Articles

Burco 21.12.1984 qallinkii Cabdillaahi Cawed cige.

Burco 21.12.1984

21kii Diisambar 1984kii waxaan magaaladaydii Burco kaga maqnaa socdaal. Kolkii aan dhammaynay dugsiga sare ee farsamada gacanta ee Burco(ITB) ayaa na lagu amray in aannu aadno xero ku taallay meel Hiilweyne la yidhaahdo oo la yidhi waa Koonfur. Weligay Koonfur ma arag, Burco ba dhanka bari uga ma bixin. Dalku waagaas wuu kala go’naa. Ururkiii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ayaa hawlgallo ka waday buuraha waqooyiga ku teedsan, sidaas aawadeed gaadiidkii u kala gooshi jiray waqooyi iyo koonfur waa la joojiyay. Si baabuurkaagu u socdaalo waa inaad heshaa oggolaansho meel sare ka yimi. Aniga iyoHassan H Mohamed Mohamed ayaa wada raacnay bas uu watay nin haystay oggolaansho uu soo qoray Xuseen Kulmiye Afraax.

cigeMaalinta aannu Burco ka ambabaxnay nimanka xuska dilkoodii cajeladdan lagaga warramayaa waxay ku xidhnaayeen magaalada Burco. 24 maalmood ayaan Muqdisho ku maqnaa, ma gelin xeradii la ii diray, in aan Muqdisho sii jooga na waan jeclaysan waayay. Warka dilku wuxuu noogu yimi Muqdisho se war sugan ma ahayn, tirada la dilay xitaa toos loo ma wada ogayn. Baabuur muus sida oo Gabiley u raran ayaan Muqdisho ka soo raacay. Intii aannu jidka soo soconnay meelo badan ayaa na lagu joojiyay, waxa se aanan weli illaawin oo maankayga ku sii sawiran dhacdo naga qabsatay kantaroolka Koonfureed ee magaalada Dhuusamarreeb.

Goor hadhkii ku dhow ayaannu kantaroolka soo gaadhnay. Baabuurka waxa watay nin waayeel ah oo aad u miskiin ah. Wuxuu u degay nimankii ciidamada ahaa ee meesha kantaroolku u yaallay. Intii uu ku maqnaa ayaa nin dirays ciidan ku lebbisan oo is qondhodhinayaa baabuurkii soo fuulay, isha ayuu dadkii oo dhan la raacay. Gabadh da yar oo meel iska fadhida ayuu ku yidhi “maxaad ahayd?”
Waxay ugu warcelisay “qof baan ahay”.
“Waan u jeedaa qofnimadaada ee is caddee” ayuu ku celiyay.
“Maxaan isku caddeeyaa” ayay tidhi.
“Cidda aad tahay” ayuu yidhi.
Kute “Soomaaliyad”
“Caddayn keen” ayuu yidhi. Intay dhabankeeda farta saartay ayay tidhi “kan baa ii caddayn ah”
“Kuu ma aqoonsani” ayuu yidhi.
“Adiga maxaa kuu caddayn ah inaad Soomaali tahay” ayay ku tidhi.
Intuu dirayskii ciidanka farta ku fiiqay ayuu “kan” yidhi.
“Kuu ma aqoonsani” kute.
“Ka soo deg baabuurka” ayuu isaga oo karaya ku yidhi. Taambuug yar ayuu la galay.

Odaygii gaadhiga watay markii baaddii askartu socotada ka qaadi jirtay bixiyay ayuu soo noqday. Waxa lagu wargeliyay in baabuurka gabadh yar laga la degay. Taambuuggii ayuu ku noqday. Cabbaar kolkii uu ku maqnaa ayuu isaga oo faro madhan ka soo noqday. Baabuurka shukaantiisii ayuu si ciil iyo cadho leh, itaaldarro iyo awood la’aani na ka muuqato isaga barkaday. Dhawr saacadood ayaannu bacadkii taagnayn oo ku basbeellay.

Halkii annaga oo ciidamo malaa’iigeed ku sugayna ayaa nimankii meesha haystay mid ka mid ah oo isqondhodhinayaa jidkii soo maray. “Duqa maxaa meesha ku dhigay, dhaqaaji baabuurka” ayuu odaygii ku yidhi. Odaygii na hadal taagdaran ayuu ugu warceliyay “gabadh rakaab ah ayaa naga maqan”
“Meeday?” kuye. Odyagii taambuuggii ayuu farta ugu fiiqay.

Ninkii intuu aad u cadhooday ayuu ku qayliyay “Waar wicilkaas wicilku dhalay maxaa dadka ku salliday?” oo dhankaas iyo taambuuggii u dhaqaaqay. Isgaa oo inantii wada ayuu baabuurkii noogu keenay. Inantii gaadhigii ayay soo fuushay. Waxay nooga warrantay haddidaaddii ay ka la kulantay meeshii la geeyay iyo in dhaar loogu maray in aanay kantaroolkaas dhanna u dhaafi doonin.

