Ma runbaa in xaabsade bastooladiisa nafta kaga gooyey General Caynaanshe markii la tooganayey

Hargeysa(saraarnews)Sida ay xaqiijinayaan warar xogogaal ahi sanadkii 1996-diina lagu baahiyey wargeyska jamhuuriya cadad soo baxay, oo uu faalo ka diyaariyey weriye Maxamed Bancade oo gobolka togdheer waqtigaa uga soo warami jiray, waxaa la sheegayaa in Dilkii  General mohamed caynaanshe guuleed oo ka tirsana Golihii sare ee Kacaankii Siyaad Bare uu gacantiisa ku fuliyey Ahmed cabdi xaabsade oo ahaa taliye xabsiyeed, isla markaana uu isagu watay ciidamadii toogtey generaal caynaanshe, waxa kale oo la sheegay in markii naftu hore uga bixi weyday general caynaanshe uu Xaabsade intuu bastooladiisa la soo baxay nafta kaga dhameeyey, marxuumkaas.

Hadaba inkasta oo arintaas aanu xaabsade si weyn u beenin ama aanu sheegin inaanu dilkaas ka danbaynin lagu fuliyey nimankaas Madaxda ahaa ee General caynaanshe ka midka ahaa hadana wuxuu qirtay inuu ahaa taliye watay ciidamadii dilka ku fulinayey General caynaanshe , gabayre iyo Cabdulqaadir dheel, isla markaana uu ahaa taliye xabsiyeed ka tirsan ciidamadii asluubta ee somaliya, qasabna ay ku ahayd inuu fuliyo amar kasta oo la siiyo.

Hadaba waxaanu isku deyi doonaa inaanu la xidhiidhno xaabsade si aanu arintas uga xaqiijino.

 

coach outlet | coach factory | coach factory outlet
Be Sociable, Share!