Suugaanta

Geeraar:XISBI MAAD NAGA DAYSID waxa tiriyey Faraxaan Maxamed

farxaanFrance(saraarnews) Waxaa geeraar uu ugu jawaabayo Geeraarkii Abwaan Maxamed Xasan Dhaglas ee Ila Doorta Cirro na soo gaadhsiiyey   Farxaan Maxamed geeraarka oo  soo baxay 18/01/2016 magaciisuna yahay XISBI MAAD NAGA DAYSID.

Duni weeye war keedee
Iyadaan loo dareerinoo
Diiwaan kii la samayn baad
Hebel yaa ila doortiyo
Maxamedow ku dacwootay
Dabuub aan la filaynee

Geeraar kaagi doraad iyo
Doodaadaadii falan qeeyoo
Damiirkaa i faraaya
Jawaab duuban ka dhiibee

Adeerow nin dagaal iyo
Daabcad kuu lisaanaayoo
Duulaan soo hor ka caayiyo
Dirir hayga malaynine
Daacad baan gabyayaayoo
Digniin baan qoroyaayee

Denbi kaagama yaaboo
Deelqaaf kaa dhici maayoo
Da’da aan garanaayiyo
Dir-xiilaad gabyay soo

Waana kuu diri maayoo
Dal kanaad odaygiisiyo
Duub-cadii talinaysiyo
Dayraka uu ka cabsoodee
Shisheeyuu ka didaayiyo
Dabarkiisa ahaydoo
Diintaad aad u taqaane

Waxba yaanan dalaynoo
Kugu daalin araaree
Dulucdaan galayaaye

Anoo duub la i saariyo
Kursi doonan karaayoo
Yurubtii la damcaayiyo
Qurbahaa deganaayoo
Deeqow aad garanayso

Inaan soo daf idhaahdoo
Sida oogle ku daaloo
Dulqaad kiisa lahaadoo
Xisbi aan ku dardaarmoo
Durbaan aan u garaacoo
Fagaaraa uga doodoo
Isagaa danta gud iyo
Baahideena dabooliyo
Hala dooro idhaahdoo

Waxaan taa uga dooloo
Diidayaa i hor yaale
Anigaan ku duraynoo
Daliil kuu akhriyaaya
Dad keenaan u bislaynoo
Reer buu reer uga dooliyo
Qarbuu dafacayaa bay
Kuu daliishanayaanee

Dulmi kaa geli maayee
Dugsi ay ku hirtaan iyo
Shacab kaad damal wayn iyo
Deribi aan la marayn iyo
Daafac aad u ahaydoo
Sida dawriga aar ka
doobtaadaa la gartaayoo

Abaal duug noqon maayee
Dalka waad ku lahaydoo
Cidi duud siyi maysee
Daalac yaan lagu saarine
Waanaduun ku dadaaloo
Intaan eedi ku doonan
Xisbi maad naga daysid !

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top