Xuskii 18 May ee Goteborg Sweden
Goteborg(saraarnews) xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey Munaasabada 19 guurada Somaliland ee 18 May ayaa 22.05.2010 lagu qabtay Magaalada Goteborg ee wadanka Sweden. Xafladan ayaa dadkii isugu yimi waxay muujinayeen qiimaha ay leedahay maalintaasi 18 may oo ah maalintii shacabka reer somaliland dib ula soo noqdeen madaxbanaanidooda.




Hadaba xafladaas oo ahayd mid ay soo qaban qaabiyeen Gudiga Jaaliyada reer Somaliland ee Magaaladaasi ayaa lagu soo bandhigay Heeso iyo Suugaan Kale oo badan, waxana laga sheekeeyey taariikhda uu soo maray qaranka somaliland.





Fanaaniinta Habeenkaa halkaa sida qiirada leh dadka ugu maaweelisay waxaa ugu horeysay fanaanada caanka ah ee Nimco yaasiin oo ay wehelinayeen fanaaniinta dhalinyarada ah ee reer sweden oo kala ah Muna Heego, Cali Najiib iyo Sadiq Sayga.




Dhinaca Gabayada waxaa goobjoog ahaa Maxamed Gacan oo tix gabay qiimo leh halkaa ka tiriyey habeenkaas, waxaa kale oo dhinaca Jiliinka habeenkaa Madadaalo qiimo leh habeenkaa dadku aad ugu qosleen halkaa ku soo bandhigay, Abwaan Mubarak Qoorubaxay, Siciid X aden iyo Captain Ali dheere oo kala metelayey Xisbiyada Siyaasada ee Somaliland.


waxa kale oo halkaa ka hadlay Gudiga Jaaliyada Somaliland ee Goteborg oo ugu horeeyey Gudoomiyahoodu Gudida Jahliyada Somaliland ee Magaalada Göteborg, Ahmed Abdirahman Abdullahi (Gudoomiye), Elmi Mohamed, Abdirahman Ali Ahmed, Saleeban Abdi Xasan, Ahmed Magan, Mawliid Duaale, Abdisalaan Bayle

Xafladaas ayaa ku soo gebogebowday si nabadgelyo ah.
Daawo sawiradii xafladaasi







































