Suugaanta

Miiq baad ka noqoteen gabay ay tirisay Sagal Cali

sagalLondon(saraarnews) Gabaygan waxa curisay Sagal Cali waxay mar labaad ku soo gashay silsilada iyadoo ku canaananaysa Maxamed haldeeq iyo Mubaarig  inay  gabadha la jeclaaday ay iyagu dayaceen gabaygeeduna wuxu ku bilaabmay sidan:

Midhka gabay manaamo iyo hees, maanso iyo,jiifto

Milga hadalka maahmaahda iyo, madal u sheekaynta

Mawjadaha caashaqa ragmiray, mahadho weeyaane

Meligood miciin kama helaan, muranti naagoode

Melegbay u loogaan xabaal, laguna moosaaye

Maaxduu cilmiba mariyay baa, mahadho reebtaaye

Maansooyinkii tarabibaa, lagu maqsuudaa.

Afartaas macneeyaye waxaan, uga maqaan qaaday

Mililaca haldeeq iyo kudhacay, inanka maansooday

Mahuraan haday leeyihiin,talo midaynaaya

Amay moosas adag iyo yihiin, buur marmaradla,a

Wuxuun baa la maarayn, lahaa, maxamed deeqoowe

Miig lagu maqaadeen yartaas, loo madawyahaye

Miiqbaad ka noqoteen macnii, madasha reer ahae

Midab quruxsan maanqaad, hablaha loo mashxaradaayo

Mahad eebe weeyee kuwaas, medeneheen jooga

Malkadii berbera iyo kuwaas, herer mushaaxaaya

Ama maakhir kaas sare jira, malab togdheerteena

Bal inay wax maarayn karaan, uga muraadyeelo

Afartaas macneeyaye waxaan, uga maqaan qaaday

Inantaas maraykan iyo yurub, kala min waaraysa

Hadaan qaadikuu meherin oo, midig laguu saarin

Waakuu muraadli i waxaad, ugumuctaadaa.

Hadiise aad mirtii dhexe hurdada, muxibo heesayso

Mawjadiyo hadaad kala dhex mari, togag mareenola,

Masaluhu halkuu kaala bixi, waa maqaan furan

Afartaas macneeyaye waxaan uga maqaan qaatay

fahmo ali midhkii aylahayd, muhin dis keediidheh

Maluugtiyo maslaxa ay itidhi, mahad naqeedii dheh

Mushkul dhacana waa laga hadlaa, maaranaa jira,e

Marxal baa lakeenaa arladan, meel adjoogtana e

Muskii, ooda geedkii riyii, laguma mayraco e

Mugdigii kabexe dumarhadii, aad wax moog tahaye.

Madaxbaa lawada raadiyaa, iyo meelahaa sare,e

Maqaankii hargaysaba la arag, mudh u baxeenii.

Afartaas,macneeyaye waxaan ,uga maqaan qaatay

Oo aan ku soo meeriyay, kuna mareegeeyey

Sagal Ali  USA

sagal010@hotmail.Com

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top