Wararka

Xusuuso: Waxqabadkii wasiir Cali Mareexaan markuu Xildhibaanka Baarlamaanka ahaa.

 

mareexaan1
Xildhibaan Cali Mareexaan Oo Saldhig Boolis Iyo Gaadhi Surf Ah Ugu Deeqay Magaalada Shansha-Cadde Oo Ka Mid Ah Deegaamada Hoos Yimaada Degmada Qorilugud Ee Gobolka Togdheer.
Aug 15 2014

Burco(saraarnews) Xildhiban Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) Oo ka Mid Ah Xildhibanada Golaha Wakiilada Ee Somaliland Isla Markaasna Ka Mid Ahaa Xildhibaanadii Xisbiga Kulmiye Uga Soo Baxay Gobolka Togdheer Ayaa Maanta Ku Wareejiyey Maamulka Magaalada Shansha-Cade Oo Ka Mid Ah Deegaamada Hoos Yimaada Degmada Qorilugud Ee Gobolka Togdheer Saldhig Boolis Iyo Gaadhi Surf Ah Oo Uu Xildhibaanku Ugu Tallo Galay In Ay Ku Hawl Galaan Ciidamada Booliska Somaliland Ee Deegaankaasi Ka Hawl Gala.

Xildhibaanka Oo Halkaas Safar Shaqo Ku Tegey Ayaa Waxaa Safarkiisa Ku Wehelinaayey, Guddoomiye Ku-Xigeenka Gobolka Togdheer Md. Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubaxle, Maayirka Degmada Burco Ustaad Maxamed Yuusuf Cabdi Muraad Iyo Taliyaha Qaybta Booliska Ee Gobolka Togdheer Gashaanle Cabdi Muuse Cabdillaahi.
Weftiga Xildhibaanka Ayaa Waxa Halkaasi Si Diiran Ugu Soo Dhaweeyey Maamulka Degmada Shansha-Cadde, Cuqaasha, Waxgaradka Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Byulshada Deegaankaasi Ku Dhaqan, Iyada Oo Halkaasi Lagu Qabtay Xaflad Si Heer Sare Ah Loo Soo Agaasimey Oo Loo Sameeyey Wareejinta Mashaariicdan Kala Duwan Ee Uu Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), Deegaankaas Ka Hirgeliyey. Iyada Oo Aanay Ahayn Markii Koowaad Ee Uu Xidhibaanku Mashaariic Nooc Oo Kale Ah Ka Hirgeliyo Deegaanada Hoos Yimaada GobolkaTogdheer.

 

http://ictiraafnews.com/wp-content/uploads/2014/08/S6040350.jpg

S6040503

http://ictiraafnews.com/wp-content/uploads/2014/08/S6040352.jpg

http://ictiraafnews.com/wp-content/uploads/2014/08/S6040292.jpg
http://ictiraafnews.com/wp-content/uploads/2014/08/S6040318.jpg
Xildhibaan Cali Mareexaan oo Booyado Biyo Ah Gaadhsiiyay Degmada Qorilugud

2nd October 2015

XILDHIBAAN CALI MAREEXAAN OO GAADHI KU WAREEJIYAY DEGMADA QORILUGUD. …….
July 1st, 2015

Hargaysa(saraarnews) Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa Maanta Gaadhi Seeraf Ah ku wareejiyay Deegaanka Qorilugud oo baahi Wayn u qayb Gaadhiga Sida uu Xildhibaanku sheegay.

Xaflada Loo qabtay Wareejinta Gaadhiga ayaa waxa ka soo qayb Galay,Wasiirku ku xigeenka Arimaha Gudaha,Badhasaabka Gobolka Togdheer,Guddoomiyaha degmada qorilugud iyo Masuuliyiin Kale.

XIldhibaanka ayaa sheegay baahida looqabay Gaadhigani in ay ku soo wargaliyeen Maamulka Degmadu in Gaadhi La’aani ay hayso taasina ay keentay xildhibaanku in gaadhigan u soo iibiyo.Waxaana uu xildhibaanku Rajo wacan ka muujiyay

in gaadhigaas sidii loogu talo galay loogu shaqayn Doono baahid badan oo xaga amaanka ah ka kafayn Doono Deegaanka waxaana uu yidhi.

