Articles

Cali Sugulle Cigaal (Dun-carbeed) AHUN waxa uu ahaa “Aabbihii Hal-abuurka Soomaalida ee Casriga ah) Qorraaga Maxamed Baashe X xasan

BaasheAfarreydani waa tiiraanyo iyo duco aan ku sagootinayo marxuun Cali Sugulle Cigaal (Dun-carbeed) AHUN, waa tacsi aan u dirayo qoyskii uu ka baxay, gaar ahaan labadayda saaxiib Cabdifataax Cali Sugulle iyo Khadar Cali Sugulle, aniga oo la wadaagaya murugada geeridaas xaqa ah.

 

Damal la hadh galaa buu ahaa duhur kaliileede
Dugsi lagu hirtaa buu ahaa dayro dhaafyada’e
Dayax noo iftiimuu ahaa oo la daawado’e
Dadnimada hu’geedu ahaa dabagalkeedii
Xaqa daaficiisu lahaa gayllan dirireede
Dabuub gabay ayuu odhan ogaa maalintii darane
Afhayeen u dooduu ahaa doorka maatida’e
Dhaaxuu dab oog weyn leh shiday oo xaq daakiraye
Dhaaxuu dareen kiciyeyoo soo duwaay yidhiye
Dhaaxuu digniin noogu daray maanso duluc weyne
Duug dhaxalka noo yaalla baa loox ku daabacane
Dugsiyada aqoontaannu dhigi daymo bogasheede,

 

Waa duni habeen lagu dhaxaa degeshigeedii
Dun-carbeed ka duuduubayoo daantii kale aadye
Dudmo ma laha geeridu hadduu xaqu dillaacaaye
Daaraha jannada Eebbahay hawga dadab yeelo
Allahayow dariiq toosan mari dawgii Nebigeenna scw
Duddo nabad ah Weynow jannada socod ha daanshoodo
Dermo gogol ah beeraha jannada debecsanaan seexi. 

 

“Gudini daab la’aantii

Miyay dogobbo goysaa?

Diric keli ahaantii

Daleel guusha kama helo

Dadkaa geesi lagu yahay!” Dun-carbeed.

 

“Kol haddaanad geerida horteed geesiga aqoon

Goblan weeye Soomaaliyeey Garashadaadii!” Dun-carbeed.

——————————————————————

 

1950aadkii ayuu hal-abuurkiisu hinqaday, 1960aadkii iyo 70aadkiina waxa uu goostay seetada iyo xadhkaha oo cirka ayuu isku shareeray. Habeenka Isniinta ee salaasadu soo gelayso ayaynu si mug iyo miisaan leh Barnaamijka Baadisooc ee HCTV si toos ah (live) @8:15 xilliga London) ugu falanqayn doonnaa Sooyaalkii iyo Suugaantiisii bilowgii ugu horreeyey illaa sannadihii dambe ee noloshiisa, haddii uu Alle idmo. Hadda se hordhacan yar:

 

Waddaniyadda iyo fahamkeeda, ummadnimada iyo qaayaheeda, hoggaaminta ummadeed iyo hiraalladeeda, jacaylka iyo jalbeebintiisa iyo nolosha dadkiisa  ayaa hal-abuurkiisu si qotodheer ugu lingaxnaa oo ula falgashanaa.

 

Sida birlabtu birta u soo jiidato ayaa suugaanta iyo fankiisu ugu dhegi jireen maanka iyo maskaxdeenna, fudaydka ereyada uu inoo soo sooho, dhismaha farshaxan ahaantooda iyo qotodheeraanta duluc ahaaneedtooda awgeed.

 

Ayaa Gobannimada Garanaaya! 1954

Guunyada lo’du waw garaad daran tahay
Gaajiyo ma oggola harraad gelin
Gawdha iyo usha way ka gubataa,

Haddii aan la gunaynin looma galo
Gujada weysha waa ta gaaggixisee
haddii la garaaco godol ma leh,

Garteed weeye inay gilgilataa

Gadooddooy geeska soo rogato

Gumaaddo wixii ka galabsaday

Ganbiyo dumarkaa garayska xidhee
Guntiga raggu waa isku giijin jiree
Geyigan tegey gaalku maw hadhay?!


