Wararka

Boqorka Boqorrada Afrika Cismaan Aw maxamuud (Buurmadow) oo ka hadlay Khilaafka Cullimada iyo baarlamaanka

buurmadowDubai(saraarnews) Boqorka Boqorrada Afrika Cismaan Aw maxamuud (Buurmadow) oo ka hadlay khilaafka Culimada iyo baarlamaanka, ee la xidhiidha ansixinta xeerka bangiyada oo la sheegay inay ku jiraan qodobo ka hor imanaya shareeccada islaamka.  Boqor Osman Buurmadow qoraal uu leeyahay oo uu ku baahiyey  Bar kulankiisa facebook ayaa u dhignaa sidan.

“Waxaan jecelahay inaan waxyarka idhaahdo buuqa ka cusboonaaday baarlamanka iyo culumada qaarkood, marka hore dad islaama baynu nahay ma difaaci karno ribo shareecadu diiday, baarlamanka isagana waxaan u soo jeedinayaa inay hubiyaan waafajiyaana xeerka ay wadaan shareecada islaamka”

Boqorka ayaa dhinaca kale dhaliishii ugu waynayd u jeediyey qaar ka mid culimada Somaliland wuxuuna yidhi:

“Dhanka kale anigu uma arko culimo u danaynaysa shareecada islaamka waxaana qabaa duunyo ribo in la saaro waxaa ka xun in diinta ribo lasaaro, culimadeena badankoodu waxay u badaleen shareecadii inay u isticmaalaan baayacmushtari. Anigu waxaan ahaa ragii la soo koray xarakooyin iyo dacwada cusub, sidaanu ku bilaabnay iyo hada saaxiibadaydii sida wax u wadaan wax aad u kala fog weeye,  xarakooyin ku bilaabnay eedaha ugu waawayn ee ay culimadeena qaadiriya iyo saalixiya kula doodoi jireen waxay ahayd inay iibinayaan shareecada oo ay ku shaqaysanayaan, ku darso oo culimaadaasi inanka marka quraanka u dhameeyaan sadex sano ama afar sano ka bacdi ayay qaalin ka qaadi jireen ama qoon ay xaqeen bay shilin ka qaadi jireen, culimadeena casriga ah kolkay kuwaas saaxadii ka saareen, inanka bishii 20 door ama 30 doolar hadaanu bixin way eryaan bisha kawdeeda, taasi waxay khilaafsan tahay manhajkii rasuulka oo may dhicin wakhtigii rasuulka iyo saxaabadii iyo taabiciintii oo ka fakhri badnaa, qof wax la aan malcaamadii looga eryey.buurmadow1

Waxaa marag ma doon ah maxkamadaha shareecada ee ay gacanta ku hayaan kuwaynu nidhaahno way inoogu cilmi badan yihiin, maxkamadaha dawladu ma sameeyaan waxay sameeyaan, culimadu ficilkii iigu yaabka badnaa ee aan ujoogay nolashayda hagar bay ama xaquqalin waxay ahayd maxkamada ay waayeelka ka yihiin Shiikh dirir, sheekh maxamed cali gadhle iyo shiikh cismaan laangadhe waxay u garnaqayeen oo aan u keenay ganacsato is qabatay oo ahayd kuwaynu  maxsharada xoolaha waxaan fajacay markaay yidhaahdeen ilaa aad bixisaan qolo waliba 20000 $ doolar, sidaa goobtii waxay kuqaateen 40000$doolar afartankun oo doolar daqiiqado gudahood, shiikhyadan waxay ahaayeen kuwii xaaraamayn jiray hagarbayga cuqaashu qaadato, ribada ugu badan hada waxay saaran tahay diinta islaamka, maadaama culimadii ganacsato ay sheerar badan kuleedahay shirkadaha kama hadlan zaadka iyo E-dahabka wax lagu ka iibsado, waxa shareecadu banaysay in lagu kala iibsado dahab fido iyo lacag naqad ah, sidaa awgeed shareecadu mabanaynayso lambaro aan jirin oo tignoolajiyada casriga  ah ku shaqaynaya, oo xidhan kumbiyuutarada oo khalkhala marna culimadu kama hadlin, waayo sheerar bay ku leeyihiin waxaynu ognahay dhiiga soomaaliya ka daadanaya waxa lagu daadinayaa shaadh culimo iyo ganacsato, waxa ugu wayn ee la doonayaa dalku inuu u xidhnaado ganacsato iyo culimo, oo aan rabin in cidkale soo gasho saaxada waxay eryaan baanankii caalamiga ahaa ee dalku ka dhigi lahaa sida Taiwan oo kale shacabka waxaan u soo jeedinayaa inaan lagu daadinayaa khaldamin”
buurmadow

 

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top