Suugaanta

Cugasho (gabay) Daa’uud Xaaji Baabuur

daauudHargeysa(saraarnews) Gabaygani wuxuu daba socdaa silsiladii uu bilaabay Abwaan Cabdisalaan Caaradhuub, hase yeeshee xarafka uu ka qaaday ayaan ahayn kii gabayadu ku socdeen, Daauud Xaaji Baabuur  wuxuu gabaygiisii ku bilaabay.

Cabir gabayga maansada rag baa caarif ku ahaaye
Niman baa ku caan baxay murtida cayn kastooy tahaye
Iminkana dar caagado sitoo ciil qabaa yimiye
Beritana darwada caytamoo caasiyaa imane
Allahayoow adaa caadilee carrabka noo toosi
,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
Afartaa ciyaar uma hadlee cayn ma ku ekeeyey
Ca,daan kaga bilaabiyo miyaan caymis ku adkeeyay
Cunfi iyo xumaan iyo miyaan cayda ka ilaashey
Afar kalena waa aniga iyo hadal cadaantayda
,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
Aniguna cadiig uma hadlee waan cutubiyaaye
Casharaan ku qaataa sidii culima awdiine
Cugashada hadii laysu baxo ciriqa suugaanta
Cirkaan ugu tagaa Mohamedoow guushu waa calafe
Ina Caaradhuuboow aduun wayska cirinciire
Caawaan warkaagii akhriyey goor cawaysimahe
Nin haduuu cirooboo tintiyo guudka ka cadaado
Cibaadiyo waxaa lagu ogaa camal wanaagiiye
Caloolyoobay goortaad sidii curad u dhaantaysay
Hayeeshee codkaagii anoo kugu cisaynaaya
calmashada jacayl iyo cishqigu waa wax caadiyahe
Calaf doon hadaad tahay asaad cugasho doonayso
Carigaad ku nooshahay adoo caayey idiliiba
hablihii cudoonaa adoo cayn kasta u jiidhay
inaad debed usoo caymataa waaba kugu ceebe
Bal codkayga maqal weedhsan baan kuu cabirayaaye
,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
Afartaa ciyaar uma hadlee cayn ma ku ekeeyey
Ca,daan kaga bilaabiyo miyaan caymis ku adkeeyay
Cunfi iyo xumaan iyo miyaan cayda ka ilaashey
Afar kalena waa aniga iyo hadal cadaantayda
…………..
Cidhifkii togdheer iyo berbera ceeri iyo laaska
Caynaba dusheediyo saraar cidhifyadii gaabo
Cambarkii Hargaysiyo camuud gebilay coonkeeda
Guban oo cirkii helay ilaa caliyo buurdhaabo
Qorilugud adoo caamu garan cariska Buuhoodle
Hadaad tidhi midaan Caashaqiyo canab kasoo waayey
Inay adiga ceebtaada tahay care bal yaa sheega

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top