Articles

Maynu tijaabino awooda Somaliland oo mid ah. Qallinkii Muna Casayr Jaamac, France.

Marka ay yimaadaan Aafooyinka dabiiciga ahi waxa ugu horeeya Ee la Sameeyaa waa (Mitigation) Oo ah Dhimida ama yaraynta Saamaynta Aafadaasi, Hadaba Waxa dhawaan tagay Deegaanada Abaartu Dhibaataysay Wafti Xaqiiqo Raadin ah, wax wanaagsan bay sameeyeen, Nasiib wanaagna wakhtigaa may jirin dhimasho Dad, mid xoolaad mooyaane waxay ahayd fursad lagu yarayn kari lahaa saamaynta Abaarta islamarkaana lagu badbaadin karayey alle ayaa wax badbaadiyee nolosha dadka, balse waxay u muuqataa in sidii ugu haboonayd aan loo wajihin Abaartan tusaale ahaan hadaan isku dayo sida aan isleeyahay way ku wacnaan lahayd in loo mareeyo isla hadana loo dabaqabatayn karo.

1-inaga oo awoodeena ka duulayna, waxa la samay karaa in 3 ilaa 4 zone la isugu keeno dadka ku baahsan deenada abaartu ku habsatay, halkaasna si ku meel gaadh ah loogu deegaameeyo oo loo sameeyo Buulal,Teendhooyin, iyo iwm. Suaasha aad i waydiin lahayd ee ah Maxaa lagu soo gurayaa dadka? aan ka sii jawaabo, Waxa lagu gurayaa gaadiidka Ganacsatada , Dawlada Iyo dadwaynaha.

2-in la hawl galiyo dhamaan booyadaha biyo dhaanka ee gobalka ugu dhaw, kaas oo qiyaastii noqon kara gobolka togdheer, isla markaana biyo dhaan loo sameeyo 3dii cisho ama 4 cisho ba mar.
3- kharashka intaa leeg ma awoodno hadaad odhan lahayd, Waynu awoodnaa hadaan u midowno dawlad, xisbiyo, ganacsato iyo hayadaha dalka jooga ee lacagta badan ku bixiya maalmaha, farxalka, haweenka , caruurta iyo iwm.

way ina caawin lahayd hadii Dawladu u qori lahayd warqad ah in dalku ku jiro xaalad adag isla markaana ay lagama maarmaan tahay inay qaybtooda ka qaataan. Maynu tijaabino Awooda Somaliland oo ;id ah inay xal u hesho dadkeeda haraad ka u dhimanaya inta alle keenayo Raxmadiisa. Alle ha ina qaboojiyo Abaarta dalkeenana ha barwaaqeeyo

Qallinkii Muna Asayr Jama, Paris France

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top