Suugaanta

Qarradle (gabay) Abwaan Maxamed Xasan Dhaglas

dhaglassLondon(saraarnews)Gabaygan gola ka fuulka ahi oo uu tiriyey Abwaan Maxamed Xasan dhaglis wuxuu daba socdaa, silsiladii uu bilaabay abwaan Cabdisalaan Caaradhuub waxaanse ka xumahay in hawlo kale abwaanka raafka igu hayeen, gabayga wuxuu ku bilaabay:

Hadduu gabaygu qodab leeyihiyo qiimo lagu doorto
Marka aan qalooc midaan lahayn qun ugu maahmaaho
Waa qabatimaa adamuu kaan u qiil dayo’e
Qasnado aan dhamaan iyo murtidu waygu qoolayde
Kolka golle la soo qaydo ee qoodh la kulan siiyo
Dhaaxaa la ii qiray miduu qaadirku i baraye
Qamamuurta waanu is naqaan qoor tukala ha’e
Hayeeshee amuur qaasa baa igu qaloocnayde
Qareen iyo walaal kaan jeclaa waa qal-dhabayaaye
Qosol iguma jiro oo naf baan laysu qabanayne
Bal inuu ilaah waa qaniye qaado ducadiina
Quraanka u akhriya qowl rabaa lagu qabobaaye

Arartaan qumaati tirshee qalab u guud saaray
Afartaasi waa qaybti hore Qoorubaxayow’e
Aduunyadan qisaas iyo dagaal laysu qalab qaatay
Aduunyadan quwadi talinaysee qulubtay ee ciilan
Aduunyadan qofkaad aaminta qalayo ruuxaaga
Aduunyadan qaxootiga gashay caydha laga quudsho
Aduunyadan qasaaruu ku dhacay qiimihii nolasha
nimankaan qorshaha meel dhigtee dirir u qodaystay
Abaartay ku qoqeen ragii talo ku qaybnaaye

Dhalintaan qardhaas uga dhigaa heeso qaaliyahe
Oday yidhi jacayl baan qonbabay waa qir xaajaduye
Hablihii qaloon jiray markaad qun ula haasowdo
Qolujeed halkiyo qool cadiyo qooriyada xeebta
Qarqarada Nugaal iyo Saraar howdka qara weyne
Qormadii Togdheer een ogaa qalanjadii joogtay
Ninka yidhi dhamaan kuma qancine aan qurbe u doonto
Waa qaradle qiil doonayoo qaatan oo maqane
Warkii qaadan maayee haddaan qayb kale u leexdo

Waxaa dumar ku daba qayliyaa kaan qancin aqoone
Qeyrkaa ku dayo waa horay qaali luul tidhiye
Qof u dhiganta baan doonaya qiimo badantiiye
Qosol wacan qalbiga jiidatoo qurux ilaah siiyay
Qaryad baan tilmaansaday haddaan qaamudkay geline
Wax arooska lagu qabanayaa qowga daalloode
Daruuraha qarkoodaan rabaa inanku qaataaye
Cabdiyow malxiis kugu qortaye gabayo hay qoonsan
Kuwa xeedhyo soo qadayaan kaaga soo qabane
Qoordheer halkaas baad ka heli kaga qaalibane

Aniga layga qaangaadh hadduu qoof i gelilaaye
Niman baa sidii qaalin ugub qaadh yar loo xidhaye
Carruuraa la qubayaan hadhow ku qabsanaynaye
Iminkaaba laga sii qadhqadhay qodobadaadii
Waa bishaanay kala qaadan jirin qarafka reeruuye
Yurub lamaba soo qaadi karo hadalka qaarkiiye
Raga barafka qiiqaaya iyo qabowga haw saarin.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top