“Halkan Maanta waxa aynu iskugu Nimid degmada Qorilugud Sidii aan ugu wareejin lahayn Gaadhiga Seerafta Ah ee Halkan Yaala,Halkan waxa ku sugan oonu ku wareejin Doonaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha,Badhasaabkii Gobolka,Dagmadan Qorilugud oo Ah dagmo Balaadhan baahi badana u qabta Gaadhigan siday ii shegeen maamulka Degmadu iyo odayaashuba inaanay haysan Dagmadu gaadhi,waxaanan ka hawl galay sidii aan gaadhigaas ugu soo iibin lahaa waanan isku hawlay.Intaas waxa uu ku daray Xildhibaan Cali mareexaan oo Hadalkiisa Siiwata waxaana uu yidhi.”waxaan ku rajo waynahay inuu Si wanaagsan ugaga Hawl Galo Arimaha Halkaas ka taagan haday noqoto Xaga Amniga iyo Hawlaha Maamulkiisaba isku xidhka in ay u fududayso ayaan ku Rajo waynahay,waxaanan Qabaa in Gaadhigani Baahida Gobolka wax wayn ka tari Doono.

Xildhibaanka Ayaa inta Badan Hawla Dagmada Qorilugud iyo Baahiya ka taagan u kuur gala kaas oo hadba Dhanka Ay ka tabayaan Ka caawiya isaga oo Seeraftan uu hada ku wareejiyay Aanay noqon Doonin Agabkii Am Adeegii ugu horeeyay ee uu ku wareejiyo Dagmadan,waxaana uu Furaha Gaadhiga ku wareejiyay Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha somaliland.Axmed Cadare oo kala wareegay Xildhibaanka Furaha Gaadhiga ayaa isna waxa uu ku wareejiyay Badhasaabka Gobolka Togdheer waxaana uu ku nuux-nuuxsaday waxqabadka joogtada ah ee Xildhibaanku lagarab taagan yahay markasta degmada uu ka soo jeedo xildhibaan ahaan laga soo doortay waxaana uu yidhi.

“Xildhibaankani maaha markii Koobaad ee deeq noocan oo kalaa ah ku wareejiyo deegaanka uu ka soo baxay am ka soo jeedo,waxaanan leenahay xildhibaanka waanu kaa gudoonay gaadhiga halka aad ka soo saartayna ilaahay wax kale hakuugu badlo ayaan odhan lahaa,Aad ayaan ula xidhiidhaa degmada waa meel xasaasi ah,ka wasaarad Ahaan waxa nagu waajib ah inaanu kaalin tayada wax ka qabano gobolada oo badan awgood,waxaaba naga soo gaadhay xildhibaanka.Wasiir Axmed Cadare ayaa ku nuux-nuuxsaday waxqabadka aan indhaha laga leexin Karin ee Xildhibaanku ka fuliyay degmada inuu yahay mid uu mutaystay in lagu amaano isaga oo furaha gaadhiga ku wareejiyay badhasaabka Gobolka Burco.Maxamed muuse Diiriye badhasaabka Gobolka Togdheer ayaa ka shekeeyay Baahida Degmadu u qabtay Gaadhigan iyo Sida uu Xildhibaanku Markasta Doorka muuqda uga Ciyaaray inuu Kafeeyo Baahida ay qabaan Dadkii Soo doortay waxaana uu yidhi.

“Aad ayaan ugu faraxsanay inuu maanta Xildhibaanku Degmada oo gaadhi tabaysay ku wareejiyo,Mudo Badan degmadu bilaa gaadhi ayay ahayd iyada oo meel xasaasi ahna ku tala,Maahana markii koobaad ee dagmada oo kalaa sidan u siiyo gaadhi waa markii shanaad am Afaraad,waa nin kaalintiisa ka soo baxay waa nin dadkii doortay wax ku celiyay waa nin ogo xaaladoodu siday tahay waa nin ogo hadba xaalkoodu halka uu marayo,halkaas kasii wada oo ka hadhin.Guddoomiyaha Gobolka Qorilugud ayaa isna badhasaabka Gobolka Togdheerna Kala wareegay Furaha Gaadhiga isaga oo wajigiisa ka Muuqato Farxad aan lasoo Koobi Karin oo baahida gaadhiga u haysay ay sababtay in hawlo badan oo maamulku qaban lahaa ay istageen sida uu cadeeyay guddoomiyaha dagmada oo ka maro kacay waxqabadka baaxada leh ee uu markasta lagarab taagan yahay Xildhibaan Cali Mareexaan oo ku sifeeyay Xildhibaan Kaalinta uu Degmada ku lahaa Muujiyay Kasbadayna Dadkii Doortay.”Baahi wayn ayaanu,gaadhi la’aan ayaa inbadan nahaysay,Xalaad Ada goo Duurafa Ah ayaa nahaystay oo Sugida Amnigu ka Kow tahay,Tana tiikoobaad noomaa Aha ee waatii Afaraad ee uu degmada ka qabto,Xarunta Dawlada Hoose ayuu noodhisay,Sportiga ayuu naga caawiyay,Saldhigi ayuu noodhisay,ifka Dalacaadaadu way muuqataa aakhirana inaad guulaysto ayaan Rajayn Doonaa.Xildhibaan cali xasan maxamed (cali mareexaan) oo ka Tirsan Xildhibaanada Aqalka Golaha wakiilada somaliland kana Soo jeeda Deegaanka Qorilugud Ayaa markasta ka taakuleeya Degmada Baahiya Ay qabto isaga oo marar Badan ka Fuliyay Hawlo Badan oo Sama Fal Ah.

