Suugaanta

Kala miyo (gabay) Abwaan Mubaarak Qoorubaxay

qoorubaxay1Sweden(saraarnews)Gabaygan waxaa tiriyey Mubarak Mohamed Nuur (qoorubaxay) wuxuuna jawaab u yahay tixdii gabayga ahayd ee Maskax Godol ee uu soo tiriyey Maxamed aw Cali Caran, tixdan oo abwaanku maalintiiba ka jawaabay waxayna soo baxday 21/11/2006.

Hal muceedka suugaanta mudan meeriskiyo beydku
Haddii aan macnaa iyo naxwuhu meel u wada jeedin
Ama aanu miisaanka gabay haysan marinkiisa
Moqoraysi buu kaa noqdaa miilo booliyahe
Dadkuna way masuugaan tixdaan wadanin maahmaahe,
Sidaad maansadaadii hadeer noogu kala miirtay
Iyo sidaad u kala muujisee moosinku u aastay
Alleylehe mid waqalaad ridoo muula waad tahaye.

Arrar miigan geeraar milga leh duluc mahiigaana
Magaynada xishood sheekadoo maydhax laga diiray
Muran li’i haddii loo kaftamay waa midaan rabaye
Anigoon murtida baanaheed madasha dhaafaynin
Bal aan mariyo Mawlaha ilaah mahadi weeyaane,

Geeljire madheedhkuu ogyahay meesha laga goosto
Ushoo meel ku taaluu arkuu male su’aalaaye,
Mahwi laysu soo galay qofuun magac la weydiiye
Haldeeqoow markhaatiga u dhimay kiis maxkamadeede
Waxaan anigu maankay ka helay amase ii muuqday

Inantaa midhcahan iyo midhcahan kugu mataanaysan
Inantaa muquunada jacayl miratay laabtaada
Inantaa kalgacal maaxashada caashaq kula maagay
Haddii muruq intuu cadaw la tegay salabka loo miidhay
Ama maal intoo laysku xidhay madaxfur loo sheegtay
Maamuus haddii ay tihiyo macalin diimeed ba
Intaba waynu maarayn lahayn maalin gelinkeede
Macnaha iyo sheekadu hadday mayiyo haa joogtay
Oo aan nin loo meherin kale aqala loo muujin
Haddii aan muraad xaasid kale idin masuugaynin,
Haddii aanay madal laysu yimi midigta kaa taagan
Amaan mudantidii iyo tolkeed maanac kaga dhaaran
Waa ila maroor xaal kaloo lagaga maagaaye
Masalooyin dhowraan hadeer miiska soo dhigiye
Kala miyo midaad door biduun adiyo maankaaye

Maguuraanka hawlahakan waa lagula maarayne
Metaal uguba oon hore la maqal lagana maansoonin
Mahuraan haweenoo erga ah subax intaan miidhno
In maraykan aan ugu diriyo minanka ay joogto
Oo waxay markaa soo ceshaan magane aan eegno
Iyo inaynu gabadh muunadloo muusha baa badane
Malkadii Hargeysiyo Burciyo mudanta oosheena
Habla wada murraayada ilayn mawle waa dhigaye
Mida aad isleedahay tanaa muxibadeedii leh
Inaad magaca eebbe u xustoo meher ku soo taagto
Kala miyo midaad door bidaa adiyo maankaaye.

Muddo badan haddii caashaqeed uu ku miranaayey
Maankiyo qalbigu Maxamedow magane kaa raacay
Muhashada hablii kale dhamaan maaran kaa noqotay
Oo aan marley kale qalbigu miridhna doonaynin
Inaad keli la meeraysataa mahadho weeyaane
Bal inay maqbuul tahay haddana waa majiir culuse
Is maqiiqa telefoon inaad Muna ku doondoonto
Oo maqaal badheedha ah hadana aad ku maqshiiso
Iyo inaad midiidimo kalgacal noqotid maadaysi
Ood maanka ruux kaa jalbaday milicsigeed dhowrtid
Ama ay macaash li’ naftii meel cidla’a joogto
Kala miyo midaad door biduun adiyo maankaaye,

Inkastood magool laacayiyo aad man urinayso
Inkastoo mahiigaan kalgacal uu ku miranaayo
Inkastood mar maaweeladeed aad u muhanayso
Arinkaan muhiib kuu lahayn maarankaa danahe
Inaad samir ka mooyaysatoo aad Milgo ilowdo
Iyo inaynu maal iyo adduun maydal iyo jeedal
Sidaan midigta ugu taabi layn uga muraad doono
Maraykaan iyaba way tagtee lagula maarreeyo
Muuqaa iyada oon filayn ama malaynaynin
Inaad marrinka aqalkay fadhiday subax ka maansootid
Murankuba ha gaabtee inaan dhoof u milay qaado
Kala miyo midaad door biduun adiyo maankaaye,

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top