Miinooyin la doonayey in lagu dilo wasiirka maaliyada si Colaad looga dhex rido Habar jeclo iyo Habar yoonis oo fashilmay.

Burco(saraarnews) Miinooyin loogu talo galay in lagu dilo Masuuliyiin u dhashay gobolka Togdheer si la isaga horkeeno beelaha habarjeclo iyo habaryoonis ayaa la sheegaya inay fashilmeen ka dib markii ay arintaas ka digeen xubno ka tirsan Sirdoonka qaranka oo u dhashay gobolka togdheer,

Qaraxyadan la maleegayey ayaa loogu talo galay in lagu Dilo Xubno uu ugu horeeyo Wasiirka Maaliyada Mudane cawil cali ducaale oo la filayey inuu ka mid noqonayo Xubnaha wasiirada ah ee ka qayb gelayey xaflada loo samaynayey in loogu walqalo Degmo Cusub oo loo magacaabay Tuulada Qoyta oo ku taalay Koontaroolka waqooyi ee Magaalada Burco.
Dhagartan ayaa la sheegay inuu ka danbeeyey oo loo xilsaaray Taliyaha Sirdoonka Mudane  Maxamuud Nuur oo la sheegay inuu yahay ninkii ka danbeeyey Dilkii taliyaha Ciidamada qaybta 12’aad ee qaranka oo dhowaan lagu dilay Magaalada laascaanood ee gobolka Sool, Arintaas oo Markii danbe soo gashay xarunta Guriga madaxtooyada.

Talaabadan ayaa waxa sida la sheegay loo qorsheeyey in lagu masabido xubno aan waxba ka ogayn oo ka soo jeeda Beelaha habarjeclo si looga dhigo inay iyagu fuliyeen ka dibna ay halkaas ka dhalato iska hor imaad beeleed.

Arinta Ugu weyn ee kaliftay in Riyaale is dhaafiyo Cawil cali ducaale oo ahaa gacantiisii Midiga ayaa loo arkaa Fursad u suura gelin karta inay Is dilaan beelaha wada dega gobolka togdheer ee Habarjeclo iyo Habaryoonis, si aanay u dhicin doorasho wadanka ka qabsoontaa iyadoo beryahan oo dhan laga baadhayey Xaaladii doorashada lagaga maarmi lahaa Gobolada kala duwan ee somaliland sida:
Gobolka sanaag oo wasiir ku xigeenka talaabo uu sheegay inay alshabaab Burburisay xabaashii sheekh isaxaaq, taasoo markii danbe uu beeniyey Duqa magaalada Ceerigaabo mudane ismaaciil xaaji Nuur.
Gobolka Sool oo loogu talo galay in la dilo Taliyayaasha Ciidamka sida , dhancade, Cismaan afdhilo iyo Dhalac, oo ay ka hirgashay tii Cismaan afdhilo, Taliyaha qaybta 31,aad isaga lala waayey.
Gobolka togdheer oo lagu qabqabtay wadaado la doonayey in xaalad lagaga dhex abuuro gobolka togdheer iyo miinooyinkan la qabtay ee la doonayey inuu isku dhaafiyo masuukliyiin Xukuumadiisa ka tirsan.
gobolka Saaxil isku daygii dil ee loo gaysatay Xildh. Maxamed faarax Qabile oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka oo laga soo doortay Degaankaas , taas oo markii danbena ay ku lug yeesheen masuuliyiin ka tirsan Maamulka dawlada ee Gobolaasi

Gobolka hargeysa oo laga Baadhayey in la dilo masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah sida, labada Gudoomiye xisbi Mucaarad iyo Gudoomiyaaysha Baarlamaanka si meesha loogu kala yaaco,

Awdal iyo Gabiilay oo dadkii lagu yaayey jidka u dhexeeyaa Gaadhigii ay wateen ee ku fuliyeen uu ahaa mid Taariko GD ah lahaa Ragii falka gaystayna ay gashanaayeen Dirayska Ciidamamada qaranka.

Arimahan Ayaa keenay in Masuuliyiin xukuumada ka tirsan iyo Ciidamada kala duwaniba fiiro gaara u yeeshaan Talaabooyinkan ugu danbeeyey ee ka soo baxaya Aqalkii looga talinayey Qarankan Somaliland.
Hadaba isku soo xooriyoo  Fashilaada Maanta ee la qabtay Miinooyinkaas ayaa la sheegay inay Weji gabax ku ahayd Xukuumada Riyaale oo Raadinaysa inay umada ku qanciyaan in Wiil yari soo sheegay Jawaan miinooyin ah oo ay ku jiraan 16 xabadood oo kuwa qaraxyada lagu geysto ka mid ahi.Bedelkeedase ay ahayd arin ka fashilantay oo laga hor ogaaday intii aanay ujeedadoo gaadhin.
waxaynu eegi doonaa talaabooyinkan ugu danbeeyey ee Xidhiidhka ahi halka ay ku soo af yeeshaan .

Be Sociable, Share!
Warning: scandir(): open_basedir restriction in effect. File(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../) is not within the allowed path(s): (/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www:/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.private:/customers/b/3/5/saraarnews.com/tmp:/customers/saraarnews.com/saraarnews.com:/var/www/diagnostics:/usr/share/php) in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../): failed to open dir: Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(): (errno 1): Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 12