Xildhibaan Cali Mareexaan oo Gaadhi SURF ah ugu Deeqay Bali-Dhiig
cali mr
Hargeysa (saraarnews) – Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa maanta degmada Bali-dhiig ee gobolka Togdheer ku wareejiyey gaadhi SURF ah oo cusub.Munaasibadda uu Xildhibaan Cali Mareexaan gaadhigan ku wareejiyey, ayaa ka qayb-galay Wasiir ku xigeenka Amniga, Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo Maayarka degmada Bali-dhiig iyo masuuliyiin kale.Cali Mareexaan oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan doonayaa inaan maanta gaadhigan cask u wareejiyo degmada Bali-dhiig oo ka mid ah degmooyinka taariikhda ku leh Somaliland oo aad u dad badan, kana mid ah degmooyinka gobolka Togdheer, oo taariikh ku leh halgankii dalka lagaga xoreeyay Ingiriiska iyo halkii ka dambeeyayba, aad iyo aadbaan ugu faraxsanahay in maanta Maayarkii degmadu ila joogo iyo Wasiirkii Amniga oo aanu ku wareejinayo gaadhigan oo degmada Bali-dhiig leedahay”Maayarka degmada Bali-dhiig oo isna ka guddoomay xildhibaanka gaadhigan oo uu ugu talo-galay degmadaasi, ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyay yidhi “Anniga oo ah Maayarka degmada Bali-dhiig waxaan u mahad-naqayaa xildhibaan Cali Mareexaan oo nagu wareejiyey gaadhi ay leedahay degmadu, aad iyo aad baan ugu mahad-naqayaa, sida uu wasiirku sheegay hore ayuu deegaankaasi wax badan ula qabtay, isagoo ah deegaanku kii laga soo doortay, wax badanna la qabtay”Wasiir ku xigeenka Amiga Somaliland, Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan jecelahay inaan u mahad celiyo xildhibaan Cali Mareexaan oo aanu aaminsanahay wasaarad ahaan iyo bahda amnigaba inuu wax badan nala qabtay, gaadhinna maaha kii koowaad ee uu wasaaradda arrimaha gudaha iyo ciidanka amniga ku soo wareejiyo, waana gaadhigii saddexaad, waxa uu hore gaadiid ugu wareejiyey Qoryaale iyo Dhoqoshay, Sadlhigyo boolis buu dhisay, waxaanu aaminsahaya waa xildhibaan xog-ogaal u ah dadkiisa”Xildhibaan Cali Mareexaan, ayaa hore gaadiid ugu wareejiyey degmooyinka Dhoqoshay Iyo Qoryaale, isaga oo meelo kalena ka hirgaliyey saldhigyo boolis.
Xildhibaan Cali Mareexaan oo Ciidanka Booliska ku wareejiyey Gaadhi Surf ah

0

Tuesday October 30, 2012
Hargeysa(saraarnews)Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta Ciidanka Booliska ku wareejiyey gaadhi noociisu yahay Surf, kaasoo ugu talagalay inay ku hawlgalaan ciidammada bilayska degaanka Dhoqoshay oo ka tirsan Gobolka Togdheer.Xildhibaan Cali Mareexaan ayaa gaadhigan si rasmi ah ugu wareejiyey Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Bilayska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo ku guddoomay xarunta Taliska Guud ee Booliska.Cali Mareexaan oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu gaadhigan ugu wareejiyey, kadib markii uu arkay baahida ciidammada amniga degaanka Dhoqoshay u qabaan gaadhigan si ay ugu hawlgalaan, sidoo kalena uu maqlay codsiyo badan oo ka yimi saraakiisha degaankaas oo ku dhaw meel xuduuda.Taliye-ku-xigeenka Bilayska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo isna markii uu gaadhigan guddoomay ka hadlay, ayaa u mahadceliyey Xildhibaan Cali Mareexaan oo uu sheegay inuu mar walba taageero la garab istaago ciidammada bilayska, isagoo sheegay inuu hore gaadhi noocan oo kale ah ugu wareejiyey ciidammada bilayska degaanka Qoryaale.
Masuuliyiin, salaadiin iyo Guddoomiyaha degaanka Dhoqoshay ayaa iyaguna sheegay in xildhibaannada la soo doortayna ay wax dib ugu celiyaan degaannada laga soo doortay. maaha markii u horeysay ee xildhibaanku gaadiid gudoonsiiyo ciidamada policeka somaliland.

 

La soco qaybta labaad.

Xigasho : KNN.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top