta lahayn anigu aan sheegay
Xaajada aana gaadha iyo Iniq maxa keenay
Arinkaaga ooliyo maxa aana soo geliyey
Reeraha arlada yaal maxa kugu alooleyey
Waxa aanan kugu odhan Maxaad igula meeraysan
Hadba meel abaariyo maxad eeri ugu roori
Waxba arartu yey ila gudbine waxan kusoo ooday
Waa olol siyaasadi ka daran uumi iyo qiiqe
Ashkirka iyo xamarkaa ordee kala awaareeyey
Adimada aad kala saartaye midiba gees aaday
Rag hora abwaan Caaradhuub eeday waa hora’e
Arin kagu yuu noqon hashi daaqday laba aage
Yaan aar ku dhigin meel cidlah aaminad malehe

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top