Suugaanta

Aar Xabeebsaday: Gabaygii sadexaad ee Abwaan Cabdisalaan Caaradhuub ugu jawaabo Abwaan cali duulduul.

caaradhuubBurco(saraarnews) Abwaan Cabdisalaan Caaradhuub ayaa soo tiriyey Gabaygii Sadexaad ee ku socda abwaan Cali Duulduul. gabaygaas oo la yidhaaho Aar xabeebsaday wuxuu ku bilaabay sidan.

Duulduulaw irdaa gabay beryahan unug ismaan layne
Hayeeshee am muuruhu marbay ku ag yimaadaane
Arin kuu biniixdaa murtida lugu asteeyeeye
Oodhaahda Gabay maadigaa ila ekaynaaya
Ugaantayeey Maanso yaa kuu ablo ablayn bal
Ashkatootayeey Gabayga yaa kaaga aayaraya
Oloshaye sidii Eeridhaban Ulo ma kuu qaatay
Alwataye maxaa kaaga dhacay Eed Xigaal Fadhida
Eeraantayey sawdigaa Anafadii Eeday
Afuuftaye maxaa kuu galada dhib iyo ay faadka
Sidii Awr Nin lihi uu ku degoo Ool u celinaayo
Sawdigan Karbaashyada Uskaga ah Alabas qaadaaya
Irgisaha maxaa kugu saliday lagu Amaaneeyey
Umushaa Xanuunkii labaday Uunsi ku xigaaye
Ilawshiiyahaagaa kadhaw Toban Ayaamoode
Nebi Muuse (CSL) Doqontuu ka ulay Cadaw ataagaaya
Ayaantii danbena loola yimi Adyaduu diiday
Eraygaagan baa igala dhigan Odhahaheediiye .

Calina waa Libaax Awle iyo Aar Xabeebsadaye
Kana Adag Xilkaa loo Igmaday Ibabixiisiiye
Aayaadkayo Xadiiskay ku taal in aan Adecnaaye
Midina waa Xirsaanan u ogolayn Eray Jabkiisiiye
Onkod Dhuuso Geel oo kuwayn iiba Urimayso
Haduu Ey kaciyey Gaydh dhexdii Uush ku odhan maayo
Aji gudan Ablaw Nimuu ku dhacaad Oon udayataaye
Cooflaha Anfaco Idin dhextaal Oomays malehe
Ab Ogaagu wuu garanayaa Aayihii hore e
Nin Abaari keentayi hawado Luuq Abaydinahe
Sarbeebtaan Areerimay hadad Aad ugaran waydo
Iska Aamuskaa kaaga roon Or iyo Geeraarka .

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top