Articles

Hees cusub: Kalgacayl tisqaaday Codkii Nimco degan Erayadii Mubarak qoorubaxay

Hees: Kalgacayl tisqaaday
Erayada: Mubarak Qoorubaxay
Laxanka: Aadan Karoone.
Music: Maxamed Bulshaawi
Codka : NImco Degan
———————————–
1-
Inanyohow Tin iyo Cidhib
Jacayl igu Talaalee
Qalbigaygu Tebayaa

Taxanihiyo maalmaha
Maxaan kuugu taamaa.

Toban jeer habeenkii
Maxaan kuugu toosaa?
Xusuus aan tirmayniyo
Riyo Kuugu toydaa

Kalgacayl Tisqaadiyo
Xubiga tarmaayee
Aan tabaabulshoonee
Iga tiiri caashaqu
Tabantaabis weeyee.

2-
Inanyohow tilmaansaday
Eray kiisa toolmoon
Iyo teedka raganimo.

Maxaa tawsta caashaqa
Naftu kuugu turataa

Markaan Taako riixaba
Anigoon tusmayn weli
Maxaa talada taydii
Taada ugu negaataa?

Kalgacayl Tisqaadiyo
Xubigaa tarmaayee
Aan tabaabulshoonee
Iga tiiri caashaqu
Tabantaabis weeyee

degan

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top