Suugaanta

Madaxdaar (gabay) Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq)

CartanHydrabad(saraarnews)Gabaygan Madaxdaar waxa curiyay Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq) 23.11.06 waxa uu gabaygani jawaab u yahay gabaygii uu tiriyay Mubaarig Maxamed Nuur ee (KALA MIYO) waxa kale oo uu la dardaarmayaa labada gabdhood ee ku soo biiray gabayada silsilada ah ee Sagal Cali iyo Fahma Cali waana kan:-

Midho culus haasaawe mudan, gabayo miisaaman
Hawraar miiran masaal lagu kaftamo, ereyo meeqaaman<p
Mubaarigoow murtidaad dhistaye, igu masaafaysay
Midhii helay murtidii adkayd, muhindiskaagiiye
Kala miyo markaan dhuuxay iyo arartii aad moostay
Macnaheedii waan wada heliyo moholintaadiiye
Muduci iyo maddaacalay amuur, laysku mari waayay
Markhaataa la doonaa intaan, loo go`aan mudine
Talo murugtay weeyee haddaan, madasha soo tuuro
Qofkastoo maleeyiyo haddaan, madaxda gaadhsiiyo
Maanso yahanka joogiyo haddaan, odayadoow meersho
mid kastoo wax moorayn karoow, maqal dabuubtayda

Inantii muraayad iyo hillaac, lagu masaalaayey
Inantii miliilica jacayl, maanku iga raacay
Maamuuska inantii lahayd, amase meehaaha
Inantaan magaaliyo miyiba, uga dhax maansooday
Inantaan mubaarigoow inbadan, madal ku haasoownay
Manfaca iyo inantaan darteed, oonta uga maarmay
Muxubada inantaan ogaa, muunadiyo nuurka
Masanuunin teediyo sidoow, heli lahayn maanta
Bay su`aashu maraysiyo sidee, baw mutuhinaaye
Mar hay odhan mid kale tii ku door, meelna hay dumine
Mar hay odhan milgo luul ka samir, tiiyoon mawd diline
Mar hay odhan mareeg kale u dool, qabo maraykaane
Mar hay odhan masuug haysku ridin, amase maadayse

Qof hadduu malaariyo la dhaco, meeli belelayso
Kala miyo ma fiicnee dawaa, lagu muquun shaaye
Kala miyo mar hay odhan, talaan kaa miciin sadaye
Murka caashaq macaan iyo qadhaadh, la isku maansheeyo
Mudanaha yaqaanaa judhuu, marin u jeexaaye
Waar malaa waxay madadaalin raba, ruuxaan soo marin

Gabayadii macaanaa kolkaan, milicsadee dheehday
Tii mubaarig murti bay ahayd, maayad qara wayne
Sagal marisay meeris iyo haggoog, mug iyo hawraare
Fahma mawjadeedii qalbiga, miridh ku saameeye
Madax daarka sheekada anaa, hawl I mariseene
Masalooyin kiiniyo tixuhu, way mudmudayaane
Halkii mililku jiifay damqeen, arartii maaxnayde
Idinkoo malayn iyo tashiga, illa miskeedaaya
Idinkoon I madadaalinayn, iguna maagaynin
Idinkoon I maaweelinayn, igana maadaysan
Idinkoon jacaylkayga mudan, iga madiidaynin
Idinkoon I maradhaaminayn, mudanta suugaanta
Idinkoon isuna muuqanayn, isuna maahmaahin
Marxal iyo xal baan goobayaa, manta ii seda e
Sidii aan u maarayn lahayn igala maansooda.

Dhammaad. Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq)

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top