Dani tire(maanso) waxa tiriyey Mubarak qoorubaxay
Maansadan Dani tire oo miisaankeedu aad u culus yahay waxay soo baxday maanta 08.08.2010, wuxuuna kaga hadlayaa wacyiga ugu danbeeyey ee wadanku ku sugan yahay, Waxaa tiriyey Abwaan Mubarak Mohamed Nur "qoorubaxay". Uma baahna fasiraad badan hase yeeshee adiga iyo dareenkaagu meeshuu kuula kaco ayay ku xidhan tahay.Hadaba maansadan oo isugu jirta cod iyo qoraal halkan ka dhegayso
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Wuxu yidhi daljirihii
Daacadyahay hungowdaye
Dhagartu isku duubtaay
Runta diiqadowdee
Laga doortay beentaay
Doocaanta malabkee
Dacar laga jeclaadaay
Dalawada Irmaanee
Nirig deeqi waydaay
Deyntiyo Amaahdaa
Kii qaatay diidaay
Axdiyihow la dooxiyo
Balan yahay la doorshee
Samaheed la duufshaay
Daawada toliimiyo
Ka abaal darkeedaay
Diriryohow onkodayee
Dadku naawilaayee
Dacal kale u guuree
Daadeys ku hooroow
Dhegahaan dalooline
Allahayoow maxaan digay
Inkastuu Daliigiyo
Midab dooran leeyahay
Duurjoogna loo filo
Magacu isma doorshee
Farow waa Dameeruun
Dacawada sumoowdee
Daashee tabcaantee
Dagaw dagawda haysaay
Danta lagama boodoo
Mawdku ruux ma daayoo
Ileen daayinkaa lehe
Hadii deynta lala tago
Duugiyo mashxarad baa
Durbadiiba joogoo
Dumaashana cid baa lehe
Maxaa adiga kuu daran?
Dibiga iska naaxee
Dudada iyo beertiyo
Degelkiisa joogoow
Hadaad tidhi balkaba daaq
Daalac naasil weeyee
Garan wayday qayb daa
Malahaaga daawada
Cadligiyo daryeelkaad
Dulmiga u taqaanaa
Siduu qabo dirkiinuba
Dunidaba adaw mudan
Dawriga Libaaxoow
waadigan dubaaxdiyo
Darabtiiba diidaye
Dirka habar dugaagee
Dunta boqorka kuu xidhay
Ma cid kaa danbaysoon
La Dareensanayn bay
Taladii la doonteen?
Waaryaahe daayeer
Dayrtiyo Gugiiyoo
Labadiiba kuu da'ay
Degelkuba qadhaab yahay
Dabadii casayd weli
Ma dahaadh la'aan baa?
Miyaan daahba loo helin?.
Alahayoow Daluun dheer
Deleb mawgu dhaadhacay
Rag baa deyn ku go'an yahay
oo duunyaduu dhaqay
Dalawo uga soo hadhin
Deldelaad ragbow galay
dooda iyo qalinkana
marka waagu daalaco
niman baw diraan jiray
Daalaadhaceedii
Rarankiyo dabkeedii
Xilaha iyo dumarkii
Niman baa dalqado furay
Debedyaalka weheshaday
Suugaanta doorka ah
niman baa durka u dhigay
oo daabaca u rogay
maahmaahna daba dhigay
inta uu ku diirsaday
shacabkiiba daba galay
Duhur bay ahayd shalay
Ha abaal daraatoo
dakanooyin hoosiyo
Dulin haw abtirisee
sida doorkan ay tahay
Daacuun qarsooniyo
Duumaa ku saayida
Doobir eebbe mooyee
Dibirooti waw halis !
Ninuun baa durduriyoon
Derajada ku boobnoo
Keligii dumaalaye
Danyartiyo agoontii
Wax daryeela may helin.
Dumarkiyo caruurtii
Daalkii la soo maray
Dacaskiyo haraadkii
Dangaraaradiisay
Dawakhii la jiifaan
Doontuna badweyn bay
Dhex dabaalanaysaa
Doc kastood u eegtana
Hir Dabayla weeyaan
Dakhalkiyo shiraaqii
Inuu duulo waw halis
Waxa taa ka sii daran
Intii degelka wada tiil
Diyada isla bixin jiray
Maba kala dab qaataan
Dani baana kala galay
sidaa loo daweeyaa
kansar ay ka daran tahay
Afartaasi duuduub
dooda iyo sheekada
anigaan u duurxulin
Waa dagaal horaantii
Ama waa dardaar werin
dabayliyo ufiyo roob
duufaano wuu xigi
waxaan diiday khayrkay
diba iima yeelsiin
Dabroo sheekadii furay
sida uu dad hore yidhi
hadii doobi buuxsamo
inuu daato waw halis
Dayntayda maqan baan
Diiwaan ku haystoo
maba geyo darjoogiyo
Derajada xoghayntee
Hadii laygu duudsiyey
Ana dayrshay kaagee
Xaq u doodistaydii
haday dooga nabariyo
Dakanooyin beereen
Boogana damqanayaan
dooxyana faruurmeen
Kumaan aabihii dilay?
Hadal laguma daalee
Ninka daarta joogee
Duubkeeda qaatoow
Markaad fuushay dabaqii
Hadii xaal dahsoonaa
Maantaba ka daahiray
Anigay i doorteen
Dawladnimadu maahee
Weligayba daakhuud
Uma tumin durbaankee
Arin lagu dabiiboo
Nabarada dawayoo
Keen daawadeena ah
Ama Daayin way baray
Danyaraha xuquuqdii
Sida loo Difaacee
Dirir laba afleeyiyo
Dooyada rogaal celis
Marka xaalku diiq galo
Dadku yaanu kala caban !


