Suugaanta

Ragu dumarka kama maarmi karo gabay ay tirisay Fahmo Cali

London(saraarnews) Anigoo ah fahma cali waxayna ku darsanaysaa gabaydii dhex marayey Maxamed Haldeeq

iyo Mubarak qoorubaxay, Waxana la yidhaahaa Ragu dumarka kama maarmi karo .

 

 Sagaleey waloow aan mar hore heesta kugu maagay

Oo aanan sheekadan masraxa maad ka dhiganaynin

Maaweelo waa wada rabnaa Maadi dheer tahaye

Ha yeeshee Muhiib taan ahayn way masaxantaaye

 

Anigoo masaladaad dhigtay madasha soo gaadhay

Dumarkii rag kama maarmi karo waa u mahuraane

Maqsuud baan ka joogaa sidaa Manta uu yahay

Ha yeeshee mid wayn baa jirto cidina moogayne

 

Raguna dumarka kama maarmi karo Malin keligeed

Midigta iyo bidixbaynu nahay laba mataanood

Muxibada jacaylkuna dad waa u mara dhaam

Qofba Malin buu soo maraa Madaxa goostaa

 

Nimankaa madluunkee cishqiga miranayee haysto

Intaynaan muducigaa iyaga kiiska kuba moosin

Mid filkeena waa kuwaa muhdaye dhebaya magacoode

Adigaa maraykaan ku nool maxamed tiisiiye

Hadii Manta soo baafisoo doonto magaceeda

Marxab buu ku odhanlaa ninkaa uu jacayl Miraye

Ma u raadin tuu calmaday waa miduu rabaye

 

Mudanaha kalow adigu waad kala macnaysaaye

Sida aad u kala muujisey waa ku soo maraye

Jacaylka macalinkiisaad tahee adigu taad Mooday

 

Magaceeda uun baan maqliyo muxibo yaasmiine

Magaaladay ku nooshay bal Sheeg meesha laga doono.

Bal mubaarigoow noo cadee minanka ay joogto.

 

Fahma Cali

UK

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top