Suugaanta

Qadan Warkeedii (gabay) Abwaan Cabdisalaan Caaradhuub.

caaradhuubBurco(saraarnews) Gabaygan oo hordhac u ah silsilad cusub oo gabayo  Guurdoon  Jacayl ah  oo uu bilaabay Abwaan Cabdisalaan Caaradhuub waxay ku bilaabatay sidan:

Haddii gabayga loo qolo tirsado qaatin galihiisa
Qabano iyo hadduu maal noqdiyo qaalmo curanaaya
Qoodh golo fardootaa hadday gool ku kala qaado
Allaylehe mid aan lagu quficin Qaadir way baraye
Qaflad nibiri iyo shookad aan laga qamaadaynin
Aan qayd abaariyo la maray qoorar iyo mawjad
Intaan arrar qalxadaheeda riday quusay dabadeede
Quujiyo wax suququul ah ayaad ka qatanaataaye
Qaabkii Gammuutiyo Salaan Qawdhan iyo Yowle
Qaajiyo sidii Caaradhuub lay qawadi waaye
Bal qabsada tix igu qaadhsanayd qaaday godolkeede.

Afartaa qiyaas maw dhigoo qodob ma raacsiiyey
Qunyar hadalka waw odhan jiree qodob kalaan baanay

Qumis nimaan ahaynini wax buu qiimo ridayaaye
Qalimaalihiyo hays heleen qaar tukaaluhuye
Qalacaad kadug baa la yidhi qaanka Aaranahe
Quman gabadh ahoo ii dhashoo qaaday ubadkayga
Anigoon min-wayntiyo qubayn qoyska iyo reerka
Misna inaan qajeelaan samree qoomamo i raacin
Aan qaalmahaa kacay mid helo waa qaliyo soone
Aan Qaadirkiyo guulahay qalanjo waydiisto.
Qarka iyo guntaan dhiijiyoo waa u qooqnahaye .
Qalaafiyo karaadsaday Burciyo qawyadii gubane
Marna qooriyada xeebta maroo Qawl masoo heline
Qurilugud hadaan tagay ma maqal Qadan warkeediiye
Mar kalena ishaydii ma qaban aan Qardho u kacaye
Qoryaaliyo ka dayey meelihii qadam ku saarnaaye
Qaansoolayaal baan ku maray Qoobabkoo lug ahe
Qololkeene baadh baadhay oo quus kamaan ihiye
Hadaan layga qarin manan arag qurux Il waadlaye
Qurbahay malaa qabatay iyo Qaaradii Yurube
Qiyaasteeda aan kala dhig dhigee ‪#‎Qoorubaxayaw‬ day.

Afartaa qiyaas maw dhigoo qodob ma raacsiiyey
Qunyar hadalka waw odhan jiree qodob kalaan baanay

Qul Tuke ah timaha oo ahoo qaro leh oo fiican
Badhiday qumaati tageen qun u baxoodiiye
Qun yariday talaabada dhigtee qabax u laafyooto
Iyo qoorta dheeray lushaa qubato weeyaane
Dhexdoo qabatiniyo Naasahoo Qodax Galool moodo
Qaabkay Cambuusha u yihiin laga qisoon waaye
Suuniyaha iyadoo aan qalin la marin Qaansadoo kale ah
Sanqaroorka Qaajaha Baroor qaabadii aad moodo
Qunyarida Jaleecada markay kugu yar qooraansan
Aad qasaala iyo Deero Qaadhku jira moodo
Qosolkeedu waa Ubadh dhashoo qaylo wayn malehe
Qotonka iyo dhererkiyo Hilbaha qaabkastood eegto
Mallaa iigta Eebahay qor yidhaa qaali ceebtiraye
Qalaafiyo malaha dhiico iyo qalad dhamaantiiye
Qays iyo haduu layla helay qoobad igu oodye
Qun usocoto Raadkeeda waa lagu qandhoobaaye
Boodhariba waa tuu qatalay Qaararkii Hodane
Qarjajaaska taladiisa waa lagu qaboobaaye
Hadaan qara la iidaamahayn qaaday Gaastariye
Qofkuu bahal qaniinana wax baa lagu qaraarshaaye
#‎DHaglas‬ qooryartuu soo arkaa qoonta iidhayiye
Qudh dabeecad loo Gaariyiyo Naag Qariyada doona
Qurbaha iyo Debedaha ka daya Qalan jadaan doortay
Anigana wixii Qarash ah iyo Qaal mihiyo Geela
Qorigiyo waxaan dhiibayaa qoob yartii farase
Idinkuna midaad qabatinteen qora warkeedii bal.

 

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top