Wararka

Ciidamada Sucuudiga oo xuduuda yemen 7 qof oo somali ah ku dilay

Yemen(saraarnews) Sida ay ku soo waramayaan dad goobjoogayaal ahi ciidamada sucuudiga ayaa la sheegay inay todobo qof oo soomali muhaajiriin ah ku dileen xuduuda dalkoodu la wadaago wadanka Yemen.

Somaliladan la laayey ayaa la sheegayey inay doonayeen inay dhuumasho ku galaan wadankaasi sucuudiga ,ka dibna ay ciidamada xuduudu fareen inay istaagaan, hase yeeshee dadkaa qaxootiga somalida ahaa ayaa cagahooda wax ka deyey si ay uga baxsadaan in la qabto, taasina waxay horseeday in ciidamada amaanka ee boqortooyada aan dhicin ee sucuudigu  ay rasaas ooda kaga qaadaan, halkaana isla markiiba ay ku qudh baxaan ugu yaraan 7 qof oo ka mid ahi.

Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday xasuuqaas oo dalka Yemen dib ugu soo laabtay ayaa warbaahinta u sheegay in xasuuq iyo arxan daro ay kula kaceen dadkaas qaxootiga ah ee uu ka mid ahaa, ninkan oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego sababo dhinaca amaanka ah aawadeed , ayaa sheegay inaanay helin daryeelkii ay u baahnaayeen dad qaxootti ahi isla markaana dhex jooga dal islaam ahi.

Arintan xasuuqa ayaa lagu xidhiidhinayaa inay keleftay culayska ciidan ee Dawlada sucuudigu saartay xuduuda ay la wadaagaan wadanka Yemen , halkaas oo xasarad iyo shaqaaqooyin gacan ka hadal oo u dhexeeya Mucaaradka shiicada ah iyo Dawlada sucuudigu ay ka taagnaayeen Bilihii ugu danbeeyey oo dhan, iyadoo weliba dhowaan dawlada sucuudiga dhinaca cirka ka duqaysay goobaha lagu tuhunsan yahay inay fadhiisinka u yihiin, kooxan mucaaradka ku ah labada Dawladood ee Yemen iyo Sucuudiguba.

waxa kale oo jirtay in ciidamada Yemen ay sheegeen inay qabteen dhalinyaro somali ah oo ka dhinac dagaalamaya kooxaha shiicada ah ee ku kacsan, inkasta oo markii danbe la sheegay in kooxaha mucaaradka ahi ku qasbeen inuu ka barbar dagaalamo hadii kale ay qudha ka jari doonaan, ka dib markii ay qabteen isaga oo marayan degaanadooda oo ah marin loo sii maro marka ay u socdaan wadanka sucuudiga.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top