Walalayaal waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa FADLIGA SOONKA MAALINTA TOBONAAD EE BISHA AL-MUHARRAM oo ah bisha koowaad ee sanadka HIJRIGA..oo aan hadda kujirno.

Bisha Al-muharram waa bil barakaysan oo ku wayn Allaah agtiisa, waxayna ka midtahay afarta bilood ee loo yaqaan  الأشهر الحُرُم bilaha xurmada leh..sida aayada kor kuxusan ay tilmaamayso nabigana  صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ uu kusheegay sunned.

FADLIGA SOONKA BISHA Al-MUHARRAM: 

Guud ahaan waxaa kusoo arooray sunnada nabiga in ay fadli badan leedahay soonka sunnada ah oo lasoomo bishaan barakaysan ee Al-MUHARRAM sida kuxusan xadiiska ah:( أَفْضَلُ الصِّيَامِ بَعْدَ رَمَضَانَ شَهْرُ اللَّهِ الْمُحَرَّمُ رواه مسلم
  

Oo uu macnihiisu yahay: ** Soon kan ugu fadliga badan soonka ramamdaan kadib waa soonka bisha Allah Al-muharram…Muslim ayaa soo saaray

Haddaba ayada oo fadligaas leh ayaa hadana waxaa ku dhex jirta maalin lagu magacaabo CAASHUURAA…

MAALINTA CAASHUURAA: 

Waa maalinta 10aad (tobonaad) ee bisha Al-muharram

 MUNAASABADDA SOONKEEDA:

 Waa  maalintii uu Allaah ka  badbaadiyay NABI MUSSE عليه السلام  iyo qomkiisa shartii Fircoon, marka shukri alaah dartiis ayaan usoomayna malintaasna waxay ahayd maalinta 10aad ee bisha Al-muharaam. 

FADLIGA CASHURA:

Nabiga صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَMar lalwaydiiyay soonka maalinta 10aad ee Al-muharram waxa uu ku jawabay: ” waxaan Allaah kaga ajar dalbayaa inuu ii dambi dhaafo sanadkii ka horeeyay”"

عن أبي قتادة رضي الله عنه قال : سُئل النبي صلى الله عليه وسلم عن صيام يوم عاشوراء ، فقال : إني أحتسب على الله أن يكفر السنة التي قبله .  رواه مسلم

Dunubta la isku dhaafayo waa kuwa yar-yar (al-siqaar) qofkii uu ka dhacay dambi wayn oo (kabiira) waxaa looga baahanyahay inuu Allaah tawbad(dambi dhaaf) dhab ah ula yimaado inta uu haysto fursada oo aysan kadin geeridu!!..Allaah hanoo dambi dhaafo amiin..

MARTABADAHA SOONKA CAASHURA:

1-Sida ugu kaamilsan:

Waa in lasoomo maalin ka hor ama maalin kadib            

caashuuraa  , oo ah soonka maalinta 9aad iyo   10aad iyo 11aad 

2-Sida ku xigta:

Soonka 9aad iyo 10aad

3-Sida ugu hooseysa:

Soona 10aad oo kaliya

WAKHTIGA AY KU BEEGANTAHAY :

Maalinta 9aad: Sabti 26.12.2009

Maalinta 10aad: Axad 27.12.2009

Maalinta 11aad: Isniin 28.12.2009

FAA’IIDOOYIN KOOBAN:-

1-waxaa fiican oo mustaxab soonka maalinta  caashuura,kudayasho lagu dayanano NABIGA

صلى الله عليه وسلم     “

2-maalintaan waxaa soomay NABIGA (scw)

iyo saxaabadiisa waxaa  kaloo hortood soomay NABI MUUSE

3-waa maalin fadli wayn leh

4-waxaa fiican in maalinta caashuura maalin kahor ama kadib laasoomo, khilaaf la khilaafayo YUHUUDA, oo  ayagana maalintaan soomi jirtay

5-Intaan ayaa kusoo aroortay fadliga maalinta”CASHURA”, wax kale oo fadli ah ama camal kale oo lasameeyaa  kuma sugnaan SUNNADA NABIGA(SCW) , marka waxaa reeban oo BIDCA AH waxa ay sameeyaan dadka loo yaqaan “RAAFIDAH” ama “SHIICA” oo ah is dil iyo is mindiyeen iyo wixii la mid ah, waxaasna ma aha wax diinta ku banaan ama uu ALLAH iyo RASUULKIISU na amreen, qofka muslimka ahna waxaa la gudboon inuu ka dhawrtoonado wax walba oo khilaafsan diinta Allaah uu kusoo dajiyay NABI MUHAMMAD(SCW), ayna tahay inuu raacdo jidkuu uu NABIGA(SCW) ujideeyay ummaddiisa ahna jidkii ay raaceen saxaabada iyo salafkii suubanaa Allaah haka raali noqdee dhamaantood.

6-Maalintaana waa fadli Allah uu nagu manaystay inuu nooga dhigay soon maalin qura dambi dhaaf sanad oo dhan, marka walaalkeena islaamka ahow waxaa ku dag-dagtaa ka faa’iidaysiga maalintaan, kuna bilow sanadkaaga cusub (1428 HIJRIGA) daacada Allah iyo ku tartanka khayraadka…

Allah hanaga dhigo kuwii laga aqbalo camalkooda kiisa wanaagsan..aamiin aamiin aamiiin

Popularity: 5% [?]

You Should Also Check Out This Post:

More Active Posts: