Suugaanta

Dun Carbeed (barroor-diiq) Hal-abuur Maxamed Baashe X. Xasan.

London(saraarnews)Afarreydani waa tiiraanyo iyo duco aan ku sagootinayo marxuun Cali Sugulle Cigaal (Dun-carbeed) AHUN, waa tacsi aan y dirayo qoyskii uu ka baxay, gaar ahaan labadayda saaxiib Cabdifataax Cali Sugulle iyo Khadar Cali Sugulle, aniga oo la wadaagaya murugada geeridaas xaqa ah.

Damal la hadh galaa buu ahaa duhur kaliileede
Dugsi lagu hirtaa buu ahaa dayro dhaafyada’e
Dayax noo iftiimuu ahaa oo la daawado’e
Dadnimada hu’geedu ahaa dabagalkeedii
Xaqa daaficiisu lahaa gayllan dirireede
Dabuub gabay ayuu odhan ogaa maalintii darane
Afhayeen u dooduu ahaa doorka maatida’e
Dhaaxuu dab oog weyn leh shiday oo xaq daakiraye
Dhaaxuu dareen kiciyeyoo soo duwaay yidhiye
Dhaaxuu digniin noogu daray maanso duluc weyne
Duug dhaxalka noo yaalla baa loox ku daabacane
Dugsiyada aqoontaannu dhigi daymo bogasheede

Waa duni habeen lagu dhaxaa degeshigeedii
Dun-carbeed ka duuduubayoo daantii kale aadye
Dudmo ma laha geeridu hadduu xaqu dillaacaaye
Daaraha jannada Eebbahay hawga dadab yeelo
Allahayow dariiq toosan mari dawgii Nebigeenna scw
Duddo nabad ah Weynow jannada socod ha daanshoodo
Dermo gogol ah beeraha jannada
Debecsanaan seexi.
Aamiin Aamiin Aamiin!

Baashe

Sawirkani waxa uu ahaa magaalada Dubai, 2009, xilli aannu ku soo bandhignay buugaag kala duwan, iyada oo marxuunkuna naga la qayb qaatay. AHUN.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top