Beesha Ayuub ayaa maanta ku gacan saydhay kulan wadahadal ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo ku doonayay inay xal kaga gaadhaan cabashada Beesha ee la xidhiidha saluuga ay ka muujiyeen ka maqnaanshaha Beeshooda ee dhismaha Xukuumaddiisa
Sida ay wararku sheegayaan waxa uu Axmed Siilanyo beesha ugu yeedhay inay Joojiyaan Mudaharaadka ay samaynayaan isla markaana ay ka wadahadlaan sidii ay xal kale uga gaadhi lahaayeen cabashada ay beeshu ka muujisay inaanu ku darin golihiisa Wasiiradda, hase yeeshee Beesha hormoodkeeda ayaa la sheegay inaanay u imanaynin ilaa uu Siilaanyo Wasiir u magacaabo, taasoo ay xujo uga dhigeen inuu fuliyo balanqaadkiisii ahaa sidaas
Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu ka war-wareegayo inuu magacaabo Wasiir kale maadaama uu hore u balan qaaday inuu soo dhisayo Xukuumad kooban oo tayo leh, waxaanu ku doodayaa haddii uu beeshaas u magacaabo Wasiir in beelaha kale oo dhana ku mudaharaadi doonaan si ay wasiir u helaan
Mudaharaadada iyo cabashooyinka lagaga soo horjeedo Qaab dhismeedka Saamiyada beelaha ee xukuumadda Siilaanyo ayaa soo kordhaya, waxaana dhici karta haddii aanu xal degdeg ah keenin in ay Xukuumadiisa ka hor imana doonto Mucaaradad xoogan oo maamulkiisu ka tamarin kari waayo
Source: waaheen
Popularity: 7% [?]
You Should Also Check Out This Post:
- Waraysi qaybtii 1'aad Ali Mahdi Hussen xubin Xisbiga Ucid
- Zakat Al-Fitr and Eid By Ahmed Arwo
- Heestii Madax-Weynoow Waa Qalinkii:Abwan Baruud
- Siday Xukuumadda Cusubi Iskaga Caabiyi Doontaa Warmaha Loo Afaysanayo Iyo Mucaaradka Kala Jaadjaadka Ah
- Sidee Loo Xakamayn Karaa Been-abuurka Saxaafadda? Qore: Qaasim Haybe Qaalib




