Suugaanta

Samirka muunayso Gabay uu tiriyey Abwaan Mubarak Qoorubaxay

Sweden(saraarnews)Tixdan gabayga waxay jawaab u tahay gabaygii Mulaax u dambeeyey ee uu soo tiriyey Maxamed aw Cali Cartan, Waxaa tiriyey Mubaarak Maxamed Nuur (qoorubaxay),waxayna soo baxday 25/11/2006.

Macna durugsan geeraar milgo leh tuducyo miisaaman
Gabaygaan mar iyo laba lahaa Ararta muuneeya
gabaygaan  maggaabada cishqiga ugu muquuraayey
Majiiraha naxwii wuu durkoo noqoyey maashaaye
Marqa furay intii aan lahaa tixaha meeleeye,
Madi noo irmaan buu noqdiyo miilalyada ceel

Intaan Maxamed deeqoow murtida kala minwaaraynay
Intii aynu maadaha jacayl muxibo heesaynay
Inkastoo mildhaadhiga dhul kale la iga soo maagay
Waloow reero kale iyo muskood moosin iga hawlay
Oo inaan Madaafiic rakibo la i malaynaayo
Milaygeedi bay taagantoo kama maqnaadeene
Aniguna midhkaan odhan Lahaa waw mudh baxayaa

Wuxu yidhi miliilica jacayl lagula soo maagye
Murugada kalgacalkii ku baday maqalay dhawr goore
Manaxaanka caashaqa sidaad ula madluumaysay
Muhashada markii uu ku helay noqotay maahmaahe
Aniguna xanuunkaan mutiyo mahadhaduu reebay
Wixii aan ka soo maray tilmaan muunadlaan dhigaye
Mareegahaba waa kaa ku qoran maalin iyo leyle
Inuu xaal macruuf yahay ayaan muran ka taagnayne
Masaftaynu wada saaranahay mari badweyn taase,

Hayeeshee Makaawaha jacayl meeris iyo sheeko
In mariid mariid kale ka dhayo maanta wa u koowe
Inkastaan qof meeli u cadahay maya dawyanaynin
Inkastaanu maaweelo kale doonin madaxiisu
Adna maluhu kaa taagan yahay Muna halay doono
Milgo adiga oon helin haddii taladu moodowday
Maarboba mataan xaajadii kula madoobaatay
Muraadkaagu sida uu noqdaba waanu mudacyayne
Ha mutuxin warkoo miiran baa lagu mihiibsiine

Afartaa Maluugaha kalgacal moora uga baadh dhe
Qalbi mudan mataantii ka maqan muhashadiisii dheh
Mahuraanka caashaqa Cilmaa lagu mataashaa dheh
Rag kaluu maraan maray beryahan milayga koodii dheh
Tixdaad marisay maansada midhkii kaga haboonaa dheh

Muudaaga aarkuba mudduu debeda meeraaye
Maroodiguba qalanjada beryuu ayda ka mirtaaye
Maroor wayne awrkaa halaa laga maqneeyaaye,

Haddii aad masaafayn lahayd meeshu halis weeye
Madheedh dhabar garaacii ushii looga mayi maayo
Haddii aad madiidayn lahayd diinta laga maanac
Haddii aad maxkamad geyn lahayn meher kumaad jiidin
Maqbuul iyo gudoonkii ma dhicin maragna muu joogin
Maya iyo marnaba haa iyana kuula muhan wayday
Adigiina maankiyo caqligu damacyey muuqeeda
Samir inaad u meelaysatana kula mudnaan weyday,

Marwo udugle qurux iyo marwaad lagu malxiisaamay
Magaaladii Burciyo reer togdheer Mudantidii oosha
Mid inaad kasoo qaayibtoo aqal laguu Muujo
Midigtaad ka soo taagatoo nagala meermeertay

Mawlaha ilaahee isagu xaalka kala miira
Arimaha macbuudka leh intaad marinsan waydiiso
Masjidka istaqfaarada intaad ula muraadooto
Nafta waxaad ku maradhaamisaa taloba meesheede
Inuu maanku kuu yara degaa ama mastuurnaado
La madluunka caashaqa ayay magaca dhaantaaye.
Inta xaalku kala miirmayuun Samirka Muunayso.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top