Suugaanta

Mulaax waxa tiriyey Abwaan Maxamed Aw Cali cartan

Hydrabad(saraarnews) Gabaygan la yidhaahdo (MULLAAX) waxa curiyay abwaan Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq) 24/11/06 waxana uu ugu jawaabayaa gabayada ay soo tiyiyeen Mubaarak Maxamed Nuur iyo Sagal Cali dhinaca kalena wax dareen siinaya Fahmo Cali, isaga oo sadexdaba u faahfaahinaya sida uu ugu heellan inay wax kala qabtaan caashaqiisa dibboodka ah waxa uu yidhi:-

Murti dhigan maansooyin gabay, araro soo maaxda

Waxaad mariseen hawraar mugliyo, qaar magayna ahe

Mubaarig iyo midhii Sagal kolkaan, Fahamo miisaamay

Maahmaaho culus baad dhigteen, tixiyo maadayse

Meeshii I habaysaad muddeen, mililku daaraaye

Muxubada hadduun baan ka daray, muhasho laysaarye

Halkay miratay xididkay martaa, maaxay xanaftiiye

Madaxayga beerkiyo muc dii, bay mussuusuqaye

Miciyaha boggii heen wadnuhu, way matakhayaaye

Madi naasleh matuuxada dhashay, mudanta geelayga

Anuguna mullaax baan godlaye, madhiya weelkeeda

 

Afartaa magguuraan kalgacal, muhindiskeedii dheh

Murtidii hufnayd iyo tixii, muxubo heellood dheh

Miilo loo kaftamo iyo xariir, goliyo maahmaah dheh

Suugaan mug wayn iyo xaraar, aan la soo marin dheh

Mawjadaa badwayntiyo cirkoo, mayayay waagii dheh

Midhii layga sugayiyo abwaan, riday mahiigaan dheh

Cayn oo maaxanaysiyo mataan, aan la madhinayn dheh

Hindisii Mubaarig iyo Fahma, Sagal ku maamuus dheh

Dadwaynaha maqlaayiyo bulshada, midho ku sooryayn dheh

Gabay dunida maansheeya iyo, maqashin waayeel dheh

Muraad sheegad kaygiyo cishqiga, meel u dayidii dheh

Mullaaxoon godlaayiyo tixaan, maag ka imanayn dheh

Midho kalena waan soo wadaa, mar ila haaneeda

 

Cirkoo maaxday bari dhool ka mudhay, sagal mirtii hooray

Mayay bururay waqal lagu dhex milay, heego midabaysay

Miiraale reemay iyo hillaac, walalacdii muuqday

Mahiigaan onkodiyo daruur, dhibicdu maansaysay

Cawaalaha ku miishmiishtiyo, fadad ku meexantay

Dirirkoo maggaabay iyo gu`goo, dunida maansheeyey

Dhulka muunadiisiyo indhaha, milicsi raacraaca

Barwaaqada la maaliyo dadkoo, mahad Illaah sheegtay

Midhaa kaynta marooriyo callaan, ubax mankays jiidhay

Madal rays leh dharab mayl ka hira, daadka maray jeexa

Yabaq madaw geediyo magool, midab kun nooc sheegtay

Baliga iyo moqorada xareed, meelkastaaba buuxshay

Maalka dararay mullaax oo dhashoo, maqasha riixaysa

Mudo nabada bariisada macaan, maal barqamintooda

Maalmo sheegan bulshadoo martida, madi ku sooraysa

Mawliidka iyo wadaadkoo digriga, mariya tawxiidka

Mirta dhexe barbaartoo wiglada, tumaysa miisaanka

Sacabkiyo mashxaradoo la miray, min iyo waa ooga

Sidoodaa muraaqiyo xabbiib, laygu maray wayne

Ana maanta jacaylkay mutiyo, muxubaday qaaday

Milgo iyo xassuustuba aniga, way makalayaane

Caashaqeeda maaxdiyo kalgacal, waa I mayracaye

Hayeeshee wanaagiis ma mudan, waa I maanacaye

Intaan minanka joognaye dhukii, wada mushaaxaynay

Intii aan maqaamkiyo dalkii, wada masloonaynay

Inaan meher ku taagiyo inaan, madasha geel dhoobo

Inaan midigta saaray ahayd, kuna maduuraaye

Midh I seegay weeyiyo midaan, mooganaan jiraye

Maan lahayn meel kaluu cishqigu, shiikhoow kaamariye

Maan lahayn miig baa u iman, raacaysaa muniye

Maan lahayn is waa baydin maqan, maalin kala guure

Maan lahayn maqiiqaydin heli, maydal aan nixine

Maan lahayn iblays baydin mari, magane shaydaane

Maan lahayn masaalkii Xaawiyo, Aadan baad mudane

Maan lahayn mashriiq iyo maqriib, baydin mayracane

Hayeeshee maxfuudkaa qoraal, mawlaheen dhigaye

Haddii aad wax maarayn kartaan, hay masuugina

 

