Hargeysa(saraarnews) Hadaad aaminsantahay Hees kasta oo la sameeyey waqtigii siyaad Bare in lagu amaanayey isaga iyo Kacaankiisii , waxaad haysataa Fikrad khalad , Balse maanta aan idiin dooro hees wadani ah oo la Yidhaaho Somaaliyeey Su’aal Hoo, Heestan waxaa inoo qaadaya Hoobaladii qaranka ee Waaberi waa erayadii (Yuusuf Aden Allaale iyo Mustafe sheekh Cilmi) Halkan ka dhegayso
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Midhaha Heesta Waxaa ka mid ah
(1)
Soomaaliyeey Su aal Hoo?
Sinaanshuhu Ma Eexbaa?
Samotalis Ma cudur baa?
Horusocod Ma Noqoshaa?
Sahashada Ma guul baa?
Isa suga ma Dulun baa?
Sarwacii Ma hadal baa?
Hana Sirin Ma ceebaa?
Sidii Hore Ma nolol baa?
Su’aashaasi waa Maya
Miyay Same xume u tahay?
Sareedadiyo Khayrkaa
Sawir kale u yeeshoo
Hadaad Subag u keentana
Si kaluu ka dhigayaa
Hadaad saacidaysana
Sababtiisu Moodaa
(2)
Somaaliyeey Su aal Hoo
Nin ku saxay Ma cadow baa?
Kuu sahmiyey Ma nacabaa?
Sed u celi Ma qadi baa?
Nin ku sida ma Jebisaa?
Suuq ku xamo Ma derajaa?
Sacabadu ma been baa?
U saldhigee ma Uga daray?
Siraadyaye Ma daminaa?
Su aashaasi waa maya!
Mar haday sidaa tahay
Surin Qura ka wada gala
Sinaantana u qayshada!!
