Suugaanta

Ma ka Mudhay (gabay) Abwaan Mubaarak Qoorubaxay

Qoorubaxay.Sweden(saraarnews) Gabaygan Ma Ka mudhay wuxuu jawaab u yahay gabaygii Madax daar ee soo tiriyey maxamed aw cali cartan, waxay soo baxday tixdani 23-11-2006,waxaa Tiriyey Abwaan Mubaarak Maxamed Nuur (qoorubaxay).

Murti guuna hawraaro mudan midhaha suugaanta
Geeraaro lagu meeriyiyo maanso iyo jiifto
Maahmaaho lagu sii ladhiyo Miilo lala eegto
Mushtar gabayga iiguma imaan mahad ilaahaye
Tobankoo midh ii dheeryahaan hoorshay maansada’e
Markhaataan u haystaa Dugsiga macalimiintiiye
Nimankaanu wada miiltanaa magane sii noole
Maanta wax ila maagayoo muunnadlaa jira’e
Adigaa mushamacii u shiday Maxamed deeqoow.

Mayay da’ay mahiigaan qodqoday miray ku soo gaadhay
Waqal maaxday gudgude soo mirkacay hogolo maasheeyey
Hirar madow darruur lagu masaxay jebelo soo muuqday
Hilaac maray malkada iyo dhulkaba muhashaduu reebay
Inaan meertadaydii tixdhaab marinayaan sheegay.

Hablahaa magaabada tixaa mariyey ee keenay
Anigoon ka maanicin hadii loo masala baadho
Fahma muhindiskeediyo anoon Sagal ku moosaynin
Marleydii haween iyo nin ragi kala mid weeyaane
Madal baynu joognaa haddii laysku maakubo’e
Mahwi eray dhacay baa hadhow keena murrugoode
Masaawaynta sheekada hufnaan hadalo maamuusle
Milgihii xishoodka iyo dhaqan lagama maarmaanka
Inaan arrartu meeshay ahayd marinayaan sheegay,

Gabdho wada muraayada hubqaad muuna quruxeed le
Mawlaha illaah baa dalkii muusha oo dhigaye
Milicsigii jacleecada haddii laga maqnaan waayo
Maamuuska sharafeed haddii layla muhan doono
In ishaydu meel kale jirtaan magane sii sheegay.

Afartaa macnayntii naxwaha malabsigeedii dheh
Muran Li’i afeef aan dhigtiyo mahurtadeedii dheh
Mataalkaan ka rabo sheekadiyo marin tuskeedii dheh
Miciyaha shabeelkiyo libaax ayda miranaayey
waxba yaan maroodigan cartamay duminin mooskiiye
Ma ka mudhay midhkaan soo wataan cidi malaynayne

Muxibada jacayl Maxamedoow laba mid weeyaane
Maal iyo Aduun kay tihiyo moodhar iyo Gaadhi
Mawaashiga waxaan geel dhaqniyo ma hurto xooleedka
Maamuus gobeed iyo Macsuun maganta soorkeeda
Marti xaajo loo sii qunshiyo muuminimo looga
Inaynaan masuugaynin Anaa kuu markhaatiyahe,

Hadii inanta aad magansataa kula macnayn waydo
Haddii ay marwaad iyo kalgacal damaca kaa maagto
Mayduba sed weeye haday marro afkii saarto
Oo haana aan laga maqlayn inay maqbuul keento
Inaad meel fog eegmada indhaha milicsi sii dhawrto
Taasaa masiiba ah ileen murranku waa ceebe
Sow sabir miciin inaad biddaa kugu mubaax maaha
Sow inaad masaawaha cishqiga dayatid meel maaha
Sow inaad Milgaba sii dhigtaa magac dhowgeed maaha
Sow inaadan mawjadahan kacay meeriskiyo heesta
Sow inaadan miniin iyo siniin ugu mudayn maaha
Sow inaad minguurshaha xilliga maalintiyo leylka
Sow inaad mid caashaq taqaan ula muraadooto
Sow inaad magaabada cishqiga ula kacdaa maaha.

Afartaa macnayntii naxwaha malabsigeedii dheh
Muran Li’i afeef aan dhigtiyo mahurtadeedii dheh
Mataalkaan ka rabo sheekadiyo marin tuskeedii dheh
Miciyaha shabeelkiyo libaax ayda miranaayey
waxba yaan maroodigan cartamay duminin mooskiiye
Ma ka mudhay midhkaan soo wataan cidi malaynayne.

Wuxu yidhi masalo soo dhacdaa noqota maahmaahe
Haddaan anigu bahalkii i miray toban mar kuu sheegay
Haddii mawjadii aan dhex galay lagu muquursiiyey
Hadii madhax jacayl uu lahaa waa i soo maraye
Markaan anigu Yaasmiin kalgacal ugu macnaynaayey
Mar is Idhi bilaayuu mid kale meher u fuulaaye
Mar is Idhi mitaal waa haween maxabadoodiiye
Mar is Idhi muquunada naftaba magan u sii siiye
Mar is Idhi magaynada tolkeed heesta maqashiiye
Mar is Idhi miliilica kalgacal way ku moogtahaye
Mar is Idhi badwayn maaxatiyo mool adaa galaye
Mar is Idhi col aad miiratiyo muruq u soofeeye
Mar is Idhi Allaa Mawla ahe samir mugaagii
Mar is Idhi midhaad seegtayoo baal martaa jira’e
Mar is Idhi iskaba maaranoo daaba magaceede
Mar is Idhi dhexdiina la maray inanta Muusoowe
Mar is Idhi majribad bay ku marin meel xun hays dhigine
Mar is Idhi jacaylkaba mushtari baayac maalinahe
Mar is Idhi waxaad meerin layd Moosin galabeede
Mar is Idhi malaa waa riyee madaxa soo toose
Mar is Idhi miyaa lagugu falay moora mooraha
Mar is Idhi masaalkii Cilmaad meel ku socotaaye
Mar is Idhi maxay tolow rabtaa laabtu muhataaye
Mar is Idhi Mildhaadhiga abwaan miigan baa helaye
Mar is Idhi waxay maagantood moogantaa jire’e
Mar is Idhi jacayl baa mudoo midho ku sii dheere
Mar is Idhi xishood bay indhaha kaala marataaye
Mar is Idhi haween waa mukure maalmo yara dhowre
Mar is Idhi mahwiga uga dhex sheeg maaxda caashaqae
Mar is Idhi Marleyba iska daa murramadoodiiye
Mar is Idha maxaa kugu makalay eed u muhataaye
Intaasoo marqudho wada socdaan maanka ku hayaaye
Manaxaan cishqiya oo ku helay Meeshan ka cadaaye
Hadii Muhundiskii aan ku Idhi kuu Mitami waayey
Mariidkuba baxnaanada beryaa lagu maqnaadaaye
Milgo inay jawaab soo dirtoo Muna ku doonayso
Iyo inay manneenada hableed wax is macaashsiisay
Maantiyo beriba aan sugnaan hadal ku soo moosay.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top