Wararka

Jaalliyada Gaashaanbuur Axmed Faarax (GAF) oo shir ku yeeshay Gothenburg, Sweden

gaf (1)Gothunberg (saraarnews) Shir si wanaagsan loo soo agaasimay oo ay isugu yimaadeen jaalliyada beellaha Gaashaanbuur Axmed Faarax (GAF) ayaa 26.12.2015 ka qabsoomay Magaalada Goteborg oo ah caasimada labaad ee wadanka Sweden. Shirkan ayay ka soo qaybgalayaashu kaga doodeen sidii loo xoojin lahaa isku xidhnaanta, wadajirka iyo horumarinta degaamada ballaadhan ee beeshu degto. Shirkan ayaa muhiimada koowaad lagu siiyey sidii taageero dhaqaale loogu fidin lahaa dadka xanuunada Maskaxda qaba ee ku nool degaamada Qoryaale, Magaalo yar iyo degaamo kale oo beeshu degto. Waxana la isla gartay in marka laga yimaado taageerada ay ka geysayaan dhismaha cisbitaalka dadka dhimirka wax ka qaba ka sakoow ay ka qayb qaataan taakulo dhaqaalena siiyaan sanad kasta dadkaas loona sameeyo sanduuq u gaara.gaf (33)

Furitaankii shirka waxaa lagu furay Cadillaahi Warsame oo ka jeediyey wacdi iyo aayado quraan ah, ka dibna gudoomiyaha GAF  Mubarak Qoorubaxay ayaa  ka hadlay sidii dardar loo gelin lahaa waxqabadka la doonayo in la sameeyo, isku xidhnaantana loo adkayn lahaa, wuxuu kale sheegay inuu shirku yahay mid  samafal ee aanu wax siyaasad ah haba yaraatee shaqo ku lahayn. isla mar ahaantaa Wuxuu amaan balaadhan halkaas uga soo jeediyey hablaha Beesha gaashaanbuur Axmed Faarax (GAF) oo uu sheegay inay yihiin qaar buuxiyay ama daboolay intii laga sugayey iyo intii ragu lahaayeenba.

gaf (22)

 

 
Shirka ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyey Xildhibaan Siciid Axmed Maxamed Raage oo ka mida xildhibaanada gollaha degaanka Burco ee Beesha GAF ka soo jeeda, xildhibaanka ayaa shirka uga xogwaramay, hawlaha waxqabadkooda iyo ujeedada ay halkan u joogaan oo la xidhiidha, sidii ay mashaariic iyo mataanayn intaba ugu heli lahaayeen Magaalada Burco.

gaf (11)

 

Waxa warbixin laga dhegaystay Cabdirisaaq Xaaji Siciid, Maamulihii hore ee madaarka Burco, oo warbixin tafatiran oo la xidhiidha daryeelka cisbitaalka la doonayo in laga sameeyo deegaanka Qoryaale iyo qarashaka ku baxayaba goobta ka jeediyey. Waxa kale oo la soo bandhigay goobtnaa lagu daawaday dhibaatada haysata dadka dhimirka wax ka qaba ee Degmada Qoryaale iyo Ina Afmadoobe.
Waxa kale oo madasha ka hadashay Sahra Saalax faarax oo ah gudoomiyaha hablaha GAF oo ka warbixisay, waxqabadkoodii sanadkii tegay iyo Dhaqaalihii ay iska ururiyeen ee ay ku taageereen dadkooda u baahan, waxa kaloo ay ku dheeraatay dedaalka ay ugu jiraan inay sii labanlaabaan sanadkan taageero aad u muuqatana doonayaan inay ka geystaan.

gaf (24)

Shirkan oo sidii horeba loo sheegay ka madaxbanaanaa arimaha siyaasada xisbiyada ama xukuumadeed, waxaa kale oo ka hadlay Cali ducaale, Maxamuud Warsame, Keyse Jaamac Faarax, Aamina Xirsi Habreed, Xasan Cali Boodbood oo dhamaantood aad ugu tuntuunsaday sidii xil weyn la iga saari lahaa wax u qabadka dadka iyo degaamada beeshu leedahay iyadoo xidhiidho lala samaynayo, jaaliyadaha kale ee Beellaha GAF ka soo jeeda ee aduunka ku dhaqan.
Waxaa xusid mudan in dardaaran la iskula qaatay in dadka laga wacyi geliyo dhibaatada tahriibka oo ah aafo aad u balaadhan oo dadkeena haysata. waxaana sidoo kale loo balamay in shirka shirkan xiga la isugu yimaado maalinta sabtida ah ee sanadka soo socda ama 28.05.2016, hadii illaahay ogolaado.

Guntii iyo gebagebadii shirkaas oo si weyn la isugu afgartay dhamaan arimihii la isla soo qaaday ayaa ku dhamaaday si farxda iyo rayn-rayn leh, waxaa soo xidhay gudoomiyaha Mubarak Qoorubaxay.

 

GAF gaf (48) gaf (47) gaf (46) gaf (40) gaf (41) gaf (30) gaf (33) gaf (34) gaf (29) gaf (21) gaf (22) gaf (23) gaf (24) gaf (25) gaf (26) gaf (2) gaf (3) gaf (4) gaf (5) gaf (6) gaf (17) gaf (16) gaf (14) gaf (13) gaf (12) gaf (19) gaf (45) gaf (44) gaf (43)

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top