Gadantoo arladeennii way gedmatey

Gabaabsi weeye oo galbatay
Aan gaadhne’e ma loo gurmanayaa?


Geeliyo adhigiyo gammaankii fardaha
Gu’goo da’ay geedihii hawd

Aan geyne’e  ma loo gurmanayaa?!

Garaad isma dhaanno gaalada
Gu’geennuna waa gudboon yahay

Guuldarro waynagaa gacmaha madhan!

Gaashaan-qaad xaqiisa lalama gudbee

Garkiyo wadnahay na kala go’anoo

Guul-darro waynagaa gacmaha madhan,


Godobtii nin qirtay oo ku gawracay
Gashigii diiddan oon wax kaaga gudbayn

Gadaan-gadayaa gardaranaa!


Ayaa Guullaheen gargaaraayoo,
Ayaa gobannimada garanaaya
Ayey la genbiya gumeystaha?!

 

Haddaanan Qaylo Dheer Hayaay Odhan! 1954

 

Haddaanan qaylo dheer hayaay odhan

Hororka celiyaay ku heellayn

 

Haddaanan gumayste waan la hodmee

Haddaanan goynin hanaqiyo halbowlaha

 

Haddaanan dhulka heegan baan u ahee

Anigu aan hoydee isagu hadhin

 

Haddaanan ma huraanka haaneedkiyo

Hadhuubka u dhiibin hanaddada

 

Haddaanan oogo Hawd u hawshoonoo

Hilbaha iga maqan la soo noqon

 

Haddaanan ENFDii Hengelo dhiginoo

Huurkiyo laga qaadin heeryada

 

Haddaanan Jabuuti way hakatee

Hilinka kuwa kale hayaan marin

 

Haddaanan Xamar way hadhaysan tahee

Hargeysaay ku saarin heegada

 

Haddaanan Shantu waysku hooyo-hiddee

Hiilkiyo isku raacin hoogaba

 

Haddaanan Rabbi baa hagaajin karee

Hanuunin sidii hubkays wada!

 

Deeq Alle 1955

Cali Sugulle: “Qofka aan dalkiisa jeclayni, wax kale ma jeclaan karo!”

Doc uun buu qalbigu la doodi karaa

Hadday Deeqa iyo dalkii tahay

Aan duulo’e dhankaan ku daastaa? *Duulo: Dagaal iyo weerar aan galo.

 

Meelaan dejiyaba Dahabo ma hayo

Darxumadayda waanigaa dibjiree

Dedaalkayga waan is daydeyi!

 

Allaha deeqda iyo dushaba badanow

Dulliga naga saar nalagu dedey

 

Dixdaba iyadoo daamuhu qallaleen

Allaha daad marshee durdurka ka dhigow

Dulliga naga saar nalagu dedey

 

Allaha deeqda iyo dushaba badanow

Dalkiisii nin duunyo dhaafsaday

Dadkiisi halleeye daw mari

 

Riwaayaddii Himilo 1961

himiladeennu himiladeennu

Waa maxay Horseed himiladeenu? (*Horseed waa Aadan Cabdille Cismaan)

Hawd aynu galloy aynu galloy

Aan Wajeer hantinow hantinow

Aan Jabuuti helloy aan helloy

Shantu hays huwatoo huwatoo

Aan hal qudha noqonnoy noqonnoy

Waa inaynu hellaa ama aan hoyannaa

himiladeennu himiladeenu waa halkaa!

Jibbadaas mawjadddeeda iyo jacaylkaas rabitaan ee Soomaalida la isku la doonanayey ayaa wadatay dareenkii Cali Sugulle iyo dadkii la noolaa xilligaas!

 

Wargelin:

  • Sooyaalkii ballaadhnaa iyo Suugaantii hal-muceedka ahayd ee Cali Sugulle AHUN waa inoo Isniinta iyo Baadisooc, HCTV @8:15 (Live) xilliga London, haddii uu Alle oggolaado.

Galabnimada Sabtida 16/01/2016, waxa munaasibad tacsi iyo duco ahi ka dhici doontaa, haddii uu Alle idmo: Oxford House, Address: Derbyshire St, London E2 6HG @18:00.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top