Articles

Masayrka iyo Hinaasahu ma isku mid baa?

Masayrka iyo Hinaasaha !
—————————-

'Things are going great with Mark although he can be a little possessive.'

Inta badan waxa dhacda in dadku aanay kala saarin masayrka iyo hinaasaha, laakiin haddaad u baahan tahay inaad kala fahanto way kala duwan yihiin, tusaale ahaan.
A. Masayrku ragga kuma dhaco ee wuxuu gaar u yahay dumarka oo keliya, wuxuuna badanaa ku dhacaa marka haweenayda lala guursado ama ninkeedu reer kale samaysto, ee afadaasi si aad ah uga fekerto, kaas oo sabab mararka qaarkood u noqda in uu keeno is-dhaaf dhinaca maskaxda ah. Badanaa haweenayda masayrta waxa dabka ku sii shida oo sabab u noqda dumarka kale ee ay qoftaa dumara ehel ama macaariifta yihiin, oo ku dhiiri geliya inay arintaas ka ficil qaadato. Inta haweenaydaasi xaaladaa ku jirto, waxay ku kelifi karta inay danbas ama milix shaaha sonkor uga dhigto, badanaa wixii ay qaribto laguma sii tiigaalo waxana lagu afgobaadsadaa, heblaayo way masayrsan tahay ama tacsi baa u taal. Taasi waxay keentaa haddii ninka gabadhaa qabay doonayo inuu reerkiisii hore sii dhaqdo inuu keeno waxa loo yaqaano “Masayr-tir” taas oo baddana haweenku kaga samraan hadalkii badnaa ee taagnaa ee debeda laga maqlayey, waxan arintu noqotaa xintan iyo miyaad noo jeedaa sow reero kale ma lihid oo ninka uun ku kooban.
B. Hinaasahu isagu wuxuu ku dhacaa ragga iyo dumarka labadaba waxana la sheegaa inuu ka xun yahay masayrka oo ah wax la arkayo lana ogaan karo, laakiin hinaasuhu wuxuu noqon karaa waxaan jirin iyo sawir qofku keligii qaatay oo uu xaqiiqsaday, inkasta oo labada dhinacba uu saameeyn weyn ku yeesho haddana waxa la sheegaa inuu ragga ugu daran yahay, oo keeni karo inuu dhibaato xitaa dil gaadhsiisan ku kelifi karo. Sidaa aawadeed ragu ma masayraan ee way hinaasaan.

Hinaasaha ragga.
——————

Rag wax gaadha gabadhuu qaboo guur nin lagu sheegay
Iyo gamas mariidloo u galay goonjihi hilibka
U gudboone labadaa hal buu gama’ la diidaaye.
[Qammaan Bulxan]

Sida gabayaagii Qamaan Bulxan sheegayo ninka ragga ahi, wax kasta oo kale waa ka gam’aa labo xaalo mooyaane, tusaale ahaan haddii aabbihii la dilo wuxuu ku seexdaa berri baad u soo aarri, haddii geeloodii la dhaco wuxuu yidhaahaa waad soo dhicin ama mid kale baad u qaadi, hadduu dhib kasta oo kale ku dhaco wuxuu ka fekeraa inuu xal u heli doono. Laakiin Gammuunka ama fallaadha iyo leebka mariidka leh ee ku dhacda jidhkiisa, ee uu ogyahay inuu ku baxayo iyo haddii naagtii uu qabay loo sheego inay nin kale aroos u tahay, habeenkaa ma leddo jiifka, dhiniciisuna dhulka ma qabto.

