Suugaanta

Sheeko qarro weyn (gabay) Abwaan Mubarak Qoorubaxay

qoorubaxay1

 

Sweden (saraarnews) Gabaygan oo la yidhaaho Sheeko Qarroweyn  waxaa tiriyey abwaan Mubarak Qoorubaxay. Gabaygani wuxuu  jawaab u yahay  gabaygii ka horeeyey ee uu soo tiriyey Abwaan Cabdisalaan caaradhuub , wuxuuna ku billaabay.

 

 

Waa qayb illaahay murtidu qaadir bixiyaaye
Qaynuun hadduu gabay lahaa waa la ii qiraye
Waa taan qareenka u ahaa qaafka maansada’e
Suugaanta buuggaan ku qoray waan qarridhayaaye.

Anigaan cidnaba quudhsanayn qadafna gaadhsiinin
Qadyaan bay ka joogaan dadkii qallin-daraalaaye
Nin kastoo qadhiidhaa hadduu qaaddi wada sheegtay
Siduu yahay qarraamaad haddii lagu qadhaab doontay
Qawlaysigiisii haddii lagu qamboolaystay
Waa taa sidii qaar-xabaal laysa soo qodaye
Kol haddii qulaankii hadhiin raani lagu qaatay
Qunbuladdii Jabaan lagu dhiftaan maanta qubayaaye
Qiil-qiil haddii lagaga baxo waa qudhaan geline
Qaloocaa beryahan loo marshaan kala qab weynaa

Qarqarsiga collaadeed haddii dirir la qaashaarto
Warmo laysku qawlalay haddii qoriga loo boobo
Fuluhu ha iska qayl qayliyee qiimo weyn ma lehe
Inuu qaybta duulaan ku qadi waa qiraal jira’e
Weligii ha qaanqaaniyee qoobka wuu hadhiye
Waxa qaylku faraska isu biday waa qisiyo yaab.

Cabdiyoow qanjiidhadi horaa laysku qoonsadaye
Qallanbaawi baan kugu iqiin qaarriyoo wacane
Qubbo subaga baad kaydsatee hayska qaraxayne
Ma qatoowdo laabtii mar kale qarow ka yeedhaaye
Qoon baad damqaysaa niyoow qaadhay waa hore’e
Qarqoor talada tii lagu dayaa way qunbacataaye
Weligaa qorshaha guur labaad waa la qariyaaye
Qabar-maafishkaanu is lahayn Qaafo yay maqale
Carruur qiimo weyn hooyadood yaanay sii qubine
Qusurka iga daa qaafilnimo qoolal hay geline.

Inantaad Qoryaaliyo Burciyo Qarraro dhaafsiisey
Eed tidhi qurbaha iiga daya waa qisiyo yaabe

Qotonkii hablii Caynabee quruxda tiicaayey
Adaan malaha qooraansanoo waa qaweditaane
Haddaad tidhi ishaydii ma qaban waa qisiyo yaabe

Haddii maanku meel kaa qabsaday waa qadar illaahe
Qushigaaga dhoof baa malaa kuu qasdi ahaaye
Waxa qaaradeenii dhamayd kuugu qumi wayday
Qatallaada guurkeed wadaa waa qiso yaabe

Quusan maayo socodkii haddii qaanku joogsad’e
jeenyaa intuu qaadi karo qidhimta dayn waaye
Ragna qaabadii guur haween kama qatoobaane
Inta aan qidhiidhii ka bixin duluca qaadqaadye

Walloow qayb wadaag aynu nahay qaanta bixinteeda
Xaal kugu qadoodaan arkaa soo qandoodsadaye.

Raggu qaabaduu yahay qurbii qiimahood dhimaye
Quduuc iyo qorqode niman ahayn lagaga qaaq siiye
Qiiro qiiro weeyaan haddoo dhimay qaneecaade
Qab ragii ku haasaawi jiray qeedhin ku casheeye
Magaciina qaar baa bedelay Wanan qalkoodiiye
Diiwaanka waxa loogu qoray Qarad ninkeediiye
Qaddadii iyaga oo karshoo qolalki sii fiiqay
Haddaanay caruurta u qubayn maba qaxweeyaane
Ragii qabida dumar lagu ogaa waa qalaxanyiine
Qalacaada nimankii yiqiin qoorta soo dhigaye
Hadduu sare u qayl-qayliyana booliskaa qabane

Way kaa qarsoon tahay qurbaha qodaxda taalaaye
Qansaxiyo galoolkii ma jiro qaydar libigiiye
Qorrog caana kama buuxiyaan sidigta qayraane
Waa meel dhirtii qaawantiyo dumarka qaarkoode
Niman baa qudhoodii jaroo quustay noloshiiye
Qoolaali eegmada darbaa tuugo qaayibaye
Qawliyo wixii qaash ku dhacay qayte amakaagye
Qadhadhaytidii aad tiqiin waa qaldhebayaane
Nimankii qumaatiga u baxay soo qandoodsada’e
Aduun baa qandiga soo toshoo qaaliyeey yidhiye
Haddaad qulubka yaal sii ogtay waad qanci lahayde

Qarjajaas ma fiicnee markaan ararta soo qaydo
Ragba waw qushuucaa hadduu qoys labaad helo’e
Hablihii quraysta u egaa waa la qirayaaye
Hablii qawlka wacaniyo lahaa erayga qiimaysan
Hablihii qalbiga iyo wadnuhu kugu qaboobaayey
Qawedaad hablihii aan aqoon qaalidii dumarka
Hablihii Qalayntiyo yiqiin quruska saygooda
Hablihii quraankii bartiyo qawlka nebigooda (SCW)
Falaasyaha qaxwaha lagu wadee qorafal haylkii leh
Qaacigiyo dugsiga waa rabnaa laysku qoofalaye
Qajeelaan lahayn yaan hablaha ciiro loo qarine
Haddaan qaamudkay gelin xagaa waanu soo qabane
Sidii adhi qammaamaa ragii qawqabuu imane,
Adigaa qormada kala yaqaan qoloba oosheede
Qaadiga sidii loogu tegi qarashku yeelkiiye
Wuxuun sii qorshee waadigii sahanka qaydnaaye.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top