Suugaanta

Maanso: Maxaan kugu dooranaa? waxaa tiriyey Abwaan Maxamed Xasan Dhaglas

dhaglas1

London(saraarnews) Abwaan Maxamed Xasan Dhaglas ayaa soo tiriyey maanso gaaban oo la yidhaaho maxaan kugu dooranaa, maansadan ayaa waxay tahay mid sida ka dhadhamaysa ku socota Musharaxa xisbiga KULMIYE Muuse biixi Cabdi, wuxuuna ku bilaabay sidan:

Anoon gabay doonan buu
Mar keliyuun so degayoo
Intuu igu soo da’uu
sidii daad soo jabayoo
Abwaan aan cidi dirsane
Isagu is diraan ahoo
Dadkaan ka wakiil ahaye

Dal keena hogaamin tiisa
Ninyow duubka u xidhee
Damacu meel sare ka galay
Haduu danigaa ku yidhi
Dadkaba adigaa u wacan
Kuwii kugu duubay shaalku
Dalluun bay kuu dedeene
Dabeecad wanaagsan iyo
Demane adigoon dul layn
Deeq iyo bixin lagugu sheegin
Markay u daray aduunka
Waxaad tahay kii doraad
Magayno inuu ku dilo
Dariiqa u yuurursadaye
Beelihi darafyada xigiyo
Gudihi waa lagaa didoo
Malaa adigaan dayayne
Deelqaafkaagii badnaa
Doog noqoy kugu soo kacdoo
Dadkuba waa ku diidanyiinoo
Intaad dabin qooshayee
Ummada dibindaabisaan
Taariikhdii dib u guroo
Danbayso umaad midh dhigan
Ileen duugeeda nolole
Maxaan kugu dooranaa?

Waxay tahay dowladnimo
Dareenkaaguba ma garan
Dantaynu wadaagi laynoo
Adaa keli doonayoo
Dulmiga aabaad u tahayoo
Ninkii kaa duwan aqoonba
Dagaal baad kula jirtaaye
ilaa durriya iyo qaaxo
Digteeter aan tanaasulaynow
Maxaan kugu dooranaa?

Maansadan dulka xaadista ah
Anoon ceelkii ku degin
Wadaan keliyaan darsadayoo
Inaan nabaradda damqanaya
Dilaaciyo wayska daayoo
Da’ baa ii diidaysoo
Dareen ka igala leexday
Halkii aan doonayee
Qaalin kii darayee is yidhi
Duqii waa eersadoo
Durbaba qoortuu ka jabaye
Iyadaanay doorkiisi gaadhin
Ninyow deg-degee is mahadshay
Sidaan doonaayo yeela
Dartay dad haloo colaadsho
Qofkii dacal iiga leexda
Dhamaan doqonimo ku caaya
Anuun baa dumaali kara’e
Durbaanada ii tumoo
Weliba boqol jeer i doorta
Sidaa ragba laguma dayo’e
Maxaan kugu dooranaa?

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top