Dantii laba ruux dhaxtaal
Waxay isla daydayaan
markay isku dookh yihiin
Waxayse sii kala durkaan
hadday kala dookh yihiin
Durbaanka nikii tumee
Haddana shanqadh diidayaa
Miyay tahay daw bannaan?
By;Maxamed- Gacan

Waxaan salaamayaa dhamaan inta horumarka jecel iyo cadaalada ee ay ugu horeeyaan wabsaydyada noo suurto galiya in aan waxaan tabanayno kusoo bandhigno iyadoon la isku qoonsan waxaan jecelahay in aan ku bilaabo madaxwaynaha cusib Su,aal aan waydiinayo ma dadka iyo dalka Soomaalilan oo dhan ayuu madaxwayne u yahay nin doortay iyo nin aan dooranba? mise meeshii laga doortay oo kaliya ayuu madax wayne u noqonayaa bal hadda eega Boorama Saamiga wasaaradaha ugu jira waxaan filayaa doorasho fiican ayaa dalka Somaliland ka dhacday fursadaase lagama faa,idaysan siday u muuqato waxaan nahay dad pastriols ah ama reer guuraaya waana waajib in muraayadda dawlada laga wadda dhax muuqdo qabiilooyinkoo dhan ilaa mudooyinka soo socda si siman ,ma aynu gaadhin wali in aan qabiilka ka korno wakhtigeedana ha gaadho in anaga oo Soomaliland qabiilka labaad ah in lana ag dhigo lafaha ugu yaryar isaaqa cid aqbalsaa ma jirto waar adeer Geela ma wadda jiranaa mise waan kala jiranaa? xukuumadda dal iyo dadba waa lasoo dhaweeyay dad iyo dalba markii horilagu farxay waxaan filayaa in markii hore farxadaa la wadda qabay imakase MUUUSE WAA KAA… dadbadan ayaa ka xanaaqi doona hadalkayga adkaysta imisaa Daahir oo dal iyo dadba u wanaagsan lagu hufaayay waaba imikoo aad arkasaan wuxuu Siiraanyo sameeyay waxaay ay isku badashay taladii laba kooxood oo midna xoolo aanu lahayn dusha loo saaray midna waxii uu islahaa xaq ayaad u leedahay la hoos mariyay…. haddaan usoo noqdo maqaalkayga isaaq waa is cajabshay dawlad fiicana waa jecelyahay lakiin sidii uu ku heli lahaa inuu ilduufaad moodaa waxaanan haddana ognahay in aanu kaligii meel mari karin Horta ma haboontahay in la siiyo mid walba saamiga ku haboon Somaliland,? yaa daga Somaaliland ?waa imasa qabiil hadaan ka jawaabo su,aashaa oo aad wadda garanaysaan waxaa daga waqooyi ama Somaaliland. Isaaq,Gadabuursi,Dhulbahante,warsangali,Ciise,Gabooye{MuuseDhariyo}Madigaan,Akisho iyo qabiilooyin kale oo badan. Haddaba waxaa la doonayaa in dalku cadaalad isku raaco oo dhinac loo wadda socdo markanse waxay u eegtahay Salaan iyo kala taga,akhriste bal ila eeg cadaalada markii hore waxaa la odhan jiray reer Awdal waa madaxwaynihii oo inigaa daabka mindida haya imakase maxaa la odhan waxaad ogaataan imika koob dheeraada la iniga yeeli maayo waxaanan ognahay nika ku caana maalaya in isaaq ugu badan yahay hadday daadatana de ma yeelkeed baan nidhaa mise sidan ha loo dhaamo hasheena maandeeq ma wada maalnaa …waar bal eega caddalada Isaaqa
Bal hadda aduu akhristoow ka gar naq dawlada Somaaliland ka bilaw