Afartaa magguuraan kalgacal, muhindiskeedii dheh

Murtidii hufnayd iyo tixii, muxubo heellood dheh

Miilo loo kaftamo iyo xariir, goliyo maahmaah dheh

Suugaan mug wayn iyo xaraar, aan la soo marin dheh

Mawjadaa badwayntiyo cirkoo, mayayay waagii dheh

Midhii layga sugayiyo abwaan, riday mahiigaan dheh

Cayn oo maaxanaysiyo mataan, aan la madhinayn dheh

Hindisii Mubaarig iyo Fahma, Sagal ku maamuus dheh

Dadwaynaha maqlaayiyo bulshada, midho ku sooryayn dheh

Gabay dunida maansheeya iyo, maqashin waayeel dheh

Muraad sheegad kaygiyo cishqiga, meel u dayidii dheh

Mullaaxoon godlaayiyo tixaan, maag ka imanayn dheh

Midho kalena waan soo wadaa, mar ila haaneeda

 

 

Maqaaladii daboolaa runtaan, idin muhiimsiine

Inantaan mudo aan yarayn, caashaq wada maalay

Inantaan miliilica ku idhi, way mulkiday ruuxda

Inantaan mirtii dhexe hurdada, midigta haabhaabtay

Inantaan malaysiga ku kacay, muna arooskeeda

Mar mar qaar inantaan riyada, kula mushaarooday

Inantaan midh laylkii dhadhabay, una milgooy yeedhay

Maskaxdiyo dareen kaba yartii, miratay laabtayda

Inatii I maanshaysay ee, maanku daba rooray

Maalin keliya yartaan may I odhan, meela igu diidin

Maalin keliya inantaan maqnaan, balana moogaanin

Maalin keliya muran iyo jikaar, taan I maqashiini

Maalin keliya been iyo mukuris, igula soo meerin

Qaabilaada mudan iyo yartii, garasho maamuuska

Musalsalinta sheekada yartaan, wada mushaashoonay

Marxabaynta inantii lahayd, ama macaanaynta

Marka aan mulaaq nahay markaan, milic ku soo daalo

Marka aan murkucanahay markuu, murugyay xaalkaygu

Waxa iga maroorsamay yartii, mayl ka garanaysay

Maan dheeri qaaliya yartii, Rabi ku maan sheeyay

Marna kama maqnaatoo qalbiga, waa ku shay mudane

Ma hilmaami karayoo naftani, way u muhataaye

Meded ereyadeedaan ruxmaa, marar xassuustaaye

Marba waxan muraaqoonayaa, midab san keediiye

Iyadoon iga maarmin oo, meher waydaarin

Ama mawdka geeridu makalin, iilna lagu moosin

Wax inaan mulaashiyo inaan, meelo kale jiidho

Maaha inaan maqiiqmoo degdego, jeexo buur madawe

Ma muctaadi karayoo axdigu, waa midh qarawayne

Tol macaan iyo haddii aad tihiin, loo masalo sheegte

Magayniyo haddii aad tihiin, magan xigaal soora

Sahan maqan iyo haddii aad tihiin, mudan la saadaasho

Idinkoon maddiidana ku xidhin, amanse maandoorin

Mahuraan haddii aad tihiin, wax ila maareeya

Ama miig u raacoo ku taga, madasha ay joogto

Ama Maanasooto iyo reerahaa, degan maraykaanka

Ama maanta wararkawga dhaca, ama u maansooda

Ama muna waraaqaha u dira, maylka ugu tuura

Ama maalka joogiyo hantida, mariya geeleena

Ama madaxda reedkood u taga, marada shaal saara

Ama mudane weeyee aabeheed, Maxamed doondoona

Ama laba masaalixa u dira, amaw macaaneeya

Marbay tidhi dawaan kuu macnayn, maansadii hore e

Ama Sagal u muuneeya oo, miiga lala saara

Ama magane Fahmiyo dar kale, maalin wada noolya

Ama maya ha keeneen, ama midkood haaye

Ama maandhe Mubaarigoow u dhoof, tigidhna meelayso

Ama anaa u muudiye wadada, midigta ii saara

U maleegta hawshaydu waa, mur iyo daybaaqe

Maalmaan idin dhawrayaa, talo miduun keena.

Dhammaad.

Maxamed Aw Cali Cartan (Haldeeq)

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top