Wararka

Horumarka ka Socda Gobolka Saraar oo Sii kordhaya Iyo Hoteelo Cusub oo Ku soo Kordhay

Oog(saraarnews)

Kobaca horumarka iyo dhismayaasha oo marba marka ka danbaysa kor u sii kacaya ayaa waxaa mudooyinkan danbe magaalada Oog ku soo badanaya dhismayaasha huteelada hurdada ee waawayn.
Waxana haatan ka soconaya dhismayaal farbadan oo isugu jira hotelo, xarumo caafimaad, warshado yar yar  iyo dhismayaal kale sidoo kale waxaa dhowaan xadhiga laga jaray Hotel Weyn  oo kamid ah huteelada ugu waaway  magaalooyinka Caynaba iyo Oog  kaasi oo in mudo ahba dhismihiisu soconayay.
 
Iyadoo maalinba tan xigta uu horumar samaynayo Koritaanka dhinaca dhaqaalaha ee Gobolka Saraar gaar ahaan deegaanka Cayn  ayaa waxaa haatan socda horumar balaadhan oo lagu samaynayo maalgashi dhinacyada ganacsiga ah oo ay ugu badan yihiin Hotelada Hurdada iyo shirkadaha dhinaca Dhismaha. Badhtamaha magaaloolinka  Caynaba iyo Oog   waxaa Dhowaan laga furayaa Mid ka  mid ah Hotelada Hurdada ee ugu horumarsan Deegaanada Soomaalidu degto, iyadoo guud ahaanba Hoteelkaas loo dhamaystiri waxyaabihii lagama maarmaanka u ahaa In laga helo Hotel hurdo.
Hoteelada  Hurdada  ayaa waxay wax  weyn waxa uu ka tari doonaa Bilicda magaalada Oog oo sanadihii u dambaysay samaynaysay ku dayasho wanaagsan. Waadna ujeedaan bilicda ka ifaysa gudaha Huteelkan oo si weyn loogu fara yaraystey..
Run ahaantiina talaabadan horumarineed ee gobolka ka socotaa waxay tahay dhabada u sii xaadhaysaa, sidii halkaasi looga sii wadi lahaa hawlaha la xidhiidha dhinaca horumarinta, waxaanuna Hambalyo iyo Taageeradaba u diraynaa Hawlwadeenada Horumarkan balaadhan  oo iyagu  run ahaantii is xilsaaray gartayna  inay deegaankooda maal gashadaan.
Shacabka u dhashay gobolka Saraar  ee iyagu dunida dacaladeeda ku kala noolna waxaa looga fadhiyaa inay talaabadan ku daydaan, wixii horumar ahna ay deegaankooda ka bilaabaan.

By Weriye Maxamed Jaamac Darwiish
Degmada Oog Gobolka Saraar (Republic Somaliland)

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top