Wararka

Waaxda Arrimaha Debedda ee Maraykanka oo Diiday Inay Casuumaad u Fidiso Dawladda Daahir Riyaale oo Ka Door Bidday Mucaaradka

USA(saraarnews) Dawladda Daahir Riyaale ayaa isku deyday in Waaxda Arrimaha Debedda (US State Department) ee dawladda Maraykanu ay caasuumaad la mid ah ta ay u fidisay hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, loo fidiyo hase ahaatee ceeb iyo fashilaad kala kulanatay ka dib markii loo sheegay inaanay ahayn “waqtigii saxa ahaa” ee casuumaad loo fidin lahaa, warar xogogaal ayaa WARYA TV u sheegay sidaas.

 

Ilo wareedkayagu wuxuu sheegayaa in wakiilka Somaliland u fadhiya Washington, Dr. Sacad Nuur, oo ah nin khabiir ah oo ku xeel dheer arrimaha dibloomaasiyadda in laga qariyey in isaga la sii marsiiyo si uu codsiga ugu soo sameeyo dawladda. Hadda ka hor dawladda Daahir Riyaale ayaan taladiisa ku socon taasoo dhalisay inay isku dhacaan dawladda Maraykanka.

 

Waaxda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa ugu jawaabtay dawladda Riyaale inaanay immika ahayan “waqtigii saxa ahaa” ee casuumaad loo fidin lahaa balse “aad ku mahadsantihiin codsiga aad soo sameysateen oo aannu mustaqbalka tixgelin doono” taasoo luqadda dibloomaasiyadda ay micnaheedu tahay ku dooni mayno. Ilo wareedkayagu muu tibaaxin cidda codsiga sameysay iyadoo wasiirku arrimaha debedda ee Somaliland uu haatan arrimo xagga caafimaadka awgeed uu ugu sugan yahay Addis Ababa.

 

Guddoomiyahay xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayey dhawaan dawladda Maraykanku u fidsay casuumaad rasmi iyadoo loo qabanqaabiyey weliba inuu safiiro kala duwan oo reer galbeedka ahan uu la kulmo.

 

Maryakanka iyo Ingiriiska ayaa ka dayriyey dawladda Daahir Riyaale iyadoo isku dhacyo hore ay soo jireen oo uu Daahir Riyaale taleefanada ka qaadi waayay safiirka Ingiriiska ee Addis Ababa fadhiya iyo ka Maraykanka ee fadhiya Nairobi iyo isagoo wasiirkiisa arrimaha debedda, Cabdillahi Maxamed Ducaale, ay isku dhaceen Donald Payne oo ah guddoomiyaha guddi-hoosaadka Afrika ee Aqalka Wakiilada ee Maraykanka oo ka xaarantimeeyey inaanu xidhiidh danbe kala yeelan doonin dawladda Daahir Riyaale arrimaha Somaliland.

 

Donald Payne wuxuu hore u sheegay in arrimaha Somaliland uu kala xidhiidhi doono oo qudha xisbiga mucaaradka ee KULMIYE oo uu hadda ka horna casuumaad rasmiya u fidiyey.

 

Signallo farabadan ayey dawladaha reer galbeedku u direen inaanay Daahir Riyaale rajo dambe ka damacsanayn isla mar ahaantaan aanu ahayn ninkii Somaliland hoggaamin lahaa ka dib markii uu ku fashilmay maamulkiisu inuu doorashadii madaxtooyada ka qabto waddanka.

 

 

 

Diidmadan ayaa waxa kale oo ay dabada ku haysaa arrimo farabadan oo ay ka mid yihiin iyadoo dawladda Daahir Riyaale ay diiday wefdigii ka socday EU-da iyo Maraykanka ee damacsanaa inay waddanka soo gaadhaan hadda ka hor markii uu khilaafka dawladda iyo mucaaradku meel xun marayey sannadkii hore iyadoo dawladdu sheegtay inaanay damaana qaadayn nabadgelyada wefdigaasi haddii ay cagaha soo dhigaan waddanka.  Taa waxa dheeraa in markii uu madaxweynuhu saxiixay heshiiskan is-fahamka ah (Memorandum of Understanding) inuu ku amray xisbigiisu inaanu ka soo xaadirin golah guurtida oo uu damacsanaa in hal sano oo muddo kordhin ah loogu dhufto.

 

Dawladda Maraykanku inay la socoto xisbiga Mucaaradka ee KULMIYE ayaa waxa daliil u ah in markiii uu guddoomiye Siilaanyo yimi Addis Ababa ayay safaaradda Maraykanku ku wargelisay in Xafiiska Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Maraykanku (US Bureau of Citizenship and Immigration Service) ay joojisay fiisihii ay warqadda goonida ah ku bixin jirtay. Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu haysto baasaboor Somaliland ah sidaa awgeed haddii aanay fiise gooni ahaan u siinayn maadaama aanay aqoonsanayn baasaboorka Somaliland uu waddankiisa dib ugu noqon doono.

 

Guddoomiyuhu wuxuu diiday inuu ku socdaalo baasaboor Soomali ah sidaa awgeed waxa ay dawladda Maraykanku si deg deg ah uga codsataty dawladda Ethiopia inay siiyaan warqad uu ku socdaalo oo loogu dhufto fiisaha oo muddada socdaalkiisa uu ku joogo dalka Maraykanka ku kooban.

 

Dawladda Daahir Riyaale ayaa muddo badan ku diri jirtay Ethiopia in mucaaradku ay yihiin qaar u cadow ah danaheeda hase ahaatee codsiga ay dawladda Maraykanku samaysay ayey Ethiopia diidi kari weyday.

 

 

SOURCE : WARYA TV

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top