Hargeysa (saraarnews) Mudaharaad ayaa maalintii labaad ka sii socda magaalad Hargeysa gaar ahaan xaafada isha Boorama, waxaana la soo sheegayaa in mudaharaadku saacadba saacada ka dambaysa sii xoogaysanaayo

Dad goob joogayaal ah oo aan goordhayd kula xidhiidhay khadka tilifoonka ayaa ii sheegay in dadka ay gubayaan taayiro iyo xaabo, waxaanay sitaan boodhadh ku lida xukumada cusub.

Sidoo kale dad kale oo goob joogayaal ah ayaa noo sheegay in ay mudaharaadayaashu ay sitaan calanka buluug ah ee uu leeyahay wadanka somaliya.

Sidoo kale wararku waxay intaas ku darayaan in xaafada isha Boorame hada la geeyey ciidan aad u tiro badan oo la sheegay inay sugaan amaanka xaafada iyo mudaharaadayaasha, basle waxay warar intaas ka madax babnaan oo sheegay in la qab qabtay dad aad u tiro badan.

Ilaa hada ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay mudaharaad kaas socday labada cisho, sidoo kale waxaan jirin cid ilaa hada si weyn uga hadashay oo ka tiran dhanka xukumada cusub, balse waxaa jira odayaal dhaqameedyo ka tiran beelaha wada mudaharaadka oo ilaa xalay waday waan waan.

Ciidanka booliska iyo dadka cabashada muujinayaa ayaa ilaa hada isku hor fadhiyo goobo ka tirsan halka uu ka socdo mudaharaadku, waxaana lagu soo waramayaa inay dadka ku sii siqayaan dhnkaas iyo garoonka kubada cagta ee Pepsi-ga (Tareeriska).

Ilaa hada ma jiraan warar intaas ka sii durug san oo ka soo baxayaa dhanka mudaharaadka, wixii warar ah ee ka soo kordha kala socoda wararka dambe.

Source: waryatv

Popularity: 8% [?]

You Should Also Check Out This Post:

More Active Posts: