Alle ha unaxariistee Marxuun Cismaan Yuusuf Nuur wuxuu ku dhashay Magaalada Burco 1945. wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ku dhamaystay magaalada Beer ee Gobolka Togdheer Dugsiga sare wuxuu ku dhamaystay iskuulka shiikh.
Marxuun Cismaan Yuusuf wuxuu ka dhashay qoyska balaadhan ee Reer nuur Gaade oo ah qoys magac iyo maamuus ku leh bulshada dhexdeexa daafaha dunidana ku kala nool oo uu kamid ahaayeen Alle ha unaxariistee Siciid Nuur Faarax oo xilal badan oo wasiirnimo kasoo qabtay dalka iyo Gaashaanle Sare Axmed Yuusuf Nuur (Qaadiro).
1963 wuxuu Marxuun Cismaan ku biiray ciidamadii dawladii Somaliya. 1971 waxaa isagoo xidigle ah loo direy wadanka Ruushka halkaas oo uu kusoo qaatay kuliyad madaafiicda shiishka dheer ah wuxuu kasoo noqday wadanka Ruushka 1974 waxaanu noqday kabtan ka tirsan ciimada Xooga dalka Somaaliya.
Wuxuu Marxuun Cismaan Yuusuf ka qayb libaax ka qaaatay dagaalkii 1977 kii dhex maray Somaliya iyo Itoobiya wuxuu kasoo hooyay guulo aad u waa wayn wuxuuna kamid ahaa saraakiil la gudoonsiiyay Bilad Geesi. isla 1977 waxaa loo dalacsiiyay Gaashaanle waxaana loo bedelay magaalada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galgaduud. waxaana laga dhigay taliyaha ciidanka Dhuusa-mareeb.
1980 waxaa laga dhigay gaashaanle dhexe waxaana loo bedelay magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal waxaana laga dhigay taliyaha ciidanka Garoowe. 1985 wuxuu u dalacay Gaashaanle Sare wuxuuna ahaa taliyaha ciidanka Garoowe ilaa dawladii Maxamed S Barre dhacday 1991 kii.
1991 kii wuxuu kamid noqday ciidankii u horeeyey ee somaliland yeelato wuxuuna noqday taliyaha madaafiicda ee Somaliland wuxuuna ka qayb qaatay nabadayntii beelaha somaliland iyo hubka dhigistii maleeshiyaadka.1997 kii waxaa loo bedelay taliyaha qaybta gobolka Togdheer.
2007 waxaa laga dhigay taliyaha qaybta 12-aad ee ciidanka qaranka Somaliland waxaanu hogaaminayay ciidankii 14 October 2007 la wareegay gacan ku haynta magaalada Laascaanood ee Gobolka sool oo muddo badan ay dulmi ku haysteen ciidan beeleed Reer Garoowe ah.
Marxuun Cismaan Yuusuf Nuur wuxuu dhidibada u aasay intii uu ahaa taliyaha qaybta 12-aad nidaam dawladeed iyo nabadgalyo kaamil ah wuxuuna soo gaadhsiiyay magaalada Laascaanood gobolada kale ee Somaliland.
Marxuum Cismaan Yuusuf waxaa ugu danbayntii lagu dilay qarax argagixiso magaalada laascaanood 1 November 2009 isagoo ku gudajira hawl maalmeedkiisa qaran waxaanu ifka kaga tegay laba qoys oo ka kooban toban caruur ah oo isugu jira 4 wiil iyo 6 gabdhood iyo hooyooyinkood.
Marxuum Cismaan Yuusuf waxaa aas qaran loogu sameeyey magaalada burco ee Gobolka Togdheer oo uu markii hore ku dhashay waxaana aaskiisii ka qayb galay dad weyne aad u badan oo isugu jiray Ehel, asxaab, iyo saraakiil badan oo uu kamid yihiin Mujaahid Carab Ducaale iyo Taliyaha ciidanka qaranka somaliland Gen:Nuux Taani.
Dadkii aaskiisa ka hadlay waxay dhamaantood ka marag kaceen inuu ahaa nin ku sifoobay wadaniyad shakhsiyad fiican iyo geesinimo, hawlkara oo Meesha uu joogana ka muuqda.
Ma Gabowdo Godobtii Nin Ragi Gowska Ku Hayaa !
Hussein Guuleed Howle “Afgaab”
Columbus Ohio afgaab15@hotmail.com
Popularity: 3% [?]
You Should Also Check Out This Post:
- Heesaha Ciida: Alla Maanta ayaanta codkii Maxamed S. Tubeec
- Waraysi qaybtii 1'aad Ali Mahdi Hussen xubin Xisbiga Ucid
- Zakat Al-Fitr and Eid By Ahmed Arwo
- Heestii Madax-Weynoow Waa Qalinkii:Abwan Baruud
- Siday Xukuumadda Cusubi Iskaga Caabiyi Doontaa Warmaha Loo Afaysanayo Iyo Mucaaradka Kala Jaadjaadka Ah