Magaalada Burco kantaroolka dhanka bariga kaga oolli jiray ayaannu lixdii galabnimo isa soo taagnay. Markaas uun bay qorraxdii sii dhacaysay. Nin goojinaya oo qori xun laalaadsanaya ayaa noogu hanjebay in gabbalkii dhacay oo aannaan magaalada geli karin. Rakaabkayagu wuu daallanaa, quus badan baa na ga muuqatay, cabsi ayaa ku gedaannayd goobta, cidi na la ma murmin askarigii. Baabuur nooca loo yiqiinnay isjiidka ayaa isa soo taagay. Wuxuu u rarnaa hay’ado caawiya qaxooti Soomaali Galbeed ah oo Hargeysa ku xeraysnaa. Ninkii baabuurkaas watay ayaa askarigii ku yidhi “naga fur birta dumar iyo carruur baannu sidnaa”
“La idinka furimaayo” ayuu u celiyay. Cabbaar ayay hadalkii isku celceliyeen.
“Qurmis miidhan ayaa siddaan” ayuu askarigii yidhi. Dareewalku wuxuu ahaa nin kalsooni badan qaba, “Qurmis haddii aad doonayso buurahaas ayay ku jiraan ee orod oo doono, mise dumarka iyo carruurta ayaad dirayska ciidanka kaga adag tahay?” ayuu ku yidhi.
Askarigii juuq dambe ma odhan.

Habeenkii bartii ayaannu u hoyannay. Dab baannu iska shidannay. Warkii Muqdisho noogu yimi ee dhiilada lahaa ayaannu iskaga maararownay. Aroortii kolkii meeshii na laga sii daayay ayaannu Burco oo weli bariisanaysa daf nidhi. Dhiillo colaadeed ayaa magaalada ku gedaannayd. Qof kasta oo kugu soo baxa wejigiisa waxa kaaga muuqanaysay murugo iyo ciil.

Ka ma aan war hayn dilka meesha ka dhacay xaddiga uu lahaa iyo haldoorka la gumaaday. Shandad culus ayaan sitay, xaafaddaydu na Hodan Qaylo oo durugsan ayay ahayd. Wiil yar oo keeryoome wata ayaan idhi ii qaad shandadda. Hadalkii na dhexmaray inuu reer Burco yahay ayaannu is afgarannay. Dhiillada dhacday ayuu iiga warramay. Weli ma illaawin argagaxa igu abuurmay markii uu ii tiriyay magacyada raggii la laayay, qaar badan oo ka mid ah wejigooda iyo magacooda ba waan aqaannay.

Dhacdo aad ii taabatay ayayd ahayd. Mucaaradnimada maamulka waddanku haddii waagaas aad waqooyi ku noolayd mid iskaga kaa mudan ayay ahayd, dhacdadan oo kale se waxay ahayd nabarka ugu culus ee kugu dhici kari lahaa kaa na goyn kari lahaa wax kasta oo kaaga xidhan waddadii baabuurka muuska sidaa ku la soo maray.

Maalmo dhan marka aan bari jalleeca ba waxa uun ii muuqanayay raggii garoonka dayuuradaha ee Burco lagu laayay.

Qisadan iyo qaar badan oo kale oo la mid ahaa waa muhiim, waxay muhiin u yihiin sooyaal ahaan, waxay muhiim u yihiin casharro laga barto, waxay muhiim u yihiin in murugada ay reebeen la la wadaago ubadkii iyo eheladii dadkaasi ka tageen.

Loo ma baahna, xiiso badanna samaynmayso in geerida dadkaas loo adeegsado abaabul colaadeed ama abuur cuqdadeed oo aan hadhin. Waxa se loo baahan yahay, xiiso gaar ah na samaynaysa in mar walba la isweydiiyo ‘maxay u dhinteen?”

Muxuu wiilkaas yar ee ilmada isku xejinayaa aabbihii ku waayay? Maxay nu bulsho ahaan, qaran ahaan, dad ahaan, Soomaali ahaan, jinsi ahaan ugu warcelin karnaa Cabdi yare? Maxaynu afsaar uga dhigi karnaa murugadiisa iyo aabbo la’aantiisa?

Macno badan samaynmayso dawlad xun baa laysay, keligii taliye ayaa helay, waa la wada dhintay ee iska samir.

Waxa macne badan samaynaysa, isaga iyo qayrkii na hiil iyo taariikh u noqonaysa inaynu ka hortagno, isku waaninno, baranno oo ubadkeenna ku korinno in aan taas oo kale dib u dhicin, in aan Cabdiyaal dambe la badin agoonnimo xaqdarro ah oo ay murugadeeda la noolaadaan abidkood.

Waa in waayaha ina soo maraa cashar ina toosiya inagu reebaan.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top