Wararka

Xisbiga KULMIYE oo kulan balaadhan ku yeeshay Xaruntiisa Hargeysa

Hargeysa(saraarnews)Kulan ballaadhan oo ay ka soo qayb galeen dham aan Masuuliyiinta qaybaha Kala duwan ee Xisbiga KULMIYE ayaa saaka lagu qabtay Xarunta Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Hargeysa, kulankaas waxaa shir-gudoominaayey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Mohamed Siilaanyo, waxaana hareero fadhiyey oo ardaaga kulaalaayey , oo hadalka iyo fikradaha wadaagaayey inta badan  Hoggaanka Xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha dhexe iyo odayaasha Golaha wakiilada Xisbiga ugu jira.


Waxaa laga wada hadlay Kulankan ayay ugu muhiimsanaayeen  dardargelinta Hawlaha Xisbiga iyo Xog waraysi la xidhiidha marxalada hada dalku ku sugan yahay , waxa la ila gartay in shacbiga looga xogwaramo halka hadba wax marayaan iyo in wada shaqayn buuxda lala yeesho komoshinak doorashooyinka qaranka si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo sidii loo dhamaystiri lahaa wixii ka hadhsan qodobadii beesha caalamku soo bandhigtay ee 6-da ahaa wixii aan ilaa imika qabsoomin.. wax kale oo la isla qaatay in xisbigu xogogaal dheeri ah u noqdo waayaha iyo duruufaha shacabkiisa, lana yeesho talo wadaag buuxa , fikradahooda iyo baahiyahoodana si weyn u dhuuxo una dhegaysto.

Intaasi markii si hudfan looga dooday waxaa loo saaray guddi isku soo dubaridda sida hawlahaasi iyo sidii ay u hirgeli lahaayeen.

 

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top