Suugaanta

Erga nabada (gabay) Waxaa tiriyey Abwaan Mubarak Qoorubaxay

 

 

qoorubaxay21Tixdan gaaban oo  waxaa si golle ka fuul ah imika ku tiriyey Abwaan Mubarak Qoorubaxay, wuxuuna ku kala joojinayaa Abwaan Cabdisalaan Caaradhuub iyo Abwaan Cali Duulduul oo ayaamahan hangooladu iska sudhmeen,  Isagoo leh nimanyohow dabka dhiga.
Dunidii awaaraha ka kacay waydun aragtaane
Isku-ulanti aan ururiyaad kala irdhayseene
Aafaadka dhacay baa watiyo umalka waayaaye
Ilmaadeer ateero isu galay aayatiin ma leh
Nin indhii walaalkii ka riday waa alloow sahale

Abdo ma leh islaan oday qabooy tol isku eedeene
Abdo ma leh aroos ool kaloo laysku aynabaye
Abdo ma leh inkaar meel qabtoo loo Adaadumaye
Waa loo ergeeyaa ninkaad ehel wadaagtaane
Adoo Aabbahaa dilay nin kale haw ammaamudine,
Geelaba xeryaha lagu ulaa kuma abbaadaane
Marka kuraygu oodaha roguu Ay ku kala baaho
Arladuu ka jiitaa haddaan oohow loo odhane
Aayara rasaas aada baad naga idlayseene

Sebenkay abaaruhu kacaan olola qiiqaabo
Ititibis Amuurtiyo tashiga waa la ururshaaye
Waxana lagula eertaa intii kuu ah odayaale
Aqoolkiyo waxaa lagu kabaa waa abwaanada’e
Ergadii Garadag baa si weyn loo abaabulaye
iidaha la suga Awr kaloo dhaamiyaa imane

Miinada la aastiyo Cabdoow dabin ugaadheedku
Adimada ninkii saaray buu aakhirow diriye
Caliyoon ataag baa socdiyo oodo kala qaade
Gabayada astura sebenkan waa la is afqaadaaye.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top