Masuuliyiintii Dhalinyarada UDUB ee Hargeysa oo KULMIYE ku biiray

  

Hargeysa (saraarnews)- Dhalinyaro xilal kala duwan ka hayay xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa sheegay inay si buuxda isaga casileen xilalkii ay hayeen duruufo xisbigaasi ka dhex jira awgood, isla markana ay u digarogteen xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

 

Cabdirashiid Cabdi Kabadhe oo sheegay inuu ahaa ku-xigeenka Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada xisbiga UDUB ee Gobolka Maroodijeex (Hargeysa) iyo sidoo kale, Maxamed Cali Cabdi oo sheegay inuu xisbigaasi ka hayay laba xil oo kala ahaa jagada Guddoomiyaha Abaabulka iyo Wacyigelinta iyo ku-xigeenka Xoghayaha Garabka Dhalinyarada ee Gobolka Maroodijeex, ayaa shir jaraa’id oo ay shalay gelinkii dambe ku qabteen Huteel Sumer Time ee Magaaladda Hargeysa, waxay ku sheegeen inay iska casileen xilalka ay ka hayeen UDUB, kadib markii ay xisbigaas soo food-saareen caqabado dhawr ah sida ay sheegeen, kuwaasoo ay ka mid yihiin Maamul-xumo, siyaasaddiisa mustaqbalka oo aan caddayn iyo kala dambayn la’aan.

 

Guddoomiye-ku-xigeenkii Garabka dhalinyarada ee Gobolka Hargeysa Cabdirashiid Cabdi Kabadhe, oo arrimahaa ka hadlayay, waxa uu yidhi, “Waxaan halkan ka caddaynayaa hadda laga bilaabo inaan iska casilay xilkii aan ka hayay Xisbiga Siyaasiga ah ee UDUB ee talada dalka haya, Xisbigaas oo aan ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Garabka dhalinyarada ee Gobolka Maroodi-jeex duruufo maamul-xumo iyo kala dambayn la’aan UDUB ka dhex-jira daraadood. Waxa kale oo aan halkan ka caddaynayaa inaan si buuxda ugu biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE.”

 

“Anigu waxaan isku hayay laba xil oo aan ka hayay Xisbil-xaakimka UDUB, labadaas Xil oo kala ahaa Guddoomiyaha Abaabulka iyo Wacyigelinta ee Gobolka Hargeysa iyo ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Garabka dhalinyarada Xisbiga UDUB ee Gobolka Hargeysa, waxaanan halkan ka caddaynayaa maanta laga bilaabo Aniga oo maankayga iyo Miyirkaygaba qaba inaan si buuxda isaga casilay xilalkii aan ka hayay Xisbil-xaafidka UDUB. Kaa bedalkiisana aan si buuxda ugu biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE.” Sidaana waxa yidhi Maxamed Cali Cabdi oo sheegay inuu Xisbiga UDUB ka hayay labada xil ee hadalkiisa ku xusan, balse sheegay inuu maanta iska casilay.

 source: jamhuuriya

Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone