Suugaanta

Ha malayn (gabay) Abwaan Mubarak Qoorubaxay

mubarak qoorubaxaySweden(saraarnews) Gabaygan waxaa curiyey Mubaarak Maxamed Nuur (qoorubaxay)- waxay jawaab u tahay tixdii ma guuraan ee Maxamed aw cali cartan,  gabaygan wuxuu abwaanku tiriyey isla maalintiiba waxayna soo baxday 19/11/2006.

Murti hadalka laysugu xishiyo tixo leh maahmaaho
Haddii Gabay mulaax lagu ogaa maydhax laga diirto
Ama maanso qiimayn lahayd marisay taadiiye
Macnihiyo ujeedadii adaan seegin marinkiiye
Ha yeeshee haddii lay mud-muday waw mudh baxayaaye
Adna Maxamed aw ina Calow maaxda iga tuuji

Bal inoo mitami yaan dar kale miiladaw geline,
Adduunkii mareeg buu noqdiyo suuq magaalo ah
Mangooliya qof joogiyo haddii Moosko lagu sheegayo
Nin kastaa masaladuu watuu dhan uga miistaaye,
Milgo caashaqeedii hadii Lagula soo maagay

Idinkoon wax meel dhigan haddii miiga lagu qaaday
Haddii ay maraykaan tagtiyo dunida meel kaa fog
Haw malayn muraadkii inuu kaa marroorsamaye
Haw malayn magaabada kalgacal inay ku moogtaye
Haw malayn in muxubada cishqigu maaran kaa tahaye

Iyadaba musuusuqa jacayl kama maqnaadeene
Ha malayn inuu keli ku miray lama malleeyaane.
Wuxu yidhi macaan baa macaan lagu muhiibaaye
Kelmedii maroortaan maraba dhalin masaawaade
Muxubiyo amaan bay habluhu madhax u leeyiine

Kaftan maal muquunnada haween waa ku male wayne
Muunniyo wanaag bay rabaan maallin iyo layle
Inkastoonu mood moodka talo Marragu kaa hoosin,
Mahuraanka sheekada adaa meerrisyow tolaye,
Masalooyin adag baa jira millayga qaarkiiye,

Sidii ay malkada reer hindiya maalin uga dhoofshay
Ma ku tidhi Milgoy waa jacayl muhashadiiye
Ma ku tidhi adaa lagugu muday Muxubadaydiiye
Ma ku tidhi marlay kale haween maaran baan ahaye
Ma ku tidhi cishqaa laygu maray waad i moogtahaye

Ma ku tidhi mabda’a aan watiyo maluhu waa guure
Ma ku tidhi dartaa baan manfaca ugaga maagaaye
Ma ku tidhi hadii mawd i helo melegu waa Kaaye
Ma ku tidhi hadaan kaa maqnahay waad i mirataaye
Ma ku tidhi marwooy hoo naftaba Magan u sii hayso,

Intaasoo masalo iyo daraan maanka lagu haynin
Haddii aad macbuud waa alle muran la’aan sheegtay
Oo ay iyadu maya ku tidhi waa min faal jabaye,
Waxba yaanan maaweelo guud kugu mashquulsiine
Waxa maanta aan odhanaya xaal munaasibahe
Mar shanaad ku quusoo haddii maluhu beenoobo

Mahuraanka caashaqa hadday kula macnayn waydo,
Marbaa samirka aad qaayibtaa mahadin keenaaye
Oo aad waxaad maaganayd kaba macaashtaaye
Mid aad muuqa dahab moodid oo magacna keedii leh

Milcsigana quruxdeed iyadii lagu masaalaayo
Magaalada Burcaba waad ka heli meel adoon tegine
Intaan mudantidii reer tolkeed gole u maageero
Oo aan masaawaynta xidid ula muraadoono
Maxay taasii kula tahay wakaa muhindiskaygiiye?

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top