Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Dubbe:Somalilandey maanta xisaab baynu gelaynaa ninkii kalkulaytar hawstow soo qaado, kii qalin iyo waraaq haystow soo qaado, kii budh iyo bakoorad haystow dhulka ku xarriiq,kii intaaba aan haysanow qori yar jabso oo dhudhunka gacanta ku xarriiq.
Doolaal:Adeer xisaabtii Ina Xaashi baanu khaati ka joognay ee ma haddaad adna noola timi. Miyaanay tiisu idinku fillayn?
Dubbe:Tiisu waa mid cilmiyaysan ee taydu waa xisaab badaw. Sideedaba haddii xisaab aan ka waayo “Allaahum masalli calla Maxamed iyo caqliga ha waayin” aniga xisaab iima aha.
Doolaal:Waar xisaabna gaan maysaane iska fadhi. Shilinba Ilaahay leeyahayba weligiin maydaan qabane maxaad xisaabinaysaan? Waar rasaas iyo “kaadi baanu u soo cabnay” iyo waxaa ka sheekee.
Dubbe:Waaryee. Waabad i xusuusisay ee Faqashtiinii kelmad bay noo heleen.
Doolaal:Yaa Faqash ah ee aad sheegaysaa dee? Waa maxay kelmadda aad sheegaysaa?
Dubbe: ESTU(SNM) waa ta had iyo jeer tidhaada “kaadidayada ayaanu u soo cabnay” dalka xorrayntiisa waxaan maalin dhoweyd maqlay mid jabhad ah ayaa Maxamed Muse Diiriye, Maareeyahah TVga Qaranka, sidaa ku yidhi. Markaasu illayn Maxamedku waa itixaane markiiba u jawaabay oo yidhi. “waar anaguba kabo dumar baanu u soo xidhanay adeer.” Markaa jabhaddii jawaab baa loo helay iminka.
Doolaal:Qoodhaa iyo xeradaa bal waxaad ku hadlayso eed adigoo nin weyn sheeganaya. Waar xisaabtaadii iska wado iyadaa laguu qaatay eh.
Dubbe:Adigaa na soo hor marinayee maxaanu samaynaa? Xisaabtii aan ku noqonee Somalilandey Ina Rayaale miyuu qayb ku helaa waxaas oo lacag ah keligii?
Doolaal:Lacagtee dee?
Dubbe:Horta manta waxaa u rogayaa sabeeno. Wuxuu adhigii Arrafo dhoofay ka qaatay oo la xaqiijiyay $2,400,000(laba milyan iyo afar boqol oo kun oo doolar) Dad badan oo aan ku jiro ayaan xisaabtaa akhriyi karinba. Haddaan Laan u rugo waa, Allaahuma salli calla maxamed. Caqliga ha waayin. slsh. 16,800,000,000(lix iyo toban bilyan iyo sided boqol oo milyan)
Doolaal:Yaad u sheegaysaa dee? Orodoo iskuul furo aad xisaabta ka dhigto.
Dubbe:Haddaba Somalilandey. Haddaynu eegno sida ay lacagtaasi inoo anfici lahayd sidan bay noqonaysaa:
- 646153 oo askari ayay mushar bil ah siin lahayd. “ Haaye. my soldier eh” ayuu odhan lahaa Suldaan Boqor Yusuf hadduu nool yahay Ilaah haw naxariistee.
- 120,000 oo shaqaale dawladeed derajada D ayay bil mushar u noqon lahayd. Maxaa xoog iangu baaqday.
- 1,120,000 oo arday bay school fee ka bixin lahayd bil. Aqoon iyo cilmiyow ba’
- 8000 oo arday ayay jaamacada Hargeysa fiiga ka bixin lahayd sannad kaamil ah. Wahey wah.
- 120,000 oo carrur ah ay midkiiba lebbis isku jog ah u goyn lahayd. Indhaha u fiicnaan lahaydee.
- 48,000 oo mujaahid iyo carrurtooda illaa 150,000 oo qof bay bil quudin lahayd. Allah maxaa mujaahid gaajaoonayaay hayaay.
7. 16,800,000 oo koob shah ah oo caddaysa ayay somaland oo dhammi ku qaxweyn lahayd. Qofkiiba lix koob oo hsaah ah ayuu cabbi lahaa. Maxaan dhidid iska duugi lahaa.
8. 8,400,000 oo casho oo Harakoo ah(beans) ayay inoo goyn lahayd. Laandta oo dhan ayaa saddex jeer cashayn lahayd.
9. 2,100,000 oo foosto oo biyo ah ayaynu ku harraad bixi lahayd. Dhiishaa dhaansi.
- 10. 75,000 oo gadbadood oo bariis ah ayay inoo goyn lahayd. Laandta oo dhan baa qadayn lahayd .
- 11. 12,000,000 oo saanjadood oo roodhi ah ayay goyn lahayd. Alla roodhi weynayaayeey hayaay.
- 12. 11,200,000 oo jeer baynu bas ku raaci lahayn. Haddii laysku xidhiidhiyo dayaxa ayaynu bas ku tegi lahay. Tolla’ay! Lacagtaydiiyeey.
- 13. 240,000 oo beer(pair) oo kabo ah ayaynu cagaagga ka gashan lahayn. Miyaanu ragaadba is arki lahayn.
- 14. 1,400,000 oo minjood oo dadartii Rooda Dawlad ee la yaabka lahayd ah ayay goyn lahayd oo qori qori inogu siiban lahayd.USP ma leh. looma yaqaan. Dubaabkaba miyaanu is arki lahayd.
- 15. 11,200,000 oo koob oo liin macaantii dukaankii Far Janno ee fooqa Ina Maaweel ku tiil ayaynu ka tuuri lahayn xiix inakoon odhan. Cadceedu kululaa dambe laynagama maqleen.
Ilaah baan idinku dhaarshee inuu keligii qaato waxaas oo dhan oo sidii daayeerkii ku wadh wadho miyuu qayb u helaa? Inuu haddana mar kale doorasho idinka doono miyuu u qalmaaa?
Waa inoo qoraalka xiga. Haddi eebbe yidhaahdo. Xisaabtu way socon doontaa ee ha degdegina.
Popularity: 4% [?]
You Should Also Check Out This Post:
- Heesaha Ciida: Alla Maanta ayaanta codkii Maxamed S. Tubeec
- Waraysi qaybtii 1'aad Ali Mahdi Hussen xubin Xisbiga Ucid
- Zakat Al-Fitr and Eid By Ahmed Arwo
- Heestii Madax-Weynoow Waa Qalinkii:Abwan Baruud
- Siday Xukuumadda Cusubi Iskaga Caabiyi Doontaa Warmaha Loo Afaysanayo Iyo Mucaaradka Kala Jaadjaadka Ah




