Saraarnews- Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale ayaa la sheegay inuu E-mail qarsoodi ah u diray waddamada Maraykanka iyo Ingiriiska oo ku wargelinayo in diiwaangelinta oo lagu qasbo Somaliland ay keeni karto in beelaha Somaliland ay fidno ka dhex dhaliso, ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidaa u sheegay WARYA TV.
E-mail-kaas oo Cawil xafiiskiisa ka baxay ayaa ilo wareedkaasi xaqiijiyey inay tahay mid carqalad hor leh galin karta doorashada madaxtooyada ee aan weli lagu dhawaaqin waqtigii la qaban lahaa iyadoo immika ay dardar gelinayaan beesha caalamku iyagoo la kaashanaya komishanka qaranka ee Somaliland sidii doorashada sida ugu dhaksaha badan loo qaban lahaa.
E-mailkaas ayaa la sheegay in nuxurkiisu uu ahaa in sawirka kala badnaanta beelaha ee ay bixinayso diiwaangelinta la qaaday ay dhalin karto fidno ka dhex abuuranta beelaha oo suuragelinweyda in doorasho xor ah oo xalaal ah laga qabto waddanka.
Ilo wareedkaasi muu sheegin jawaabta laga bixiyey e-mailkaas.
Ma aha tallaabadan tii ugu horreysay ee noocan oo kale ah ee ay dawladda Daahir Riyaale ee ay muddadeedii dhammaatay ay isku deydo inay carqalad abuurto ay ku hor joogsato qabashada doorashada madaxtooyada. Hadda ka hor wuxuu Riyaale si cad oo badheedh ah oo aan geedna loogu gaban u laalay sharciga diiwaangelinta golaha wakiiladu ansixiyey ee ahaa in doorashada madaxtooyada lagu galo diiwaangelin.
Dawladda ayaa wadda olole ballaadhan oo lagu kicinayo beelaha qaar iyadoo been abuur iyo dacaayad suuqa la geliyey oo ah in la tuuray ama laga masaxay kombiyuutarka tirakoobkii reeraha qaari si loo yareeyo. Caaqiliinta iyo Salaadiinta qaar ayaa la filayaa in la hawl galiyo marka la ogaado waqtiga la qabanayo doorashada madaxtooyada si ay ugu dhawaaqaan inaan beelahoodu galaynin doorashada sababtuna ay tahay iyagoo aan kalsooni ku qaban natiijada diiwaangelinta oo sida la filayo aanay wax badani iska beddelayn.
Dhinaca kale dawladda ayaa wadda olole kale oo ah in xasiloon darro waddanka laga rido si loo carqaladeeyo doorashada madaxtooyada oo Riyaale iyo kooxdiisu ay talda waddanka faraha ugu sii hayaan.
SOURCE : WARYA TV.
Popularity: 1% [?]
You Should Also Check Out This Post:
- Heesaha Ciida: Alla Maanta ayaanta codkii Maxamed S. Tubeec
- Waraysi qaybtii 1'aad Ali Mahdi Hussen xubin Xisbiga Ucid
- Zakat Al-Fitr and Eid By Ahmed Arwo
- Heestii Madax-Weynoow Waa Qalinkii:Abwan Baruud
- Siday Xukuumadda Cusubi Iskaga Caabiyi Doontaa Warmaha Loo Afaysanayo Iyo Mucaaradka Kala Jaadjaadka Ah




