Suugaanta

Taxtaxaash Jannada ( Gabay) waxa tiriyey Halabuur Ibraahin Hawd yuusuf

Ina hawdSweden(saraarnews) Maansadan kalena waxaa tiriyay Ibraahin-Hawd Yuusuf, oo ku sagootiyay  Illaahay ha u naxariistee Abwaan  Cali Sugule Cigaal Dun-Carbeed, wuxuuna yidhi:

Ilaahay ha u naxariisto Duncarbeed,

Caliyow adduun waa taraag toore galabeede
Nin wal oo tilmaan dheer lahaa maalin buu tegaye
Sannadkiiba tiir baa ka jaba taws ma waydadane
Hadday maanta taadii ahayd toobad la gu siiye
Dhaaxaad u taagnayd jihaad tubihi Maandeeqe
Dhaaxaad ka toosaay lahayd tuug cad baa yimide
Dhaaxaad tusaalaha murtida tirisay geeraare
Dhaaxaad tiraab sheegtay iyo hadallo toolmoone
Dhaaxaad tiriig iyo ahayd taallo magac weyne
Raggii calanka taagaad ahayd qorayna taariikhe
Tirmi maayo magacaagu oo buugaggaa tebine
Jasadkaagi uun baa tegee xaadir baad tahaye
Taxtaxaash jannada waa ducee gudatay taadiiye

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top