Suugaanta

Dardhad (gabayga 14’aad ee silsilada gabayad tahriibka) waxa tiriyey Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Haldeeq

CartanGODOBTU WAA DAYN
Gabaygan la yidhaahdo “DARDHAD” waxa curiyay Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Haldeeq 14.04.2016, wuxu gabaygani daba socdaa, silsilladda gabayda “DIGNIIN CULUS” ee ka hadlaysa dhibaatada Tahriibka, Tahriibka, iyo ubaxeenna Badaha iyo Saxaraha ku dhammaanaya waxa ka masuula dhammaan Bulshada, Hoggaanka, shacabka, Dhakhaatiirta, Tijaarta, Haweenka, Qurbajoogta iyo xataa labada waalid ee da’yartan dhalay, waayo, bulshadeenna ayaa u qurxisa u qiimo gelisa, dhoofka, loomana tilmaamin sida loo dhoofo, iyo wuxu dhoofku yahay midna wuxu ku bilaabay sidan:-

Warka Deeqa dabuubtiyo murtidan, rag isku soo daysay
Waa dood habbooniyo aqoon, laga dab qaataaye
Dan baa tidhiye maantana inaan, deexdo maanrabine
Aan daleeyo maansada hadday, igu danqaabeene

Dadkii hore wuxuu yidhi murtida, duugga laga reebay
Dusha sare digtoor milil ka dhayay, malaha daawayne
Weli doogta may odhan dadkani, hoos ha loo dayo e

Duumaale baahiyo illaa, dura markaad eegto
May diran aqoon iyo garaad, daadahayn kara e
Duqa reerka digtoor iyo tijaar, dawlad iyo kooxo
Dumarkiyo raggoodiyo barbaar, daalibkiyo shiikha
Kulligood darsoonkay heshiis, daawo geliyeene
Xeerkiyo dastuurkay ku taal, doogta shidaysaaye

Haddaad dabar go’aagiyo adigu, dacarta beerayso
Denbiigaad abuurteen hadduu, daalac kugu keenay
Dakanada waxaad geysataba, waad danbarisaaye
U dulqaado adaa dawga furay, diirtay noloshiiye

Dirir gaaxday haddii roobka da’ay, doollo ka hillaaco
Degmedii ku guurtiyo hadduu, sahanku doog sheego
Dalandoolka geeddiga haddii, talada loo daasto
Duqaydiyo xidaarshuhu hadduu, rarada duuduubto
Haddii lagu dareeroo nin tegey, dib u habaar tuuray
Daran iyo barwaaqiyo hadduu, naq iyo doog gaadhay

Ninkastoo halkaa degey hadduu, mahadsho doolkiisa
Daadduunka caydheed hadduu, duni ka xoolaystay
Daalkiyo yaf-yaafkiyo haddii, diiftii lagu reeebay
Dacaskiyo abaartii haddaad, shalay ka soo doogtay

Kii dorraato dhoofaye guryaha, dib ugu soo laabta
Haddii doolka ruuxii ka yimi, derejo gaadhaayo
Haddii nolosha dookhuu ka rabo, loo danbarinaayo
Oo aroos la daahiyo xariir , demesh la saaraayo
Oo lagu dabbaal baray qofkii, Yurub ka soo duulay
Oo diyaafad loo dhigay xaflado, laysu daba joojay
Oo madax diraysliyo salaan, laga durduursiiyay
Oo shaqo diyaariyo kuraas, dabaqa loo saaray
Waa doogsin raac oo degmedu, waysku dayataaye

Dariiqaad astaysiyo halkaad, Deeqa uga baaqday
Durbaankaad tumaysaa halkuu, nooga dananaayo
Da’yartiyo barbaartii halkaad, doogga ugu sheegtay
Doolkan daramalkaagii ku kacay, dunidaad uugaysay
Aday kugu daydeen oo adaa, daasadaw tumaye
Maanta ahaw dardaar werin adaa, soo dareersadaye

Debeddaad ammaantiyo qurbahad, adigu door moodday
Haddaad degesheteennoo waqaa, dib uga soo guurin
Damaac aa hagaayee hadday, Deeqi ku hawootay
Waxay Daw u leedahay filkeed, waxay daneeyeene
Daartaad soo binaysiyo hantidan, adiga kuu duugan
Dayrkayga waardiye ka noqo, hana dareen yeelan
Denbi ma leh hadday diiddan tahay, Awrta ii dabare

Kaad ka dirirtay dulmigiyo dhibkoo, dabaqyo leegaaday
Dulinkiyo qaniinkaad ogayd, bay dalooshadaye
Dakharradii qabiilkiyo dhibkii, wuu ka sii daraye
Dadka iyo naftaadaba halkaad, duusho uga saaratay
Dalka tawga dhooftaye adiga, debedda kuu saaray
Dabkii aad ka guurtaa ku shidan, nololla loo diidye
Maxaad Deeqa keligeed u dagi, godobtu waa dayne?

Afartaa daliigaha gartiyo, hal iyo daw sheeg dheh
Dhaglas dayradiisiyo tixduu, Deeqa kaga seexday
Iyo dalabta sheekada dul taal, diicadiyo tuurta
Haddii aan ku daadego haddaan, ararta deeqsiiyo
Denbi loo gudboonyahay markuu, deday intuu gaystay
Dedefeeyey maansada halkuu, degay shaxdiisiiye
Dib u noqo dheh halkay doogtu taal, hays dhan diidina e

Waxan uga dan leeyahay haddaan, daynka kugu mooso
Inta aad u dooddiyo intaad, doorkii hore qaadday
Intaad daadguraysaa ka badan, adhi dammaankiiye
Inta darayo haysana haddaad, soo dalabanaysaaye
Maxaad Deeqa keligeed u dagi, godobtu waa dayne?

Docda kale dellaa Qoor u Baxay, midhaan ku diidaayo
Godka aad ka duulayso iyo, doodda midhahaagu
Dar Illaahay waa gare midhkaa, daw u maad lihide
Dakharkaygu yaal baad rabtaa, inaad danqaabtaaye
Dib u noqo halkay doogtu taal, hays dhan diidina e

Afartaa daleeyaye haddaan, arartan soo duubo
Da’yartiyo barbaartaan murtida, weel u darayaaye

Dadka hooyadaayoo u mudan, kuguna soo daashay
Duruufaha xanuunka leh waxay, kaa dugsiday baahi
Intay dihashadaadii calool, diirran kugu haysay
Naaska dararay caanaha intay, Kuu danbarisay
Dusha intay ku saartiyo intay, adhaxdu kuu daashay
Dalan baabi gaajiyo intaad, nabar ku doogaysay
Diif iyo ragaad badan markuu, duubay hilibkeeda
Daal dhamaysadkeediyo markuu, degey korriinkaagu
Naxariista daymada markay, damacday xooggaaga
Qalbi kuu dalooliyo kashuu, dhibay dareenkaagu
Ha dul dhigin darsoonkii ku yiil, oog ka sii darane
Ilmo ayska duugtiyo baroor, hawgu sii darine

Jidhka oo dubaaxshiyo hadduu, duunku ledi waayo
Gelin ay dakaantoo wadnuhu, dookhad gelinaayo
Dab ka kulul ilmaday daadisaa, duhur dharaareede
Dacar iyo dhunkaal iyo ka adag, mur iyo daybaaqe
Filkeed haw dullaynina inay, soo dewerataaye
Ka daa damqa Hooyo wuu dilaa, beer dardhanayaaye!!!.

Dhammaad.
Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Haldeeq”
Hargeysa Somaliland
Haldeeq1@gmail.com
0634194095

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top