Suugaanta

Rijaal Sugule Cali (barroordiiq) Abwaan cali duulduul

duulduulRabi haw raxmado wuxu ahaa raa’ib caan baxaye
Ruush iyo waxaa laga yiqiin ruga maraykaane
Rayi caamka dunidoo dhan buu raasas ku lahaaye
Waxa laysku wada raacsanaa ka ugu raad weeyne
raasadii murtida uu ka tegey yaan la roga hayne
Rijaal iyo nisaba waxay qireen Inan la riixayne
Waa riwaayad aan duug mahayn Raasi say tahaye
Runtana kamuu ajoon jirin xaqaa lagu rakaataye
Rajiim laga gabado muu aqoon ama raxlaynteede
Raganimo cad buu dhiiban jirey rug iyo aaraahe
Rabi hawga dhigo meel qabow Rooda iyo xaawde
Rijaal Sugule Cali wuxu ahaa ruux la saacido’e
Raxmaanow Allahayow casuun raajac kuu noqoye

Aamin aamin

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top