Hinaasaha Ragga ee sababa in nin uu haweenaydiisa ka hinaaso inkasta oo sababo kale jiri karaan waxa keeni kara afar (4) sababood oo waaweyn.
1. Ninka oo xaalladahan uu xaaskiisa uga shakiyey iyo ficiladan hore u samayn jiray oo naafo gaboowday ah, ka dibna arin waliba ula egaatoo xaajooyinkiisii iyo xeelladihiisii, xaaskiisana arintiisu noqoto, naa sheekadaa aad wado waa laguu yaqaan.
2. Ninka oo awoodii xiloodinta ragganimo iyo  waajibkii ka saarnaa u arka  inaanu gudan karin, oo ileen in ubad la dhalo ayaa reer loo yahaye, saluug dareemay naftiisa ah oo is leh waxay kelifi kartaa in lagaa digga-rogto.
3. Ninka oo arinta tibaax laga siiyey oo cid kale ku biirisay inaan arini isaga uun ku koobnayn, ha noqdeen dad cadow lamaanaha u ah oo doonaya inay kala tagaan, ama talo xumo jirta oo haweenayda xageeda ka timi ha noqotee, taasoo keenta in raad raacii iyo kuurgalkii  ninka la sii fogaado.
4. Xannuun iyo jiro ninka xaga maskaxda ka haysa oo sawiradaa aan jirin u sawirta, ha noqdo hadduu doono nin qayili jiray oo balwadu jiitay soo jeedkiisiina batay. Arintaasina dhaxalsiiso inuu sawirada kale ee maskaxdiisu siinayso qaato oo rumaysto.

Hinaase nooc kale ah.
————————
Waxa jira nooc kale oo hinaase xaasid la yidhaaho oo ah debci qofka iskaga abuuran, qofkuna jecelyahay waxaa wanaagsan ee qofka kale leeyahay inuu isagu lahaado, sida quruxda, aqoonta, Madaxnimada,maalka, ubadka iyo aftahamada qof leeyahay oo qof kale ka hinaaso, waxayna ka dhacdaa raga iyo dumarka labadaba. Tusaale waxaa kuugu filan qisadii nebi Yuusuf Caleyhi salaam iyo wallaaladii ka dhxe dhacday ee keliftay inay ceelka ku ridaan.
Hinaasaha Lamaanaha la xidhiidha ee keena tuhunka daacad xumada waxaa qayb ka qaata, isbarashadii hore ee labadan qof, tusaale ahaan haddii ninku gabadh hore soo furay oo gabadha danbe aragto isagoo xidhiidhinaya, ama haddii ninku gabadha iyadoo balwad leh guursaday oo ay sidaa isku barteen.

Sida masayrka oo kale hinaasuhu wuxuu xanuun ku noqon karaa qofka oo ilaa xad marka danbe uu gaadhsiin karaa inuu waasho. wuxuu kale oo qofka ku ridi karaa inuu horumar qofeed samayn kari waayo. Qofka hinaasay wuxuu geysan karaa qasaare naf iyo maalba leh, tusaale ahaan inuu qof nafta ka gooyo, inuu dhaawac geysto , qadaf iyo aflagaado ka dhacaaba waa suuragal.

Mararka qaarkood hinaasahu wuxuu keenaa in qofkii waxan lagu tuhmayey is yidhaaho ka wardoon waxan, oo tusaale ninkii gabadhii lagu tuhmayey cadho daraadeed u guursado, ama inta gabadhii kalsoonidii ka dhimato ay ninkeedii sida ku nacdo oo ay kala tagaan.

Xaqiiqo jirta ayaa ah inaanu jirin lamaane la illaalin karaa haddaanu isagu kalsooni siinin lamaanihiisa kale, awood kastaana ma noqon karto mid ka joojin karta, haddii wehelkiisu doonayo inuu sameeyo daacad daro.

Dawadda hinaasaha iyo masayrku waa labo xaalladood oo kala ah;
I. In qofku imaankiisa iyo caqiidadiisa adkeeyo oo illaahay cibaadadiisa badiyo, quraankana akhrsito oo adkaarta laasimo.
II. Iyo in la waayo wixii, qofkii iyo hawshii qofkani ka hinaasay ama meesha ay ka baxdo, taas oo mararka qaarkood soo noqota hadday xaalladii hore oo kale soo noqoto.
III. In wixii uu qofka ku tuhunsanaa dhaboobaan oo indhihiisa uu ku arko, taasina ay keento inuu sidaa kaga qanco oo qofkii uu go’aan abadiya ah ka qaato.
IV. In Xaalkiisu mid dhaqtar noqdo oo lagula daalo dawooyinka caadiga ah, oo uu noqdo inuu Dhaqaatiirta ku xidhnaado.

Sidaa aawadeed waxaynu odhan karnaa raggu way hinaasaan dumarkuna way masayraan.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top