Madaxwaynaha 1..Axmed maxamed siraaynyo ( Isaaq)
2.gudoomiyaha guurtida Saleebaan maxamuud Adan (Isaq)
3.Gudoomiyaha Baarlamaanka C/aahi Ciro (Isaaq)
4.Ku xigeenka baarlamaanka Saaxiibkay samaale ( Isaaq )oo aan Xajja ( Yemen )kawadda shaqaynaynay
5. ku xigeenka guurtida sheekh Fure (Isaaq)
6. wasiirka arimaha gudaha Dr Gaboose (Isaaq)
7.wasiirka maaliyada Ina Xaashi (Isaaq)
8.taliyaha booliska Saqadhi (isaaq)
9.taliyaha ciidamada gen Taani (Isaaq),wasaarada qorshaha iyo dhamaan waxii dhaqaaqayo oo dhan cadaalda daray tirsadeen hadana iyagiibaa dulmi doonaya sida aan ognahay markii xukuumada lagu dhawaaqay iyo 95% oo golaha wasiirada ah oo wadda Isaaqa walee tii mareexaan waa Bikh… ma siddanbaad doonasaan in aan Dawlad ku noqono waar aan runta isku sheegnee in daacad loogu noqdo Soomaliland ka dheer qaabka ay tahay waxaan aaminsanahay nika Isaaq raali galinayaa ee madaxwaynaha sawt ku yimid in caddaalad ka dheertahay dhaqanka Soomaalida ayaa waxaa ka midda in qofka shisheeyaha ah horta la raali galiyo xataa taa wuu garanwaayay Malaha Siiraanyo in dadkale wax laleeyahiin ma aaminsana umana haysto nikaan qalooca alifkiisa arkayaa al baqradiisa sugi mayo..Waa wax laga xishoodo sida sadbursiga ah ee siilaanyo wasiirada umagacaabay.waxaanan leeyahay dadka reer awdal tani waxay lamidtahay cadaalad daradii lagu sameeyay dadka gobalada waqooyi kasoo jeeda 1960kii, tiibaa maantana lanoolala yimid oo yaa nacasa ee kaa yeelaya MARNA RASHIID MARNA RISAAQ INTA KALE MA ROOTIYAA, tani waxay na tusasaa meesha ayuub ka mudahraaaday ee sacad muuse 5 wasiir laga siiyay samaroona la yidhi laba qaato in meesha inugu kala kaxeeya tahay beesha samaroona.way tashanasaa ama Naato noqda ama qunbuliye duriye ridda haddaad dhakhso looga noqon waayo dawlada cusub saamiga Samaroona, badkaa la soo dhigiwaayo
HA IGU DAYIN JAALE MADAXWAYNE WAXAANAD YEESHEEN ADBA SIDDAAN KUUGU LISNAYNA U HANBEE.. mise haddaan kadartii ka saarnay bahasha waa sidii habartii tidhi intay xaabadii la kici waydi ilaahay baridee markii ay kacday tidhi kacaye ku la,aaw waar wali ma dhawa waxaan qabiilada dhaxe ku aqaan ka fiirsasho la,aan hadday dhawdahay fadhigaa fadhi ha looga noqdo ,Galbeedka dakiisu waa dad ka fiirsada waxa ka dhalan kara talaabada xun hana nagu kalifina in aan meesha lagu kala yaaco oo adeer anagaa cuntada cusbaynayeynee ha iska ciidaynina , Aragti fog reeraha dhaxana ha yeeshaan … hana u qaadanina haddaan dadku haddal badnayn in uu nacas yahay yaalaa waxa la arkaa in uu wax xeerinayo ama uu ka xishoonayo wax rag xarago u haystaan wali taladaydu waa toosin fara badan oo soomaalildu wax isugu sheegtaana waa suurta gal in ay dhacaan haddan wax laga qaban cadaalad darada ka socota soomaliland meesha tuur ay ka leedahay oo dhana laga biin kasoo biloow shirkii Boorame ilaa imaka qalooc ayaa ku jira waa la garanayaa sidda lootoosiyo ee ha la toosiya jaraha qaloocday iyo qabiil jaclaysiga Soomalo halkaa dhigay halga digtoonaado dadka iyo dalkana waa lawada leeyahaye yaan qolo kali ihi isa siin
wasalaama calayku
Runtu fanta maaha dadkase way ka nixisaa hadaad ka naxdid runta wixii qaldan aan wadda saxno haddi kale ciin ha daaqdo

Hassankhadar jama
san diego Ca

Popularity: 10% [?]

You Should Also Check Out This Post:

More Active Posts: