Hargeysa (Saraarnews)- Maxamuud Xaashi oo ka tirsanaa xubnaha golihii Wakiillada ee hore ee Somaliland, ayaa Madaxweyne Rayaale iyo xubno Xukuumaddiisa ka tirsan ku eedeeyay inay u tafo-xaydan yihiin inay hanti ka urursadaan dhaqaalaha kooban ee umadda laga ururiyo.

Mr. Maxamuud Xaashi oo muddo dheer dalka dibadda kaga maqnaa, xilligii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahi Cigaal Madaxweynaha ahaana in badan caan ku ahaa sheegista dhaliilihii maamulkii waqtigaas, waxa uu dalka ku soo laabtay shalay, waxaana Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan hoggaanka sare ee xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE iyo shaqsiyaad kale.

Ka dib markii uu soo degay, waxa qolka nasashada ee Madaarka waraysi kula yeeshay Warbaahinta qaarkeed, wuxuuna waraysigaasi u dhacay sidan;

S: Maxamuud; waa sidee dareenkaaga la xidhiidha inaad Somaliland oo aad muddo dheer ka maqnayd ku soo noqotay?

J: Runtii aad baan ugu faraxsanahay inaan dalkayga hooyo ku soo noqdo anigoo muddo ka maqnaa. Boholyowgaa ka sokow, runtii maaha mid aniga igu kooban, balse waa mid dadka Qurba-jooga Somaliland ee dibaddaha ku dhaqan oo dhami qabaan oo ay doonayaan inay dalkooda hooyo dib ugu soo noqdaan. Laakiin, nasiib-daro wixii ay ilaa intii Dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah loo gudbay, dadku waxay filayeen in agab badan loo sameeyo, dawladnimo deeqdana la helo. Taasi waxay suurtogelisay in hankaasi uu baaqdo, dadkiina uu dugsado darxumooyinka iyo dayro-dhaafyada uu Qurbuhu (nololsha dibaddu) leeyahay ee aan dad badani fahamsanayn. Hase yeeshee, boholyawgiisa ayaan qabaa (dalka), aad baanan ugu faraxsanahay inaan dalkayga ku soo noqdo.

S: Maxay tahay aragtidaada la xidhiidha xaalada siyaasadeed ee Somaliland?

J: Dalka Jidhkayga uun baa ka maqnaa, laakiin maankaygu wuu joogay. Runtii marka aan eego Somaliland maalintii aan ka tegay oo waqtigii Doorashooyinka loo gudbayay ahayd iyo maanta faraq badan baa u dhexeeya. Waxaan u arkaa Somaliland inay kamaagtay; Somaliland inay marxalad halis ah marayso oo haddii aan la samato-bixin ay ku noqon karto halkii rag ka soo dhiciyay.

Muuqaalka ay Somaliland maanta ku leedahay dhulka aan anigu ka imid, sumcadii Somaliland ee siyaasadda dibaddu aad bay u wiiqantay, waxaana saldhig u ah arrintaas oo sababay; doorashooyinkii iyo geedi-socodkii Dimoqraadiyadda ee la dhantaalay, muddo-kordhimihii aan Sharciga waafaqsanayn ee aan loo miidaan-dayin, maamul-xumida iyo musuqmaasuqa dalka ku baahay ee ragaadiyay, Caddaalad-darada iyo dulmiga faraha badan ee qolqol kasta buuxiyay. Waxyaabahaas oo dhan oo is biirbiirsaday ayaa dadka aan anigu ka imi niyad-jabiyay, hadday tahay guryo-noqoshadoodii iyo hadday tahay in dalka laftiisa ay maalgeliyaan, waxaanan filayaa dareenkaasi inuu halkana ka jiro.

S: Maxamuud Xaashi; waqtigii aad ka midka ahayd golihii Wakiillada ee hore, waxa jiray dhaliilo fara badan oo aad soo jeedin jirtay, markaa maxay kuwaa hore kaga duwan yihiin dhaliilaha hadda jira ee aad tilmaamaysaa?

J: Taasi waa su’aal aan is lahaa kollayba waa lagu waydiin doonaa. Waxaan ka mid ahaa raggii aad u dhaliili jiray maamulkii uu marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal madaxda ka ahaa.

Runtii markaan isu eego, anigu waqtigaa waxaan ahaa nin dhalinyaro ah oo halgankii SNM ka soo qaybqaatay oo filayay wax wada toosan oo mudh ah uu helo. Dhaliilahayga waxaan ku salaynayay wax-kordhin iyo sawirkii laftiisa – ama halgankii ha noqoto ama da’daydii ha noqotee la socday. Hase yeeshee, maanta markaan barbar-dhigo maamulkaa uu gadh-wadeenka ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ka maanta dalka taladiisa haaneeda, runtii waa kaaf’ iyo kala-dheeri.! Maamulkaasi wuxuu ahaa maamul khayrna leh, sharna leh, dhaliilo badana wuu lahaa oo runtay bay ahayd oo waanu ku dhaliilaynayoo wax-kordhiya uun bay naga ahayd, wax badan oo wanaagsana wuu lahaa. Laakiin, waxaan is leeyahay maamulka maanta dalka xukumaa waa wada Fin iyo Gaatir, waa wada dhaliil miidhan, wax aan is idhaahdo caawa xerada uga soo saarna ma garan karo. Haddii aan is barbar-dhigoba xataa, waxyaabaha qaarkood markaan soo qaato; marka koowaad; maamulkii uu gadh-wadeenka ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ahaa nin waayo-arag ah, nin siyaasadda yaqaan, nin dadka yaqaana, nin aan hankiisa iyo haybada qaranka uu madaxda ka yahay si sahal ah oo jaban aan cid u siin karin ama u amaahin karin, balse garanayay waxa uu dhaafsanayo karayo.

Maamulka maanta dalka Somaliland xukumaa – waynu ognahay halka ay ku dambaysay haybaddeenii iyo sharafteenii, waynu aragnaa oo sharax badan iyo inaan is dul-taago uma baahna.

Midda labaad; waqtigaaba (xilligii marxuum Cigaal) way jirtay maamul-xumo iyo musuq-maasuqba, laakiin nidaam-xumida iyo musuq-maasuqa maanta jiraa mid laga sheekayn karayo maaha oo waakaa shaarica Hargeysa iyo bilicdeedii iyo meelihii lama taabtaanka umadda ahayd iibiya.

Maamulkii uu marxuumkaasi hogaaminayay haddii wax soo galaan adduun (hanti) meel kama dhigan jirin qarankan yar ee uu tetabinayay, balse iyaguun buu dib ugu qaybin jiray, laakiin kan (Madaxweyne Rayaale) waynu ka warhaynaa in isaga iyo ragga ku xeerani u tafo-xayteen uun inay marba meel wax ka dhigtaan waxan yar ee caantaynada ah ee umadda laga ururinayo.

Waxaan xasuustaa maalin maalmaha ka mid ah anagoo Alle haw naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal la shirayna, wuxuu nooga sheekeeyay inuu nin uu dhalay oo Kanada joogay u soo diray Fagas (farriin qoraal ah) oo markaa horyaalay uu u soo diray, wuxuuna nagu yidhi; ‘Fagaskaa ninkaygii baa ii soo dirayoo, wuxuu moodayaa meesha in waxan yar ee aan dadka u biyo-biyeeyo inaan wax ka dhigo (lacag) ama aan isaga wax siin karo. Moogayj-kii baa Aabo igu go’aye iga soo caawi buu igu yidhi, dabadeedna aniguna kan (fagas labaad) baan u qorayoo, waxaan ku idhi, ‘waar caantaynada dadkaan u biyo-biyeeyaa.”

Markaa arrinkaasi wuxuu muujinayaa faraqa labadaa duruufood iyo labada hoggaan u dhexeeya. Waxa kale oo ay ku kala duwanaayeen; Cigaal nin wayn oo tudhaale leh buu ahaa, waxyaabo badan oo uu ka xishoon jiray ama uu yaqaanay halka uu joojinayo, ayaanu maamulka maanta talada dalka hayaa aqoonin, kana xishoon.

Waxa kale oo aad u muhiim ah oo ay ku kala duwan yihiin; Cigaal wuxuu ahaa nin marka uu arrin u baahdo cidda uu doono la tashada ama talo moodo, wuxuuna odhan jiray ‘waar bal arrinkaas baan doonayaaye maxaan yeelaa,’ wax ay doono ha noqdee cid buu la tashan jiray. Laakiin, Madaxweynaheena Daahir Rayaale Kaahin oo cid la tashay oo talo biday, nin soo hela bal hala helo. Ciddii u tagta wuxuu ku yidhaahdaa, ‘waan garanayaa oo waan ogahay.’

Sidaa darteed, laba maamul oo isu dhaw maaha. Somaliland maanta meesha ay maraysaa waa meel aanay weligeed gaadhin, waana meel marka niyad ahaan iyo muuqaal ahaan la eego xataa waqtiyadii dadkan walaalaha ah iyo qarankani qaybsamay ee colaadu dhexmartay maanta ayay ka niyad xuntahay.

S: Marka socdaalkaagan la eego, ma wuxuu salka ku hayaa sidii aad uga dhex muuqan lahayd Axsaabta siyaasadda?

J: Siyaasadda kama bixine waan ku jiray oo dibadda uun baan ka waday – dadka uun baan ka fogaa, waxaanan hordhac iyo horseed u ahay shan boqol oo nin oo igu daba jira oo Qurba-jooga KULMIYE ah oo qaar shalay UDUB ahaayeen, qaar dhexdhexaad ahaayeen oo qarankan u soo tafoxaytay inay badbaadiyaan. Markaa way iman doonaan, way igu daba jiraan, ololaheeda iyo abaabulkeeda ayay gelayaan oo adduunkeeda ayay wataan, haddii rag moodayay in tan looga tegayana waxaan leeyahay; ‘Hashaan gaado waynow Libaax uga gaboon waayay, inaan Gorayo-cawl uga tegaa waa hal soo go’ay.’

Popularity: 1% [?]

You Should Also Check Out This Post:

More Active Posts: